Home Blog Page 631

Ilhaan Cumar maxay kaga jawaabtay tallaabada Israa’iil?

Ilhan omar

Ilhaan Cumar ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Rashida Dhaalib.

“Xubin ahaan oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha e daafaha caalamka”, ayey Ilhaan ku qortay warbixin at ku baahisay boggeeda Twitter-ka.

“xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka”.

“Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah oga goos haysta dadaallada nabadda”, ayey tiri Ilhaan.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo Israa’iil ay xayiraad kusoo rogtay labo gabdhood oo ka tirsan aqalka Congareska dalka Mareykanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inay booqasho ku tegi karaan.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib ayaa lagu waday toddobadka soo socda inay booqasho ku tegaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Qudus.

Labadan gabdhood ee ka wada tirsan aqalka Congareska ayaa taageeray tallaabo cunaqabateyn lagu saarayo Israa’iil balse sharciga Israa’iil ayaa ogolanayaa in tageerayasha ololahaas in laga mamnuuci karo inay booqasho ku tegi karaan Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa horraan ku baaqay in labadan xildhibaan laga mamnuuco inay booqdaan Israa’iil isla markaasna ay neceb yihiin Israa’iil iyo dadka Yuhuudda.

Ilhaan Cumar waxay ku tilmaantay tallaabada Israa’iil “Inay ku tumaneyso mabaadii’da dimuqraadiyadda, waana jawaab laga naxo in saraakiil ka tirsan dowladda in laga mamnuuco inay booqasho ku tegaan dal saaxib la ah”

Trump waxaa uu sheegay in khalad weyn ay tahay waa haddii Ilhaan Cumar iyo Rashid Taib loo ogolaado inay booqdaan Israa’iil.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib waxay labaduba ay ka wada taageersanyihiin qadiyadda reer Falastiin, waxaa ay kasoo horjeedaan Israa’iil balse waxay beeniyeen inay neceb yihiin dadka Yuhuudda.

Rashiida waxay qorsheyneysay inay booqato ayeeydeed oo ku nool maamulka Falastiin.

Sharciga Israa’iil waxaa uu dhigaya in dal ku-galka aanan la siin karin qof kasta oo shisheeye ah oo wado olole looga soo horjeedo Israa’iil ha ahaato mid dhaqaale, dhaqan ama waxbarasho.

Waxay qorsheynayeen inay booqdaan Israa’iil, sidoo kalena ay la kulmaan ururada u doodo Falastiin.

XIGASHO BBCSOMALI

Saddex nin iyo haweeney dil culus ka gaysan rabay Muqdisho oo la toogtay

taliye xigeen zekiya

Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta degmada Howlwadaag ee magaaladda Muqdisho ay ku dileen afar ruux oo ay sheegeen in ay toogan rabeen agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda xukumadda faderaalka Soomaaliya.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneral Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay toogtaan afar ruux oo midkood dumar aheyd oo doonayay in ay toogtaan agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Cabdi Gare.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri Zakiya.

Boolisku ma sheegin haddii khasaare kale oo ciidamada gaaray ay ka dhalatay is-rasaasaynta dhexmartay ciidankooda iyo dablayda dilka ka fuli rabtay maagaaladda Muqdisho oo ciidanku toogteen.

Duqayn loo geystay Al-shabaab oo Malayshiyaad badan looga laayay

AlShabaab drone

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo halkaasi ka dhacay lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqaynta lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-shahabaab sidoo kalena lagu laayay malayshiyaad badan.

Hawlgalka qorshaysan ayaa waxa fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda waxaana uu daba socday howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose.

Shimbiro sababay in diyaarad rakaab ay dhacdo

diyaarad moscow

Diyaarad rakaab siday ayaa si deg deg ah uga degtay xarun u dhaw Moscow ka dib markii ay shimbiro ku dhacday.

23 qof ayaa dhacdadaan ku dhaawacmay, sida ay saraakiisha caafimadka sheegeen.

Diyaaradan oo nooceeda yahay Airbus 321 ayaa u socotay Simferopol, Crimea markii ay baalasheeda ku dheceen shimbiro taasi oo motoorka diyaaradda wax yeelaysay.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa in diyaaradda ay degto ku tilmaamay “mucjiso”.

Shirkadda ayaa sheegtay in diyaaradda uu burbur weyn ka gaaray garbaha ay ku duusho ayna duuli weyday, baaritan rasmi ah ayaa la sheegay inuu socdo.

Diyaaradda waxa saarnaa 233 qof oo rakaab ah. Shimbiraha ayaa galay matoorka, waxayna gaarsiiyeen waxyeelo.

Duuliyayaasha diyaaradda ayaa go’aansaday in ay si deg deg ah u dajiyaan.

Mid ka mid ah rakaabka diyaaradda ayaa warbaahinta qaranka ee Ruushka u sheegay in diyaaradda ay bilawday dhaqdhaqaaq markii ay kacday ka dib.

Rakaabkii saarnaa diyaarada ayaa lagu amray inay si degdeg ah uga degaan, waxaana isbitaal lagula cararay kuwii dhaawacmay.

Wasiirka caafimaadka ee Ruushka ayaa sheegay in shan carruur ah ay ka mid yihiin dadkii isbitaalka lagu daweynayo.

Madaxa Ural Airlines, Kirill Skuratov, ayaa warbaahinta u sheegay in rakaabkii saarnaa diyaaradda ay rabeen in safarkooda ay sii wataan.

Warbaahinta Ruushka ayaa dhacdadaan la mid dhigay mid 2009-kii ka dhacday dalka Maraykanka oo ay diyaarad si dhaqso ah ugu dagtay agagaarka webi daqiiqado ka dib markii ay cagaha dhulka ka qaaday.

Axmed Madoobe iyo Beesha caalamka oo kulan ku yeeshy Magaalada Kismaayo

axmed madoobe iyo beesha caalamka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan kasocday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland.

Daawo Siyaasi Ramaax oo Madaxweyne Muuse ku eedeeyey kulankii Dawlada Federaalka

ramaax

Siyaasi Raxaam ayaa Madaxweyne Muuse ku eedeeyey kulankii uu la yeeshay xubno ka tirsan Dawlada Federaalka Somaliya.

Ciidamada Xoogga oo jab culus gaarsiiyey Shabaab iyo xogta dagaalka Awdheegle

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa oo ay galaan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Awdheegle gobalka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegayaa in uu khaasaare badan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddo isku abaabulayay baadiyaha degaanka Xawaadley ee gobalka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in shalay iyo ilaa xalay ay halkaasi isku abaabuleen islamarkaana ay xoolo ku qasheen.

Dagaalamayaasha Shabaab ayaa dhowr geel ah loogu qalay Xawaadley islamarkaana ay halkaasi ugu khudbeeyeen hogaamiyaal ka tirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay guddoomiyaha Al-Shabaab Shabeellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kabo-Ku-Tukade, sida ay sheegeen xubno katirsan wasaaradda difaaca soomaaliya.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo ku sugan Awdheegle ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah islamarkaana ay nolasha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame.

Ciidamada milateriga Soomaaliya oo ka war-hayay dagaalkaan iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuusan jiran khasaare wayn oo soo gaaray marka laga reebo dhimashada tiro ka yar 5 qof iyo dhaawaca gaaraya in ka badan 10 askari.

Ilo wareedyo ka madax banaan dhinacyada dagaalamaya ayaa qaar ka mid ah saxaafada u sheegay in Al-Shabaab ay la kulmeen khasaare xoog leh kadib markii ay u diyaar-garoobeen milateriga Soomaaliya oo kasii war-helay inay dagaal soo yihiin.

Dhinaca kale taliyaha, ciidanka lugta ee xoogga dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in meydadka raggii weerarka soo qaaday oo aan xisaab laheyn ay daadsan yihiin degmada Awdheegle, sida uu hadalka u dhigay.

Odawaa ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan degna, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab.

Daawo Hogaamiyaha Jabhada Dulmidiid oo ka digay cawaaqib xumada burburka wadahadalada

gen caarre

 Kornel Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda la magac baxday Dulmi-Diid ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro Somaliland.

Korneyl Caare ayaa marka hore xaqiijiyey in labada dhinac ay u socdaan wada-hadallo guul laga gaaray

Wuxuu shaaciyey in la isla gartay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1 – In nabad la raadiyo

2 – In xabad joojin la sameeyo

3 – In wada-hadallo la furo

Korneyl Caare ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalanaysa haddii uu burburo wadahadalku

Muxuu yahay hubka Ruushka uu ku tijaabiyay cirifka dunida?

missile russia

Shan injineer oo u dhashay Ruushka, oo ka mid ahayd khubarada nukliyeerka oo ku dhintay qarax ka dhashay matoorka madfac wayn ayaa lagu aasay Sarov oo ah magaalo u dhow Moscow. Waa meesha lagu sameyo qeybta sare ee madaafiicda nukliyeerka.

Hay’adda qaran ee Ruushka u qaabilsan nukliyeerka Rosatom, waxay sheegtay in khubarada ay tijaabinayeen matoor laga sameeyay nukliyeer. Balse ma aysan bixin faafaahin dheeraad oo la xiriirta dhanka farsamada.

Ruushka wuxuu horey u tijaabiyay gujis ku shaqeeya tamarta nukliyeerka oo loo yaqaano “Burevestnik”.

Laakiin saraakiisha Ruushka ma aysan cadeyn hannaanka dhabta ah ee qeybta ka ahaa tijaabadii musiibada isu badashay ee Khamiistii.

Qaraxa waxaa ka dhashay shucaac halis ah oo hawada ku jiray muddo 30 daqiiqo ah kaas oo cabsi geliyay magaalada Severodvinsk oo 40km u jirta heerka tijaabada la sameeyay, waxayna saaran tahay Badda Cad.

Seddax injineero kale ayaa qaraxa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu daweynayaa cisbitaal, sida ay sheegtay hay’adda Rosatom.

Severodvinsk map

Khubarada ku sugan Ruushka iyo dalalka Reer Galbeedka waxay sheegayaan in tijaabada ay noqon karto gantaalka M730 Burevestnik, oo ah mid ku duuli kara biyaha badda hoostooda.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa madfacaas kaga hadlay khudbaddiisii Baarlamaanka ee bishii March 2018. NATO waxay siisay magaca ah SSC-X-9 Skyfall.

Mark Galeotti, oo ah falanqeeye iyo cilmi baare sare oo ka tirsnan machadka Royal United Services Institute (Rusi), wuxuu sheegay in fidinta nukliyeerka ay keeneyso caqabad weyn oo dhanka farsamada ah.

“Waxaa jiro xawaare iyo xajmi is ka soo horjeeda, iyo halista gantaal leh shucaac xawaare sare ku socda oo daalikara meel kaste ee uu gaaro,” ayuu u shegay BBC.

“Hannaankan cusub wuxuu asal ahaan ka yimid xilligii midowgii Soviet. Birihii daxaleystay ayaa la soo qaatay dib ayaana loo maalgeliyay.”

Sida uu sheegay Putin gantaalka meesha uu gaarayo “ma xadidna”. Balse qaraxa wuxuu noqon karaa hub kale oo awood u leh qaadidda madaxyada nukliyeerka:

  • Madfac rido dheer oo maraakiibta lagu rido oo loogu yeero Zircon – Wuxuu siddeed jibbaar xawaarihiisu ka dheereeyaa guuxa, sida militariga Ruushka laga soo xigtay.
  • Diyaarad duuliya la’aan ah oo meeelo fog oo biyaha badda hoostooda ah gaari karta oo lagu magacaabay Poseidon

Maxaa laga ogyahay qaraxa?

Shanta injineer ee dhimatay waa khubaro “hoggaan ah” iyo “geesiyaal” kuwaas oo ka warhayay halista. Waxay horey u sameeyeen tijaabooyiin “si xad dhaaf halis u ahaa”, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Rosatom oo lagu magacaabo Valentin Kostyukov.

Wuxuu madax ka yahay xarunta nukliyeerka ee Sarov – meel sir aheyd xilligii dagaalkii qaboobaa halkaas oo laga maamulayay hubka ka sameysan hydrogen ee Ruushka.

Markii hore, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay matoorka madfaca oo dareere ku shaqeeya, tirada dhimashadana waxay ku sheegeen laba qof.

Ka dib, Rosatom ayaa sheegtay in tijaabadu ay ahayd “isha ganidda shucaacyo isu dhigma” oo laga fuliyay meel gudaha badda ah.

Injineeradu way dhammeeyeen tijaabada, balse si lama filaan ah ayuu dab uga kacay matoorka wuuna qarxay, waxayna ragga ku dheceen badda, sida saraakiisha Rosatom ay sheegeen.

Nyonoksa test site hoarding, Oct 2018
Tijaabada Nyonoksa waxay soo billaabatay xilligii Soviet-ka

Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo la xiriira in markab la geeyay goobta si uu uga hortago shucaac kastoo ka dhasha haraaga, haddii fashil uu dhaco, waxaana hadda muuqato in ay suuragal tahay in howshaas uun uu qabtay.

Balse waxaa dhici karta in meesha ay xireen ay ula jeedeen ka hortagga sun kastoo soo baxsata ee biyaha gasha, halkaas oo dadka deegaanka ay ka kalluumeystaan.

Gantaallada lagu xoojiyay nukliyeerka ma isbedel cusub baa?

Mark Galeotti oo ka tirsan machadka Rusi ayaa yiri: “Waxaa jiro shaki badan oo ah haddii Burevestnik uu mar uun arki doono iftiinka maalinta”.

Wuxuu qiray in gantaal kale oo Ruushka muhiim u ah, Bulava, “uu soo maray tijaabo sanado badan ah oo fashilantay”.

Madaafiicda Zircon iyo Poseidon waa mashaariic aad u horumarsan. Gantaalka Poseidon ee biyaha hoostooda ku duula waa tusaale weli.

Balse Poseidon, si la mid ah Burevestnik, wuxuu u muuqdaa in uu yahay “burburiye wayn”, Mr Galeotti ayaa sidaa sheegay. Waa arrin aan macquul ahayn, wax kastoo yar oo la xiriira dagaalka nukliyeerka.

Sarov nuclear museum, 1997 archive pic
Madxafka Sarov (Sawirka 1997)

Wargeyska dowladda Ruushka Rossiiskaya Gazeta ayaa bishii la soo dhaafay qoray warbixin uu madfaca ugu tilmaamay “hubka aargudashada”. Taasi waa oraahda ay Nazi-ga ugu yeeri jireen hubkii ay UK ku garaaceen Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Wargeyska waxaa lagu qoray: “Burevestnik wuxuu awoodaa duullimaad dheer, wuxuuna ka baxsan karaa qalabka difaaca hawada. Waxaa lagu garaaci karaa horumar kastoo muhiim ah, ka dib gantaalkii Ruushka ee caagga ahaa ee qaaradaha isaga gudba ee horey u gaaray dhulka cadowga.”

Madaxweyne Muuse oo kulan taariikhi ah la yeeshay xubno ka socday DF Somaliya

madaxweyne muuse iyo wasiirada federal

Sida ay qorayaan baraha bulshada iyo websiteyada Soomaalidu waxaa Makka Mukarama kulan ku yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin ka socota Dawladda Federalka Soomaaliya.

Haddii kulankani uu rumoobo wuxuu noqonayaa talaabo taariikhi ah oo uu Madaxweyne Muuse Biixi qaaday, WAANA DIB U GURASHO XEEL DAGAAL OO UU DIB UGU QAABAYN KARO SIYAASADIISA KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERAALKA IYO WADAHADALADDA.

Waxaa xaqiiq ah oo aan daah saarnayn in mudada labada sano ku dhow ee Muuse taladda hayey ay siyaasadaha gudaha iyo dibada ee Somaliland ay hoos u socdeen, goaamadiisana ay ka muuqato fudayd iyo caadifad aan somaliland ku sii socon karin.

Madaxweyne Muuse waxaa keliya oo u banaan inuu qaado talaabooyin ad adag oo hogaamineed sida;

Inuu Dib-u-gurasho xeel dagaal ku sameeyo dagaalka maalin walba soo xoogaysanaya ee Dawladda Federaadlka Somaaliya, dibna u qaabeeyo qorshe balaadhan oo uu kaga hortegayo, weji wadahadal ku abuuri karo, beesha caalamka ku soo jiidan karo, kuna gar heli karo.

Inuu xooga saaro arimaha gudaha iyo adkeynta midnimadda Somaliland oo iminka ah dacaya ugu weyn ee Somaliland wajahday waqtihii uu talada hayey, dhameeyo dhamaan colaadaha ka jira gudaha beelaha oo xukuumadiisu ku fashilantay.

Inuu isbedel balaadhan ku sameeyo xukuumadiisa tayada daran, kana tanaasulo dhaqanka ka muuqday ee ku salaysan yaan hadal kugu soo celin karin, oo uu u guuro yaa wax kugu kordhin karaa.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Muuse Biixi garto in talada dalka isaga loo doortay, dariiqii uu u arko madhalayna uu markuu doono ka leexan karo, islamarkaana aanu u nuglaan eedeymaha aan waaqica ku salaysnay ee loo soo jeedinayo, talaabadda uu maanta qaaday oo u muuqata qorshe cusub oo uu ku wajahayo Dawladda Federaalka Somalia waa talaabo geesinimo leh oo hoos u dhigaysa dagaalka faraha badan ee kaga socda, suurtogalnimada weji isu soo dhowaansho iyo wadahadal.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa weheliyey Wasiirka Arimaha Gudaha SL Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka Dawladda Federalka Soomaaliya ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY