Home Blog Page 21

MUUSE BIIXI OO HORGAL UGAASKA HAGARDAAMEEYA U MAGACAABAY ITOOBIYA

wakiil cumar cali bade sl itoobiya

Maamulka Taagta Daran ee uu wakhtigiisu gabaabsiga yahay ee uu Hogaamiye Muuse Biixi ayaa mid ka mid ah Horgalladda Beesha gadabuursi u magacaabay Wakiilka dalka Ethiopia.

Horgal Cumar Cali Cabdilaahi Bade ayaa shaqadiisu ugu weyn ee loo xilsaaray tahay sidii uu u hagardaamooyin iyo dhagaro ugu qooli lahaa Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi, kaas oo si adag uga soo horjeeda maamulka beeleedka iminka ka taliya Gobolka Awdal, iyadoo arintani ay daba socoto kadib markii Ugaasku ku dhowaaqay inay degaamada Awdal iyo Salal kala baxan maleeshiyo beeleedyada.

Maamulka Muuse Biixi ayaa jiif iyo joogba diiday kadib markii ay saxaafada ka soo muuqdeen Garaad Jaamac Garaad Cali ee SSC-Khaatumo iyo Ugaaska Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, halkaas oo Jamaahiirta SSC-Khaatumo ay Ugaaska u balanqaadeen inay isla gartaagayaan taageero hiil iyo hooba leh, sidoo kale shacabka Maamulka Awdal State of Somalia. Waa markii ugu horeysay ee Cabsi ay Ugaaska ka qabaan darteed ay qof Samaroon ah Adis Abbaba u magacaabaan.

SAWIRRO MADAXWEYNE FIRDHIYE OO LAASCAANOOD SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY

soodhoweyn laascaanood hogaamiye firdhiye2

Madaxweynaha SSC-Khaatumo CabdiQaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa maanta ku soo guryo noqday Caasimada Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey, kadib markii uu guullo waaweyn ka soo hooyey safar shaqo oo uu ku tegay Caasimadda Umadda Soomaaliyeed.

DAAWO MAAMUUSKA IYO MAQAAMKA SARE EE MADAXWEYNE FIRDHIYE MUQDISHO LOOGA SAGOOTIYEY

Daawo Maamuuska iyo maqaamka sare ee Madaxweyne firdhiye Muqdisho looga sagootiyey.

https://youtu.be/35UgHFOhtOg

WAA KUMA IMAAMKII MASJIDKA AL-AQSA EE LAGU BAAQAY IN LA DILO?

imaam Masjidka al Aqsa Sheekh Cekrima Sabri

Kooxda Israa’iiliyiin ah ayaa bartooda Telegramka soo dhigay magaca imaamka Masjidka al-Aqsa, Sheekh Cekrima Sabri iyo tobanaan kale oo Falastiiniyiin ah iyaga oo ku baaqaya in la dilo.

Kanaalka Nazi Hunters 2023 wuxuu ku tilmaamay “bartilmaameedyada” inay yihiin “Naasiyiin si xor ah u socda oo aan weli la tirtirin.”

Meesha guriga Sabri ku yaal ayaa lasoo bandhigay iyagoo ku baaqaya in la weeraro. “Sabri waa mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee ciribtirka,” ayay lagu yiri qoraalka.

Falastiiniyiin kale ee lagu wadaagay kanaalkan Telegram waxaa ka mid ah, hoggaamiyeyaal diimeed, dadka siyaasadda, saxafiyiin, mas’uuliyiinta dadweynaha, qaar ka mid ah ardayda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda Falastiin, iyo sidoo kale xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Xamaas iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta.

Kanaalka oo ah meel qoraallada lagu dhigo Afka Cibraaniga, ayaa ku baaqaya in hay’adaha fulinta sharciga ay soo qabtaan oo ay su’aalo waydiiyaan kuwa ay ku magacaabeen qoraalkooda, lana horkeeno sharciga, iyagoo ku baaqaya in la weeraro masaajidda, jaamacadaha iyo ganacsiga.

Kanaalkan oo la sameeyay Isniintii, waa mid ka mid ah akoonada Telegram-ka kuwaas oo u muuqda inay hurinayaan rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil iyo kuwa ku nool Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sheegay in aanay jirin sharci iyaga ka ilaalinaya rabshadaha ka imanaya dadka la xoogga lagu dajiyey dhulkooda, waxaana dhaca weerarro badan oo iyaga ka dhan ah iyada oo ay joogaan ciidammada Israa’il oo indhaha ka qarsada amaba ka qayb qaata xadgudubka.

Waa kuma Sheekh Cekrima Sabri?

Sheekh Cekrima Sabri waa madaxa Golaha Sare ee Islaamka magaalada Qudus, horeyna u ahaa Muftiga weyn oo Qudus iyo Falastiin. Waxa uu weli imaam ka yahay Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, halkaas oo uu si joogto ah uga khudbeeyo.

Sheekh Cekrima Sabri aad ayaa looga ixtiraamaa Falastiin siiba aragtidiisa ku wajahan Israa’iil. Marar kala duwan ayaa laga mamnuucay inuu galo Masjidka Al-Aqsa oo la xiray dhowr jeerna waaba la xiray.

Sheekh Cekrima wuxuu qabaa fikir qayaxan oo uusan kala gaban Israa’iil. Waraysi uu bixiyay sannadkii 1999 oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Masjidka Aqsa, Sabri wuxuu ku yiri “Haddii Yahuudu ay nabad rabaan, waa inay ka fogaanayaan Al Aqsa, tani waa amar Ilaahay ka yimid, Xaramka Al-Shariif waxaa leh Muslimiinta. Laakiin annagu waxaan nahay Muslimiin. ogow Yahuuddu waxa ay qorsheynayaan in ay masjidka dumiyaan, Yuhuudana waxaa shaqadooda u qabanaya masiixiyiinta, waa dariiqa Yahuudda, waa sida Shaydaanku isu muujinayo, Yahuudda intooda badan waxa ay rabaan in ay Masjidka dumiyaan. Haddadan aankula hadlayo ayey sidaas diyaarinayaan.” Ayuu yiri.

Fikirkiisa ka dhanka ah Israa’iil ayaa ka dhigay bartilmaameed, waana taas sababta dhowr jeer loo xiray.

Markii ugu dambeysay waxaa gurigiisa lagasoo xiray sannadkii 2021, qof ka mid ah ehelkiisa oo warbaahinta la hadlay markaas ayaa sheegay in Israa’iil aysan sharxin sababta ay u xirayaan balse masuuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay inuu jeediyay hadallo xagjirnimo ah.

Sannadkii 2014-kii, ciidamada Israa’iil waxay ka mamnuuceen imaamka ka dambeeyay Sheikh Ekrima ahna muftiga weyn ee magaalada Qudus Mufti Maxamed Xuseen iyo sidoo kale dadka kale ee diinta iyo dadka caanka ah ee reer Falastiin inay galaan Masjidka Al-Aqsa, sida ay sheegtay Middle East Monitor.

RUUSHKA OO SI ADAG UGA JAWAABAY HADALLO KA SOO YEERAY JOE BIDEN

Dmitry Peskov russia

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in hadaladii ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee uu Vladimir Putin la barbar dhigay Xamaas u yahay mid aan la aqbali karin.

Biden, oo khudbad ka jeediyay Xafiiska Oval-ka Khamiista, ayaa sheegay in Maraykanku uu ku qasban yahay inuu garab istaago Israa’iil iyo Ukrain oo ka hortagaya Ruushka iyo Xamaas, wuxuuna yiri “ma yeeli karno mana ogolaan doono in argagixisada sida Xamaas iyo daalimiinta sida Putin ay guuleystaan”.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa yiri: “Ma aqbaleyno codka noocaas ah ee la xiriira madaxweynaheena.

Waxa uu sheegay in “hadallada noocaas ah aysan ku habboonayn hoggaamiyeyaasha mas’uulka ah ee dowlad-goboleedyada, oo ay adag tahay in la aqbalo”.

GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO LOOGA HADLAY AQOONSIGA SSC-KHAATUMO

un security c somalia

Madaxa Ergada Soomaalida ee Qarama Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo ka hadlayey fadhiga gaarka ah ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay maanta ka yeesheen xaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay DFS aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo.

Amb. Baalle ayaa sheegay in xaalka SSC hadda yahay mid deggan oo nidaamkii shaqeynayo, isagoo taas uga mahadceliyey maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay Dowladdaha iyo Hay’adaha caalamiga ah in ay la shaqeeyaan maamulka ay aqoonsatay Dowladda Federaalka, ayna tahay waajib.

https://www.facebook.com/watch/?v=339460705453387

D FEDERAALKA SOOMAALIYA OO M GOBOLEED U AQOONSATAY SSC-KHAATUMO

wasiir fiqi iyo hogaamiye firdhiye7

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maamul-gobolleed u aqoonsatay SSC-Khaatumo, taas oo lagaga dhawaaqay Warmurtiyeed wadajir ay u qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

MAAMULKA KHAATUMO OO DIGNIIN KA SOO SAARAY COLAAD BEELEED UU MUUSE BIIXI HURINAYO

ssc khaatumo logo

Laascaanood,18 October 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa dhaqdhaqaaqyada dagaal iyo ficillada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Soomalilaan kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan dhulka miyiga ah.

Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu Taariikh 14-kii October 2023 ku baaqay inuu abaabulayo dagaal beeleedyo, isagoona ballanqaaday inuu colaad ka hurin doona deegaannada oodwadaagta laga yahay ee u dhexaysa Ceerigaabo illaa deegannada hoos yimaada Buuhoodle.

Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Soomaalilaan waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Soomaalilaan damacsan tahay.

Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha derisyadooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo qarraaradii Golaha Ammaanka Qaramada midoobay.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo waxay hoosta ka xarriiqayaan in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo dhan, daandaansi kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaasoo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisu.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Maamulka SSC-Khaatumo

Email: Info@ssckhaatumo.so

MAAMULKA KHAATUMO OO MAGACAABAY GUDIGA SOO DHOWEYNTA MADAXWEYNE FIRDHIYE

ssc khaatumo logo

Sida aynu la socono hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali wuxuu maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa magaalo madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna kulamo la yeelanayey madaxda ugu sarraysa dalka iyo qaar kamida beesha caalamka, wuxuu dhawaan ka soo laaban doonaa Caasimadda.

Saasdarteed, si qabanqaabada soo dhawaynta weftiga loo diyaariyo waxaan halkan ku magacaabayaa Guddiga Hoos ku xusan, kuwaas oo shaqadoodu tahay, in ay ka shaqeeyaan sidii si habsami iyo habmaamuus leh loogu soo dhaweyn lahaa weftiga uu hoggaaminayo Hoggaamiye Cabdiqaadir.

Magacyada Guddiga:-

1. Xoghayaha Warfaafinta iyi Isgaadhsiinta Mud. Daahir C/rasaaq Ingeydh – Gudoomiye

2. Marwo Sahra Cabdi Xirsi – Gud.xigeenka

3. Mud. Maxamed Cabdilaahi Sheekh – Xubin

4. Mud. Axmed Maxamuud Cumar – Xubin.

5.Mud. Cabdurasaq Maxamed Axmed – Xubin.

6. Xildhibaan, Maxamed Qulaam – Xubin

7. Mud. C/rasaaq Faarax Dhegaweel – Xubin.

Haddaba, waxaa la farayaa hay’adaha Maamulka SSC-Khaatumo in ay la shaqeeyaan guddiga, sidoo kalana waxaa laga codsanayaa shacabka magaalada Caasimadda ee Laascaanood in ay ka qayb qaataan arrinkaas.

Mahadsanidiin

Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil

Ku simaha Hoggaamiyaha ahna Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo.

XAMAAS OO GANTAALLO KU GARAACDAY MAGAALADA TEL AVIV

duqeyn xamaas

Dadka ku nool magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa la arkayay iyagoo u cararaya meelo ay gabaad ka dhigtaan ka dib markii la maqlay dhawaaqa digniinta gantaallada.

Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaallo badan ku garaacday Tel Aviv iyo Qudus. Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa waxaa laga arkayay gantaalo maraya cirka sare ee magaalada.

Waxay calaamad u tahay xiisadaha sii xumaanaya ee u dhexeeya Israel iyo Hamas. Muuqaal ay BBC-du falanqeysay ayaa u muuqday mid muujinaya weerar xagga cirka ah oo ka dhacay isgoyska Rafah ee dhanka Xadka Masar, halkaas oo la rajeynayay in ay suurtagal tahay in xabbad-joojin ay ka dhacdo Gaza sidoo kalana muwaadiniinta ajnabiga ah lagu daadgureynayo.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka ayaa Arbacada booqanaya Israa’iil iyadoo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY