Ciidamadda Beelweynta Garxajis ee dhowaan galay buurta Gacan Libaax ayaa maanta gacanta ku dhigay koox isugu jirta Horgallo iyo Basaasiin Ciidan oo uu u soo diray maamulka naflacaariga ah ee Muuse Biixi Cabdi.
Ciidamada Jamaahiirta ee Garxajis ayaa hawlgal ay ka fuliyeen Magaalada Go,da, waxay gacanta ku dhigeen 8 Xubnood oo isugu Jira saraakiil Ciidan iyo Horgallo kala duwan, iyo gaadiidkii ay wateen oo la sheexay in durba kuwo ciidan loo bedelay.
Horgallada ayaa waxaa loo soo diray inay furfuraan Jamaahiirta Gacan Libaax oo iminka u muuqda kuwo aan la loodin karin oo sidii kuwa Laascaanood rabitaanka shacabka ku socda.
Qofka baqayaa qiil ma waayo geesiguse markay timaado gunnimo iyo gala dagaalka, GALA DAGAALKA oo keliya ayaa u banaan, tusaalle ahaan dadka Reer Awdal ee Xasuuqa iyo xoogga lagu qabsaday waxay naftooda ku qanciyaan oo qiil ka dhigtaan, anagu qalinka ayaan ku dagaalanaa, sanadka dalku waa rooban yahay oo beelaha ayaan beeranaynaa, Somaliland anagaa Aasaasnay oo wow tudhaynaa, halka Beesha Garxajis oo Somalilandnimada iyo Isaaqnimada lagu gumeeyey ay marba Buur la fuusho shir yar ama Jamhad caato ah oo macnaheedu yahay na maslaxa.
Dawaco ayaa tiri REER AAN OGAHAY MA GUURO MANA NEGAADO, Reerka Cabdiraxmaan Cirro oo hadhiino ku cadaaday iyo Faysal Cali Waraabe oo madhan tallo iyo Siyaasad ka sugayaa ceeb iyo gunnimo ka fursan maayo, meelna gaari maayo, dhalinyaradda Beelweynta Garxajis waxaa la gudboon inay yeelaan sidii Jamaahiirta SSC oo taladooda gacanta ku qaadataan ama la kala adkaaye ay dan qaadataan oo si nabadgelyo ah degaamadiina ku joogtaan, oo joojisaa qaylada aydaan waxba ku qaadayn ee ceebtiina soo bandhigaysa.
NINKA CABDIRAXMAAN CIRRO, FAYSAL C WARAABE IYO ODAYAAL TALLO IYO GOAAN KA SUGAA WAA FULAY, REER SSC KHAATUMO WAXAY IDIIN BALANQAADAYAAN IN CIIDAMADDA GOOJACADE JOOGGAA IYO HABERJECLO TOONA IDIIN IMAAN, HUB, CIIDAN IYO TABABAR WAA IDIIN DIYAAR.
Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalaa Muqdisho, kaas oo lala beegsaday ciidamo ku sugnaa gudaha Xeradaasi.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyay qof soo xirtay jaakadda qaraxyada, isla-markaana ku sugnaa gudaha, kaas oo beegsaday ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada caasimada ah ee Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeyn iyo qalabeyn intaba, si ay uga qayb qaataan howlgallada socda.
Wararka ayaa intaasi kusii daray in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ciidamadu ku jireen saf dheer, taas oo keentay in meesha uu ka dhasho khasaare xoogleh.
Qofka is qarxiyay ayaa la sheegayaa inuu kamid ahaa dadka ku sugnaa xerada mana cada sida ay ugu suuragashay weerarkan oo lagu beesaday xero muhiim ah.
Saraakiil amni ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen ku dhowaad 30 askari, halka ay ku dhaawacmeen 60 kale oo kamid ahaa ciidamada ku sugnaa gudaha xerada.
Dhanka kale taliyaha ciidanka guutada 14-ka October, Cabdiraxiin Muunye oo u warramay warbaahinta gudaha ayaa shaki xoogleh ka muujiyay qaraxan, isaga oo sheegay in Al-Shabaab lagala shaqeeyay weerarkan, loona fududeeyay, sida uu hadalka u dhigay.
Horgalka Maamulka SNM ugu magacaaban Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Humbani ayaa maanta mid ka mid ah Xildhibaanadda Maamulkaasi ku sheegay inuu doonayo Qalasnimo oo ah derajo Sare oo Geesino oo ay gaadhaan Jamaahiirta iyo Dagaalyahanadda SSC ee mudadda kooban ku Burburiyey Ciidamaddii Somaliland ee 33 sano la dhisayey, kuwaas oo dhegta-dhiiga u daray Saraakiishii iyo Ciidamaddii khibradda lahaa, sidoo kale waxay god ku hubsadeen qabkii, hankii iyo rajaddii Somaliland.
Xildhibaan Casoowe oo shalay sheegay inuu ka soo horjeedo mabda,a dagaal oogayaal Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo aan aqoon in caqli aan dagaal ahayn wax lagu xalilo, khatarna ay ku yahaan jiritaanka Somaliland, ayaa maamulka Muuse Biixi cadho weyn ku abuuray, waxaana loo xilsaaray in Horgal Saleebaan Humbani u jawaabo.
Maamulka gooni-u-gaasatada ee Somaliland la baxay ayaa maanta Golihiisa Baarlamaanka u doortay mid ka mid ah Horgallada ka soo jeeda Degaamada SSC-Khaatumo oo lagu magacaabo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), iyadoo ay codka siiyeen kooxda fidmowadeyaasha ah ee Muuse Biixi taageersan oo doonaya in dagaalka Laascaanood sii socdo.
2. In loo adeegsado Beesha caalamka si loo qariyo xasuuqa Bilow-gii Dagaalka dhulbahante loo gaystay loona sii wado.
3. In beesha Habarjeclo oo qaybta ugu wayn ka qaadatay Dagaalka Dhulbahante ay foodsaaro ka dhigato si ay ugu fushato danaheeda deegaan Difaacashada ah.
4. In loo adeegsado qayb ka mid ah dagaalka siyaasadeed ee ku socda beesha Garxejis.
Cambaha waa geed-mirood ka mid ah kuwa muddada dheer qaata inay diyaar noqdaan.
Qolofka cambaha iyo qaabka ayaa kala duwan marka loo eego dalalka. Qaarkood waa kuwo kuusan oo jaalle ah, qaarna waa kuwo dhaadheer oo cagaar ama guduud ah.
Cambuhu wuxuu gaar u yahay Koofurta Aasiya, balse wuxuu haatan ka baxaa dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa, waxaa laga shiitaa cabitaan, halka dadka qaarna ay ansalaatada ku darsadaan.
Nafaqooyinka ku jira
80g oo cambe ah waxaa ku jira:
0.7g borotiin
0.3g dufan
11.2g karbohaydaraat
1.3g faybar
134mg potassium
29mg fitamiin C
Marka laga soo tago nafaqooyinka ku jira, wuxuu leeyahay shan faa’iido oo waaweyn:
Cambuhu wuxuu qani ku yahay maaddooyinka sunta jirka ka ilaalisa
Cambuhu waa il wanaagsan oo laga helo maaddooyinka ka hortaga sunta jirka.
Kiimikada ku jirta dhirta waxaa ka mid ah gallotannins iyo mangiferin. Labadan maaddo ayaa la daraaseeyay awoodda ay u leeyihiin inay ka hortagaan sunta ka dhalata cadaadiska jirka kaga yimaada nolosha maalinlaha ah iyo sunta ku jirta hawada aan neefsanno.
Miraha kale ayaa qaarkood laga helaa maaddooyinkan waxayna ku jiraan qolofka mirta.
Daraasad sanadkii 2012 laga sameeyay qolofka cambaha ayaa lagu ogaaday inuu door weyn ka cayaaro ka hortagga cayilka, waxaana taa sabab u ah maaddooyinkan kiimikada ah ee ku jira.
Wuxuu u fiican yahay dheef-shiidka
Daraasad la sameeyay sanadkii 2018 ayaa lagu ogaaday in dadka ay calooshoodu aad u adag tahay oo cambe cunay muddo afar toddobaadka ah, uu ka caawiyay inay calooshu u socoto.
Sababta ayaa lagu sheegay in maaddada faybarka ay ku badan tahay cambaha iyo sidoo kale waxyaabo kale oo ku jira mirahan.
Waxaa sidoo kale xiiso leh, in caleemaha geedka cambaha ay sidoo kale ka hortagaan fuuq-baxa maaddaama ay ku jiraan kiimiko.
Daraasad hore looga sameeyay xayawaannada ayaa sheegaya in jiir buuran oo la siinayay cunno ay dufantu ku badan tahay ayaa la siiyay cambe.
Xaaladda jiirka ayaa is beddeshay oo soo wanaagsanaatay maaddaama ay ku jiraan maaddooyinka polyphenols iyo gallo-tannins.
Wuxuu qurxiyaa maqaarka iyo timaha
Cambaha waxaa ku jira xaddi badan oo fitamiinnada A iyo C ah. Fitamiinka C wuxuu qeyb ka qaataa sameysanka collagen – oo ah borotiinka maqaarka qurxiya.
Fitamiinka C waa mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee ka hortaga sunta jirka, wuxuuna ka ilaaliyaa jirka waxyeellada kasoo gaarta deegaanka aan ku nool nahay.
Haddii uu kugu yar yahay fitamiin C wuxuu saameyn karaa bogsashada dhaawaca, wuxuuna sababaa in qofku uu gabowgu kusoo degdego.
Timaheennu ayaa sidoo kale u baahan fitamiin C si uu u sameysmo collagen sidoo kalena ay u qaataan birta – oo ah macdan muhiim u ah koritaanka timaha.
Dhammaan unugyada ayaa u baahan fitamiin A si ay u koraan, waxaana ka mid ah maqaarka iyo timaha, daraasado la sameeyay ayaana muujinaya in noocan fitamiinka ahi uu xitaa dib u dhigo gabowga maqaarka.
Mid ka mid ah doorarka ugu muhiimsan ee fotamiin A waa sameysanka sebum, oo ah maaddada saliidda oo kale ah ee jirkeenna iyo timaheenna qoysa kana ilaalisa qalleylka.
Wuxuu u fiican yahay wadnaha
Daraasad lagu sameeyay xayawaanka sanadkii 2016 ayaa muujineysa in kiimikada mangiferin ee cambaha laga helo, ay wadnaha u leedahay faa’iidooyin ayna ka ilaaliso caabuqa.
Daraasado dheeraad ah oo xayawaanka lagu sameeyay ayaa muujinaya in isla kiimikadan ay gacan ka geysato dheellitirka cholesterol oo ah dufanka jirka ku sameysma.
Inkastoo daraasadahan ay yihiin kuwo waxtar leh, haddana weli laguma sameyn bani’aadamka oo lama ogaan inay waxtar la mid ah kuwa xayawaanka u leeyihiin aadmiga.
Wuxuu u fiican yahay indhaha
Hilibka cambaha ee jaallada ah ayaa ka dhigan inuu qani ku yahay maaddada carotenoids oo caawisa caafimaadka indhaha.
Gaar ahaan, waxaa ku jira maaddooyinka lutein iyo zeaxanthin oo ka tirsan carotenoids kuwaasoo door muhiim ah ka cayaara inay indhaha ka ilaaliyaan iftiinka badan ee naga soo gaara qorraxda iyo aaladaha casriga ah ee aan isticmaalno.
Lutein iyo zeaxanthin ayaa sidoo kale muhiim u ah la dagaallanka calaamadaha gabowga ee indhaha.