Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.
Hadalka Madaxweyne Kuxigeenku Wuxuu kusoo Beegmayaa Iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Uu Hore Usheegay Inuu Deegaankaas Wadahadal Kala gelayo Somaliland.
Dhowaan Madaxwayne ku xigeenka ayaa ku gacan Saydhay Gudiga Doorashooyinka Puntland oo uu sheegay inaan Madaxwayne Siciid deni kala tashan.
Halkan Hoose ka akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo uu kaga soo hor jeestay wada hadalkii nabadeed ee Madaxwayne Deni ugu baaqay Soomaaliland in ay kala galaan ay dhulka ay Puntland isku hayaan.
Musharraxiinta mucaaradka ee Jubbaland ayaa sheegay inay dooran doonaan madaxweyne Khamista nagu soo aadan isla markaasna musharraxiinta madaxweyne ay maalinka berito ah ay khudbadaha ka hor jeedin doonaan baarlamaankii ay dhawaan soo magacaabeen.
Hadalka mucaaradka ayaa imaanaya xilli guddiga doorashooyinka Jubbaland ay shaaca ka qaadeen in Khamiista ay dhici doonto doorashada madaxweynaha.
Musharraxiinta mucaaradka ayaa ka biyo diidsan geeddi u socodka doorashada Jubbaland, waxaa ay dhawaan soo magacaabeen waxa ay ugu yeereen ‘Baarlamaanka labaad ee Jubaland’.
Dhawaan ayay aheyd markii wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland ka codsaday in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka.
“Haddii Guddiga doorashada uusan wax ka qaban arrimaha taagan ee ay ka walaacsanyihiin dhinacyada ay quseyso, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu intaasi ku daray James Swan.
Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Warar dheeraad ah oo hadda soo baxay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay Somaliland ka qabsadeen gaari nooca Teknikada ah oo la socday wefdiga guddoomiyaha Somaliland u qaabilsan gobolka ay u bixisay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar.
Wefdiga Somaliland oo ku socday dhinaca magaalada Badhan ayaa waxa weeraray ciidamo ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) halkaasi oo dagaal culus ku ku dhexmaray labada dhinac.
Bulshada ku dhaqan Hadaaftimo ayaa sheegay in wefdiga Somaliland ay dib u laabteen islamarkaana ay Puntland ka qabsatay gaari Land Cruiser oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ee gobolka Badhan Maxamuud Xaamud.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ayaa hadda xaqiijiyay in ay wefdiga Somaliland ka qabsadeen gaari kale oo nooca Teknikada ah kaasi oo ay soo bandhigi doonaan sida sheegeen.
Alle how naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Faarax (Soo Madow) oo habeen hore Ciidamada Booliiska Somaliland ay ku dileen Magaalada Laascaanood ayaan weli meydkiisii la aasin, kadib markii beeshiisu ay dalbatay in loo keeno askarigii xabada ku dhuftay.
Meydka Soo Madow ayaa habeenkii labaad qaboojiyaha u hoyday, halkaas oo la sheegay in lagu hayn doono ilaa laga keenayo cidii toogatay, iyadoo la sheegayo in masuuliyiinta Somaliland ay 24 saac ee ina soo dhaafay ku guuldareysteen inay beesha ku qanciyaan aaska marxuumka.
Ilaa hadda ma kala cadda in beeshu ka tanaasuli doonto iyo inay ku adkaysan doonto haynta meydka marxuumka, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda xooga la saaro si loo qanciyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta ku yimid dalka Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar Mudane Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay.
Wafdiga sare ee ka socda Dowladda Qadar waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qadar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka Mashruuca Dekedda Hobyo.
“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qadar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.
Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.
Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.
Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar culus oo dagaal yahano katirsan Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.
Waxaa dagaalkaani bilowday kadib markii malayshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire
Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda, isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.
“Waxaan xaqiijineynaa in aan khasaaro badan gaarsiinay Al-Shabaab, 20 ka tirsan ayaa ciidamada dowladda ku dileen duleedka Bariire, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan saldhiga ciidamada ee Bariire”, ayuu yiri Janeraal Odawaa.
Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxay sheegayaan in ciidammada dowladda ay gaareen duleedka magalaada istaraatiijiga ah ee Khan Sheikhun oo ka tirsan gobolka Idlib.
Heshiis xabad joojin ah oo ay garwadeen ka ahaayeen Ruushka iyo Turkiga ayaa sannadkii lasoo dhaafay looga dhawaaqay gobolka Idlib si shacabka looga daadgureeyo halkaas balse heshiiskaas ilaa hadda ma uusan dhaqangelin.
Dadka u ololeeyo arrimaha xuquuqul Insaanka waxay sheegeen in duqeymaha ka dhacay gobolka Idlib tan iyo bishii April ay ku dhinteen dad ka badan 800 qof.
Ra’isalwasaraaha cusub ee dowladda Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa uu xubin ka yahay Guddiga dhaqaalaha Qaranka ee Sanad ka hor uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.
Ninkan dhaqaaleyahanka ah waxaa u xushay in uu noqdo Ra’isalwasaaraha dalka Suudaan Dalladda mucaaridka ah ee Suudaan oo bilihii la soo dhaafay wadahadalka kula jiray Golaha Milatariga ee dalka Maamulaya.
Guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa la magacaabay sanad ka hor Bishii August 2018,waxaana ay ka koobanyihiin Ajaanib iyo Soomaaliya.
Magacyada Guddiga dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliya ee Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ayaa waxaa ay kala yihiin.
Dr. Cali Ciise Cabdi, Waa maamulaha HESPI, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu 10 sano la soo shaqeeyay IMF, waxaa uu muddo ku noolaa Tanzania iyo Itoobiya, waxaa uu la soo shaqeeyay Citibank iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa kale uu lataliye u noqday 30 dal oo Afrikaan ah.
Dr. Aues Scek: Dhaqaalaha ayuu PhD ka heystaa, waxaa uu lataliye u noqday dalal ay ku jiraan Kenya iyo Malawi, UNDP iyo meelo kalana waa ka soo shaqeeyay, waxaa uu ka shaqeeyay barnaamijka PFM, Jaamacado badan oo Yurub, Mareykan iyo Afrika ah ayuu bare ka soo noqday.
Dr. Xuseen Warsame: Waxaa uu ka dhigaa jaamacado badan, dalal badan ayuu lataliye u ahaa, waxaa kale uu horay u soo tababaray shaqaalaha bangiga dhexe, waxaa uu wax ka dhigay jaamacad u taalo Imaaraadka, UNIQWA koonfurta Afrika, CENRRUM oo Peru ah, waxaa uu la soo shaqeeyay dalal badan sida Congo, Cameron iyo Central Afrika, waxaa kale uu lataliye u ahaa bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Sakhawudiin Mustafa Maxamed: Waa dhaqaale yahan heysta PhD, Minnesota ayuu wax badan ka soo shaqeeyay, waxaa kale uu lataliye u ahaa hey’ado badan caalamka ah, hey’adaha uu la shaqeeyay waxaa ka mid aha Oslo Center of peace foundation iyo kuwa kale oo caalami ah, waa khabiir dhaqaale.
Kuwa Caalamka Ka Socda:
Dr. Abdalla A. Hamdok: Waxaa uu mas’uul sare ka ahaa UNECA, PhD waxaa uu ka heysaa dhaqaalaha, dalal badan oo bariga dhexe iyo Afrika ayuu la shaqeeyey, dalalka Afrikaanka ah ee uu caawiyey waxa ka mid ah Zimbabwe, Cote d’ivoire iyodalkiisa Sudan ee uu hadda Ra’isalwasaaraha ka noqday.
Dr. Peter J. Middalebrook: Waxaa uu dhaqaaleyahan ahaan ula soo shaqeeyay Bangiga adduunka, Midowga Yurub iyo UK, 40 dal ayuu la shaqeeyey, waxaa uu qeyb ka aha qorshe loogu magac daray”US$100 billion Arab stabilization plan”, shaqadiisa waxaa tabiyey CNN, BBC, Time Magazine iyo Bloomberg.
Dr. Edward Sambili: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, 33 sano khibrad ah ayaa u wehlisa, UNDP Kenya ayuu muddo joogay, waxaa uu ahaa xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda qorsheynta Kenya, aragtida 2030 wax badan ayuu ka qabtay, waxaa uu madax ka ahaa waaxda canshuuraha 2016-2018, intii u dhaxeysay 2001-2005 wxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Kenya.
Dr. Nehemiah kipkoech Ngeno: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, waxaa uu bare ka ahaa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Nairobi wixii ka dambeeyay 1983dii, waxaa uu qeybta dhaqalaha madax ka ahaa markii dabmaba xogheyaha joogtada ah ka noqday wasaaradda bey’adaha, wasaaradda dhulka iyo dib u dejinta, waxaa kale uu madax ka ahaa beeraha iyo horumarinta miyiga inta u dhaxeysay 1999-2001, waxaa kale uu madax ka noqday ICDC.
Ducaale ayaa marka hore warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada, kuwaas oo uga warbixiyey howlaha nabad galyada iyo howlgallo ay ka sameyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka amniga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu baaritaano ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ay ku soo qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Xooggaga Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan raggaasi ay ku jiraan gacanta hay’adaha amniga, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano.
Dhanka kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamada ammmanka howlaha amni xaqiijinta ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug.