Wasiirka amniga Soomaaliya oo sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab gacanta lagu dhigay

was Maxamed Abuukar Islow

Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo shalay gaaray Dhuusamareeb ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee magaaladaasi.

Ducaale ayaa marka hore warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada, kuwaas oo uga warbixiyey howlaha nabad galyada iyo howlgallo ay ka sameyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka amniga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu baaritaano ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ay ku soo qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Xooggaga Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan raggaasi ay ku jiraan gacanta hay’adaha amniga, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano.

Dhanka kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamada ammmanka howlaha amni xaqiijinta ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn wxuu kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga degmada Dhuusamareeb, maadaama uu dhowaan ka dhacayo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here