Home Blog Page 22

IN KA BADAN 1000 QOF OO FALASTIINIYIIN AH OO LA LAYAHAY

calanka palestine

In ka badan 1,000 qof ayaa weli lagu la’yahay guryo iyo dhismayaal ku burburay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Qaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.

Eyad Al-Bozom, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, ayaa sidoo kale xaqiijiyay tirada dadka la la’yahay.

Ugu yaraan 2,750 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 9,700 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen tan iyo 7-dii Oktoobar magaalada Gaza, wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa maanta sheegtay, iyadoo intaa ku dartay in 58 qof lagu dilay, in ka badan 1,250 kalena lagu dhaawacay Daanta Galbeed.

MAAMULKA KHAATUMO OO SOMALILAND KU EEDEEYEY ABUURI COLAAD BEELEED

ssc khaatumo logo

Wasaarada Amniga SSC-Khaatumo oo digniin ka soo saartay colaadda uu hurinayo Maamula Taagta daran ee Somaliland.

SHIINAHA OO DEEQDII UGU BALAADHNAY MAAMULKA KHAATUMO GAADHSIISAY

mucaawimo-khaatumo-china1

Deeq hordhac ah oo ay Dowlada shiinaha ay ugu deeqday Maamulka SSC Khaatumo ayaa maanta la gaadhsiisay Magaalada Laascaanood.

Deeqdan oo ay waday Hay’adda Garagaarka iyo Maareynta Masiiboonyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu wareejiyey Maamulka Khaatumo.

DAAWO WASIIR FIQI REER SSC WAXAY FUREEN ALBAABKII MIDNIMADDA KII KHIYAALIGANA WAA XIREEN

Xil Axmed Macalin Fiqi

DAAWO WASIIR FIQI REER SSC WAXAY FUREEN ALBAABKII MIDNIMADDA KII KHIYAALIGANA WAA XIREEN .

SAWIRRO HOGAAMIYE FIRDHIYE CASHO SHARAF GOBOLKA BANAADIR

casuumad firdhiye banaadir1

Sawiro Maamulka Gobolka Banaadir oo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye u sameeyey Munaasibad soo dhawayn iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusay.

MADAXWEYNE XASAN IYO HOGAAMIYAHA SSC OO KULAN BALAARAN YEESHAY

madaxweyne xasan iyo hogaamiye firdhiye iyo pm xamse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

DHAMAAD

XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MAREYKANKA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA FALASTIIN

maxamuud cabaas palastine

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa jimcaha la kulmi doona xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, sida uu sheegay Xuseen Al-Sheekh, oo ah xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee ururka xoreynta Falastiin (PLO).

Hoggaanka siyaasadeed ee Falastiin ayaa waxaa si weyn ugu kala qaybsan, xisbiga Fataax ee Maxamuud Cabbaas ee Daanta Galbeed iyo ururka Xamaas oo ay iska soo hor jeedaan ee maamula marinka Gaza.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Israa’iil, si uu taageero ugu muujiyo dalka iyo dadkaba, kadib weeraradii Xamaas ee Sabtida.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

Biden wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay carada dad ka reer israail, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.

GOLAHA AMAANKA OO WAR KA SOO SAARAY TACADIYADDII AY SOMALILAND LAASCAANOOD KA GEYSATAY

un security c somalia

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa war cusub ka soo saaray magaalada Laascaanood, ayaa sheegey in loo gudbiyey shaqsiyaad mas’uuliyiin ku lug leh denbiyo dagaal oo ay ku jiraan dilka dumar iyo carruur, beegsiga xarumaha bulshada, miineyn iyo denbiyo kale.

Goluhu wuxuu Dowladda Federaalka ah iyo hey’adaha ka howlgala dalka ugu baaqey in ay gargaar bin’adannimo iyo kaalmeynba ka sameeyaan Sool, sidoo kalena la baadho waxyeellada laga geystay gobolka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO HOGAAMIYAHA SSC-KHAATUMO OO KULAN KU YEESHAY VILLA SOMALIYA

Villa Somalia2

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa maanta kulan waqti dheer qaatay ku yeeshay Madaxtooyadda Somalia, kulankaas oo noqday mid midho dhalay, oo dhamaan laysla gartay arimihii laga wadahadlay.

SALEEBAAN GAAL OO BAABUUR DAGAAL BEESHIISA UGU DEEQAY

SALEEBAAN GAAL

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shalay goobaha baabuurta lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa ka urursaday 4 gaadhi oo kuwa qoryaha la saaro ah, kuwaas oo uu doonayo inuu kaga qayb qaato dagaal beeleed uu Maamulka Muuse Biixi doonayo inuu ka huriyo degaanka Qorilugud, qoryaha baabuurta la saarayo waxaan balanqaaday Muuse Biixi Cabdi.

Saleebaan wuxuu ka mid yahay xubno dhowra oo la sheegayo in Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ku daray Liiska dagaal oogeyaashii xasuuqa ka geystay Magaaladda Laascaanood.

Dukuunkan ku hor gaboobay Golaha Guurtida Somaliland ayaa u muuqda inuu khaatumo xumeysanayo maadaama uu waqtigan u tafo-weytay inuu daadiyo dhiiga Muslimiinta.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY