Gudoomiyaha Guddiga Maaliayada Baarlamaanka Jamhuuriyda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuur ayaa Golaha ka hor sheegay in miisaaniyada soo socoto lagu daro SSC oo ah maamul soo socda.
Koox Salaadiin uu dhiigyacab Muuse Biixi Cabdi dabadda ka soo riixay oo uu hogaaminayo Suldaanka Subeer Awal Suldaan Xasan ayaa maanta magaalada Hargeysa ka soo saaray Warsaxaafadeed meel ka dhac ku ah caqliga Jamaahiirta Garxajis ee Halganka ka bilowday Buurta Cacan Libaax, kaas oo ka koobnaa labo qodob oo kala ahaa, in Muuse Biixi Ciidamaddiisa dib ugala soo baxo degaamadaas iyo inaan Jamhadu wax dagaal ah qaadin oo xabadda joojiyaan.
Qodobka kowaad waxay ku qarinayaan inaan Muuse biixi haysan Ciidan iyo Awood uu ku gurmado, maadaama aad dhowrkii boqol ee uu haystayna aad shalay cagta mariseen, Ciidankii Somaliland waxna Goojacade ayaa lagu dilay, wixii hadhayna ku gadoonsan yihiin.
Qodobka labaad daacad kama aha ee waa waqti dherersi inta laydiinka diyaargaroobayo ama ay helayaan fursad ay ciidamadda Goojacade ugala soo baxaan, Muuse Biixi iyo inta la shaqeysa waxay dawladnimaddii iyo siyaasadii u qaateen been, khayaano iyo dacaayad baraha bulshadda laga fidiyo.
Jamaahiirta GARXAJIS ha xusuustaan Suldan Xasan iyo kooxdiisu waa kuwii jamaahiirta SSC xaaraantinimeeyeen in lala kulmo ee mudada dheer Caynaba fadhiyey, balse idinku waxaad leedihiin goljilic laydiin soo mari karo sida Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe, Gudigga Caddegude, jindagaagay iyo Horgallo badan.
Jamaahiirta iyo Ciidamadda xaq u dirirka SSC waxay si dhaqso ah idiinku balanqaadayaan war farxad idiin leh oo Taliska Dhiigyacabka Muuse Biixi uu awoodi waayo inuu diyaargarow iyo hub urursi idiin sameysto ee hasii deynina dariiqa Gobanimadda iyo cadaalada ee aad maanta cagta saarteen, kana faaiideysta Dagaalka Gobolka Sool, saacadii idin dhaaftaa waa dahab qaaliya oo aydin dib dambe u heli doonin.
Qajaarku waa geed jirka u leh faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, Waxaa ka buuxo fiitamiinada K, C, iyo A, waxaa kaloo laga helaa fiber iyo macdanaha potassium iyo calcium. Qajaarku 95% waa biyo sidaas darteed waxa uu jirka ka ilaaliyaa engaga.
Cabbista cabitaanka qajaarku waxay hoos u dhigtaa halista cudurka kansarka ee haweenka ku dhaca gaar ahaan kansarka afaafka ilmo galeenka iyo kansarka sambabada. Qajaarku wuxuu ka hortagaa cudurro badan, waxaana uu la dagaalamaa cayilka. Sida laga soo Dr Prachi Garg oo ku daabacday bogga PhramaEasy.
Caafimaadka Faa’idooyinka uu u uleeyahay qajaarka waxaa ka mid ah:
1. Wuxu yareeya Xanuunada kudhaca kalagoysyada/Isgoysyada ama lafaha: Lafa beelka (osteoporosis) waa xanuun ku dhaca lafaha, waxuu sababaa in awooda lafahu ay daciifaan ama ay khafiifaan taasoo keeni karta in laftu ay jabto xataa hadii inyar la qaloociyo. Qajaarka waxaa laga helaa macdanaha calcium, copper, magnesium, iyo potassium kuwaas oo xoojiya caafimaadka lafaha. Cabitaanka qajaarka waxa uu ka hortagaa lafo beelka iyo cilladaha lafaha ee da’da la xiriira. Sida laga soo xigtay bogga Cleveland Clinic. Daraasad ka soo baxday joornaalka PLos Medicine ayaa lagu ogaaday in ka dib marka haweenka dhalma gooyaan uu caawiyo isticmaalka qajaarka.
2: Wxuuu ka hortagaa kansarka: Walxaha loo yaqaanno “cucurbitacins” iyo “lignans” ee ku jira qajaarka waxay ka hortagaan noocyo ka mid ah cudurka kansarka sida kan ku dhaca qanjirka manida ee borosteytka. Sida laga soo xigtay Journal of edging research and lifestyle.
3: Wuxuu dhimaa miisaanka: Qajaarku wuxuu si weyn gacan uga geystaa miisaan dhimista, waa khudaar uu qofka isku caateyn karto isagoo nafaqooyin badan oo muhiim ah ka helaya.
Shaki kama taagna in kubadda cagta ay tahay sportiga ugu caansan adduunka islamarkana si wayn loo daawado.
Waxaa lagu qiyaasaa in ay gaaraan in ka badan 3.5 bilyan taageerayaasha kubadda cagta. Ciyaaraha Cricket oo kalainta labaad soo gala ayaa ku soo dhaw dhanka tageerada waxayna gaareysaa 2.5 bilyan.
Caannimada weyn waxay sidoo kale sidataa mushahar badan. Tiradu waa mid sare u sii kacaysa umana muuqato mid hoos u sii dhaceysa.
In ka badan 20 sano oo xirfad ciyaareed ah, Ronaldo ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya shan koob adduun. Markaa malaha wax la yaab leh maaha in uu kaalinta kowaad ka galo liiska ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ugu mushaarka badan.
Dib ugu soo laabashadii xagaagii 2021, waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu mushaharka badnaa taariikhda Premier League England markii uu heshiis laba sano ah u saxiixay kooxdiisii hore ee Manchester United. Laakiin dhammaanteen waan ognahay sida ay taasi ku dhamaatay.
Dhawaan markii uu ku biiray kooxda Al Nassr – taasoo oo keentay in kooxdan sacuudiyaanka ah ay lacag badan ku faraqdo Ronaldo, waxaana la sheegay in sanadkii uu kasbado lacag dhan $200 milyan.
2. KARIM BENZEMA (AL-ITTIHAD) – £172 MILLION sanadkii
Intii uu u dheelayay Real Madrid, Karim Benzema waxa uu si lama filaan ah ugu ciyaaray si la mid ah Ronaldo, waxaana ciyaaryahankan aad uu u soo jiitay taageerayaal badan.
Garoonka dhexdiisa, Benzema ayaa laga yaabaa inuu guulo badan gaaro – kaliya ma ahan weeraryahanka Faransiiska oo seddex sano ka yar Ronaldo, naadigiisa Al-Ittihad ayaa ah kooxda heysata horyaalka Sacuudiga. Runtii Al-Itixaad waxaa lagu tiriyaa kooxda ugu guulaha badan taariikhda Sacuudiga.
Al-Itixaad ayaa Benzema ku bixisa lacag dhan $222m oo doollar sanadkii si ay kooxdu natiijo wanaagsan u hesho.
3. KYLIAN MBAPPE (PSG) – £100 MILLION /Sanadkii
Kylian Mbapp ayaa waxaa loo arkaa in uu ahaa mid si wayn u soo baxay.
waxaa uuna sidaasi ku noqday saddex ka mid ah afarta xiddig ee ugu mushaharka badan kubbada cagta iyo si gaar ah kooxdiisa PSG.
Inkasta oo uu si joogta ah u sheego inuu doonayo inuu u ciyaaro Real Madrid, Mbappe ayaa door-biday inuusan ku biirin kooxda reer Spain, taa beddelkeedana mustaqbalkiisa u hibeeyey Paris .
In yar ayaa maqashay N’Golo Kante markii daafaca dhexe ee Faransiiska uu la soo saxiixday Leicester City 2015.
Taasi waxay isla markiiba u bedeshay Kante mid ka mid ah ciyaartoydii furaha u ahaa ku guulaysiga horyaalka ee ugu cajiibsan waqtiyada casriga ah.
Lacag badan ka dib waxaa uu u dhaqaaqay Chelsea, iyadoo Kante uu qaaday horyaal kale oo Premier League ah iyo Champions League 2021. Waxa uu sidoo kale Koobka Adduunka kula guuleystay France 2018.
Hadda oo uu ku jira da’da 30-meeyadii, Kante waa ciyaaryahan kale oo lacago badan ka soo xareeyay Saudi Arabia – isagoo kula biiray saaxiibkiis reer France ee Benzema kooxda Al-Ittihad.
Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger kadib afgambi yaab leh oo dalkaasi ka dhacay.
Sidoo kale waxaa loo yaqaan Omar Tchiani, waxa uu sameeyay la wareegis billaabatay Arbacadii markii ciidamada ilaalada madaxtooyada ee uu hoggaaminayay ay qabteen hoggaamiyaha dalka.
Tani waxay burburisay dimuqraaddii Niger tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii.
Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa loo malaynayaa in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana weli gacanta ku haya ilaaladiisa gaarka ah.
Inqilaabka ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jiraan Midowga Afrika, urur goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaanoEcowas, EU iyo UN.
Gen Tchiani oo 62 jir ah ayaa xilka ilaalada madaxtooyada hayay tan iyo sanadkii 2011-kii, waxaana sanadkii 2018 loo dallacsiiyay darajada guud ee janaraal.
Isagoo ka hadlayay khudbad telefishan laga sii daayay, ayuu Gen Tchiani sheegay in dowladdiisa ay la wareegtay sababo la xiriira dhibaatooyin dhowr ah oo ka dhacay Niger, oo ay ku jiraan amni-darro, dhaqaale xumo iyo musuqmaasuq iyo arrimo kale.
Waxaan dhamaan Jamaahiirta Xaq -u-dirirka ah ee Beesha Garxajis weyne ku wargelinaynaa in Muuse Biixi iyo Ciidamadda Jeegaanta ee Goojacade ku sugani ay lumiyeen Awoodii ay wax ku weerari jireen iyo fursaddii ay iyagoo nabadqaba dib ugu guuri lahaayeen oo waxaa hor fadhiya ciidamo iyaga xoog leeg oo u diiday inay si xornimo ah u dhaqdhaqaaqaan.
Jamaahiirta iyo Ciidamadda SSC Khaatumo ma ogolaanayaan in Ciidamadda dhiigyacab Muuse Biixi ee 7 Bilood magaaladda duqaynayey, maatada xasuuqay, 300000 oo qoys barakiciyey ay maanta nabadgelyo ku baxaan, mana jirto Isimo iyo Gudiyo awood u leh inay u balanqaadaan geedi nabadgelyo, sidaasdarteed waxaan idiin cadeynaynaa inay been tahay IN MUUSE BIIXI UU CIIDAMADIISA SOOL KALA SOO BAXAYO si uu Jamaahiirta Garxajis ugu cabudhiyo, waa cagajugleyn iyo cabsi gelin Caruurnimo oo aan caqli ka dambeyn oo horey Jamaahiirta SSC ugu baratay.
Ugu dambeyn waxaad ogaataan in Jamaahiirta, Ciidamada iyo shacabka SSC isku garab taagayaan oo ka jawaabayaan dagaalkasta oo ka dhan ah Beesha Garxajis, wuxuuna dagaalku noqon doona mid Buurta Gacan Libaax iyo Barri isku mar ka bilowda, sidoo kale waxaa laydiinla diyaar yahay baahi kasta oo halgankiina khusaysa.