Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey in doorashadii Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose ee la filayey ay dib u dhacday.
DAAWO:
DAAWO:
Taliska Kumaandooska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa fashiliyay weerar ay malayshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka Kumaandooska DANAB ee ku sugan Awdheegle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay dib u celiyeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay mar kale qabsadaan degmadaasi Awdheegle oo bilowgii todobaadkan laga saaaray.
Saraakiishu waxay sheegeen in dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab halka 5 kalena ay ku dhaawaceen inkastoo aysan faahfaahin khasaaraha dhankooda gaaray.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalka uu dhacay balse waxay ka gaabsadeen khasaaraha ka dhashay.
Taliyaha cusub ee Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend ayaa Arbacadii shalay socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub uu Arbacadii shalay magaalada Muqdisho ku tegay socdaalkiisi u horreeyay ee Qaaradda Afrika uu ku yimaado tan iyo markii uu xilkan qabtay 26-July 2019.
Gen. Townsend ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo saraakiil sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya waxaana labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha Amniga iyo La’dagaallanka Argagixisada sida qoraalka ku xusan.
Kulanka uu taliyaha cusub ee AFRICOM la qaatay Ra’iisul Khayre iyo saraakiisha sare ee Militariga Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto.
Dhammaanteen waan ognahay waxa ay ka dhigan tahay ku talax-tegidda akhrinta buug fiican, balse aqoontu ma kobcin kartaa caafimaadka maskaxdaada? Khubarradan ayaa ku doodaya in buugaagtu ay kobciyaan maskaxda oo loo adeegsan karo in qof lagu daaweeyo, waxayna soo jeedinayaan talooyinkan oo wax ka tari kara dejinta naftaada…
Inaad doorato nooca buugga saxda ah wuxuu ku siin karaa awood iyo inaad dunida ka aragtid dhanka wanaagsan.
Haddii Ella Berthoud oo ka mid ah dadka wax ku daaweeya buugaaga ay iska soo hor baxaan, aan dhahno, Theresa May, raysal wasaarihii hore ee Britain ee caqabadaha la kulantay… maxay kula talin lahayd inay akhriso?
Berthoud – oo ah qoraa dadka kula talisa akhrinta buugaagra ayaa tiri: “Waxay ku bilaabi kartaa buugga qoraaga reer Mareykan ee Hubert Selby Jr ee sanadkii 1978 kaasoo lagu magacaabo Requiem for a Dream.”
Buuggu wuxuu ka hadlayaa afar qof oo la daalaa dhacaya qaabab kala duwan oo la qabsiga daroogada ah, markii dambe waxaa laga dhigay filin, waxaan filayaa inay wax ka kororsan doonto,” ayay tiri Berthoud.
“Farriinta uu guud ahaan dirayo buugga waa in la isku dayo lagu dhegganaado shuruucda aad dejisatay. Waxaan rajeynayaa inay akhrin doonto ayna wax badan ka faa`iidi doonto.”
Sidee ayay buugaagtu u dheellitiri karaan nafta? Hagaag,”waxaa intaasoo dhan dheer, in buugaagta mala awaalka ah ay sababi karaan nooc ka baxsasho ah kaasoo ka awood badan nooc kastoo fan ah.”
“Filim ama barnaamij ka baxaya TV-ga,” ayay tiri Berthoud, “waxaa lagu tusay muuqaalka, halka buugga aad adiga gacanta ku hayso, sidaas daraaddeed waa marxalad awood leh, sababtoo ah adigaa ku lug leh.”
Alex Wheatle, oo ah qoraa caan ah oo noloshiisii hore ay adkeyd, taas kuma raacsana Berthoud: wuxuu arkay buugga uu qoray Mark Twain ee Huckleberry Finn xilli uu ku noolaa guri carruur lagu hayay oo ku yaallay koofurta London.
Wuxuu sheegay in akhrinta buuggaas iyo isla xilligaas inay saameyn wanaagsan ku yeelatay isaga.
“Guriga carruurta wuxuu ahaa mid dhib badan, sidaas daraaddeed Huckleberry Finn wuxuu ahaa meel aan kaga baxsan karo caqabadaha aan maalin walba wajahayay.”
“Ugu yaraan, imow 9 ama 9.30pm, waan is qarin jiray anigoo toosh yar sita waxaana akhrin jiray bogagga buugga, bal malee waxaan dhex sabbeynayay webiga Mississippi, waxaana gaari jiray go`aannadeyda ku saabsan xilligaan wax cunayo iyo xilligaan nasanayo.”
Habka ay isugu xiran yihiin sheekooyinka buugaaga, ayaa wax weyn ka beddeli kara maskax isku dhex daadsan.
Qoraaga Wheatle wuxuu soo xusuustay, markii uu yaraa, aabbihiis ayaa uga sheekeyn jiray sheekooyinkii carruurnimadiisii markii uu ku sugnaa Jamaica, marka “qofka sheekeynaya uu xaafadaha wareegayo, gaar ahaan xilliga dalaggu soo go`o, ayna soo weriyaan sheekooyinka ku saabsan addoonsiga.”
“Sheekooyinkaas waxay ahaayeen kuwo murugo leh, haddana waxay sidoo kale xaqiijineysaa halganka ay dadku soo mareen,” ayuu yiri.
Inaad dib u akhriso buugaaga aad jeceshahay waxay sidoo kale ku siineysaa xasilooni gaar ah.
Berthoud ayaa sheegtay inay xiriir dheer la leedahay buugga uu qoray Thomas Hardy ee Tess of the D’Urbervilles.
“Markii ugu horreysay ee aan akhriyo, waxaan ahaa 15-sano-jir, xaqiiqdii waan fahmay Tess; markii labaad, 10 sano kaddib, waxaan ka xumaaday sida ay wax walba isaga oggolaan jirtay inay dhacaan iyadoo aan tallaabo ka qaadin – haddana waxaan dib u akhriyay 10 sano kaddib waxaana bilaabay inaan fahmo qaar ka mid ah go`aannadeeda,” ayay tiri.
Marka laga hadlayo akhristayaasha da`da yar, buugaagtu waxay door muhiim ah ka qaadan karaan wax ka qabashadaha dhibaatooyinka maskaxeed ee da`yarta.
Waxaa haatan jira da`yar badan oo wax qora, kuwaasoo ka hadla arrimaha ay wajahayaan, taasina waxay caawin kartaa dhalinyarada si ay ula tacaalaan xaaladaha ay maalin walba wajahaan, ee ay ka midka yihiin tacaddiyada iyo daroogada.
Iyadoo la rumeysan yahay in akhrisku uu faa`iido u leeyahay maskaxda, bal ka warran qoraalka?
Wheatle iyo Burton waxay qireen in nolosha qoraaga ay noqon karto mid ay ku dheehan tahay maskax caafimaad qabta.
Wuxuu qoraagu faaruqinayaa maskaxdiisa isagoo iska bixinaya wixii uu qalbiga ku hayay.
Inkastoo sida ay Burton qabto ay dhanka kale wax qoristu noqon karto mid qofka go`doomisa, maaddaama uu qofku toddobaadyo, bilooyin ama sanado uu keli ahaanayo si uu wax u qoro.
XIGASHO BBCSOMALI
Tukaha oo ah shimbir lagu tilmaamo inuu aad u caqli badan yahay ayaa laga baran karaa waxyaabo badan oo ay aqoonyahannada u kuurgalay ku sheegeen kuwo ku saabsan dhinaca horumarka.
David Hughes, oo ah nin Shimbiraha xannaaneeya ayaa yiri: “Si guud marka loo eego shimbiraha oo dhan, tukaha waa xayawaan aad iyo aad u caqli badan oo waxyaabo badan laga faa’iideysan karo”.
Afar Cashir oo Tukaha laga barto, horumarna lagu gaari karo
Horay ayaa loo soo tabiyay sheekooyin ku saabsan mucjisooyinka u gaarka ah Shimbirkan, balse tani waa mid faa’iido weyn u leh bani’aadanka.
Cashirka 1-aad: In Hal-abuurnimo looga gudbo caqabadaha
Beki Hooper, waa haweeney aqoonyahanad ah oo sameysa cilmi baarista ku saabsan xayawaanka, waxayna aaminsan tahay in Tukaha uu awood u leeyahay xalinta dhibaatooyinka.
“Iyagoo halabuurnimo adeegsanaya ayey xallin karaan xujo walba, waayo waxay isu geynayaan xirfado ay barteen oo ay dib usoo xasuustaan, waxayna caqabaddii u xallinayaan hab ay si gaar ah usoo hindiseen”.
Sidoo kale, Mr Hughes qudhiisu wuxuu sheegayaa in tukeyaasha ku jira shimbiraha uu xannaaneeyo uu waxyaabo badan ka bartay.
Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay mid dhadig ah oo lagu magacaabo Betty.
“Wax ayey arkeysaa , kadib madaxa ayey ruxeysaa isla markiina waxaad arkeysaa sida ay uga shaqeyneyso helitaanka waxaas”.
Cashirkan waxay dadku ka baran karaan in marka ay xal u raadinayaan dhibaatooyinka ay u eegaan hab halabuurnimo ah oo khaas ah.
Cashirka 2-aad: In lala qabsado xaaladaha aad ku khasban tahay
Qodobkan wuxuu ku sabasan yahay in tukaha uu leeyahay dabeecad uu ku wajaho caqabadaha lama huraanka ah, uuna uga gudbo nidaam qorsheysan.
James Dyer, wuxuu khabiir ku yahay xirfadaha lagu badbaadiyo nafta, wuxuuna isagoo arrintan sharraxaya yiri: “Waxaa jirta xigmad military oo dhaheysa ;’caqabadda marka hore fahan, ka dib la qabso, ugu dambeynna ka gudub’. Taasi runtii waa dhanka wanaagsan ee laga eegi karo wax walba”.
Shimbirka Tukaha wuxuu si caqliyeysan uga gudbaa caqabadaha soo wajaha, taasoo dadkuna ay ka faa’iidi karaan inay dhibaatada la qabsadaan, oo la tacaalaan halkii ay ku niyad jabi lahaayeen.
Beki Hooper oo mar kale ka hadleysay sida uu xayawaankan u noolyahay ayaa sheegtay in xitaa uu sameysto qalab uu raashinka ku raadsado.
“Waxay sameystaan qalab ay dadaal farabadan ku bixiyaan, kaasoo ay hal dhinac ka dhigaan mid adag dhinaca kalena ka jilicsan oo dhankii la doono loo wareejin karo, ka dibna waxay u adeegsadaan inay dhulka ku qodaan ugana soo baxsadaan cuntadooda”, ayey tiri Marwo Hooper.
Cashirka 3-aad: in wax la keydsado
Bani’aadanka waxaa muhiim u ah inay lacagta keydsadaan, laakiin arrintaas dad badan waxaa ka heysata caqabad.
Hase yeeshee, Tukaha ayey aad ugu sahlan tahay inuu raashinkiisa keydsado, taasina uu ka dhigtay dabeecad.
Aqoonyahannadu waxay sheegayaan in dadku ay shimbirkan ka baran karaan arrintaas, si ay dhinaca dhaqaalaha uga dhismaan.
Haddii aad wax keydinta ka dhigto qeyb ka mid ah dabeecaddaada joogtada ah waxay kuu horseedeysaa horumar baaxad leh.
Rob Gardner, waa aqoonyahan wax ka dhiga cilmiga maaliyadda.
“Tukuhu wuxuu run ahaantii fahansan yahay faa’iidada ku jirta in keyd la sameysto, iyo waliba in keydkaaga uu dulsaar yeesho, sidaas awgeed marka ay raashin keydsadaan, oo ay ku qarsadaan cawska hoostiisa, waxay ogyihiin inay muddo ka dib cuntadaas u imaanayaan cayayaan, markaasna Tukuhu wuxuu helayaa raashin kale oo dheeraad ah, maadaama cayayaanka qudhiisa uu cuntadiisa ka mid yahay”, ayuu yiri Mr Gardner.
Cashirka 4-aad: Qofkii wax muddo suga inuu helayo waxa ugu fiican
Waxay cilmi baareyaashu sheegeen in muddo dheer la aaminsanaa in sugitaanka waxa wanaagsan ee soo daaha uu dhif iyo naadir ku yahay bani’aadanka iyo xayawaannada, laakiin hadda la ogaaday in Tukaha uu si joogto ah ugu xisaabtamo faa’iidada soo daahda.
Waxay tukayaashu diidaan inay qaataan waxyaabo ay isla markaas heli karaa, iyagoo doonaya inay muddo ka dib helaan wixii oo intii hore ka badan kana tayo fiican, gaar ahaan cuntada.
Mararka qaar haddii ay arkaan wax ay hal waqti cuni karaan, waxay ku aasaan dhulka, iyagoo markii ay muddo sugaan dib ugu laabta cuntadii oo dixiri badan ku dhashay, sidaasna ku badatay.
Haddaba cashiradan ayaa loo arkaa kuwo wax ka tari kara dhinaca horumarka bani’aadanka, markii dhanka kale loo rogo, iyadoo tusaale uun laga qaadanayo, waxaana jira sheekooyin kale oo ku saabsan shimbirka Tukaha.
Murashaxiinta u taagan kursiga ugu sareeya Jubaland ayaa magaaladda Kismaayo kula kulmay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Maxamed Cali Guyo iyo siyaasiyiinta ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanadda maamulkan gaar ahaan amniga, siyaasada iyo doorashooyinka.
Tartameyaasha oo kulanka kadib soo saarey war-saxaafadeed ayaa soo bandhigay todob shuruud oo ay ku xireen ka qeybgalka doorashadda oo ay horey uga biyo diideen.
Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin
1 – In la bedelo guddiga haatan ee doorashooyinka kaasi oo “ku dhisan qaab sharci darro ah un adeegaya danaha madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe”.
2 – In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sidda uu qabo dastuurka, kaasi oo aanan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geedi u socodka daruuriga ah ee loo baahdo.
3 – In odayaasha “saxda ah” ay soo xulaan mudaneyaasha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay shaki ka muujiyeen kuwa haatan.
4 – In kaliya hal murashax loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama waqti xaadirkan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo.
5 – In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah
6 – In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sidda xarunta Qaramada Midoobay
7 – In ciidamada AMISOM ay sugaan ammaanka goobta ay ka qabsoomeyso doorashadda xitaa amniga murashaxiinta
8 – In dowladda federaalka ay goobjoog ka noqoto doorashadda
9 – In korjoogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta
10 – In warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah ay sidoo kale door ku yeeshaan tabinta
Qodobada ay miiska soo saaran murashaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo bisha August loo balansan yahay doorashadda ayna haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub.
Sikastaba ha ahaatee, liiska rasmiga ah ee baarlamaanka labaad ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48-da saacadood ee soo aadan.
AQRISO BAYAANKA
Madaxweynihi hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo haystaa falal kala geddisan oo ka dhacay deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin dilal, jirdil, barakicin, gooba ganacsi iyo kaniisado lagubay dacwado la xiriira.
Haddaba wargeyska the reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa oo soo xigtay ila xog ogaal ah ayaa qoray in la qabtay shaqsiyaad damacsanaa iney Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga ka sii daayaan.
Ragga la qabtay ayana la sheegay iney damacsanaayeen iney qorshahooda fuliyaan 5-ta August oo ku beegneyd Isniinti la soo dhaafay marka Cabdi maxkamadda laga soo celiyo iney falkooda fuliyaan.
Afaafka hore ee xabsiga uu Cabdi Max’uud Cumar uu ku xiran yahay ee Qaaliti oo ay shaqsiyaadkaasi gaari dhigteen askarta Tiraafikada ayaa ka dalbaday iney meesha ka dhaqaaqaan, raggi gaariga watayna waa ay diideen amar ay askarta siiyeen, ciidamada oo gaariga ka shakiyey oo damcay iney baaraanna waxay sheegeen iney kooxda baabuurka wadatay ay askarta rasaas isdhaafsadeen.
Dhowr ka mid ah dadki howlgalkaasi qaybta ka ahaa inkasta oo ay baxsadeen haddana waxay ciidamadu gacanta ku dhigeen intooda badan oo ay haweeney ku jirto.
Xilliga ay arrintan dhaceysayna Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu ku maqnaa maxkamadda dacwaddiisa lagu eegayey.
Wararka ka imaanaya deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay goor dhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi.
Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in Ciidamada DANAB ay howlgalkaas hoggaaminayeen.
Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgalkaas ku wehliyeen Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil Mareykan ah oo dhinaca tababarada ka taageera Ciidamada dowladda.
Awdheegle waxaa ay 70 km Koofur Galbeed uga beegan tahay Magaalada Muqdisho waxaana muddo dheer ka arriminayay Al-shabaab.
Awdheegle ayaa dhowr jeer ay is bedeshay gacan ku heynteeda, iyadoo Al-Shabaab ay maamulayeen degmadaas afartii sano ee u dambeysay, kaddib howlgaladii sanadihii 2012 iyo 2013 ee ciidamada xoogga dalka kula wareegeen inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab ka qabsaday Degaannada Sabiib iyo Caanoole oo ay qabsadeen 1dii April sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa degaanka Bariirre ka qabsaday Al-shabaab 1dii May isla sanadkan.
Dowladda Kenya ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay ku taageereyso doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Sarkaal ka tirsan madaxtooyada dalkaasi oo u warramay wargeyska The Standard ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagan tahay madaxweyne Axmed Madoobe.
Sidoo kale sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa xusay in Kenya ay difaaceyso Axmed Madoobe, islamarkaana ay ku howlan tahay, sidii uu markale ku soo laaban lahaa.
“Doorashada waa mid muhiim inoo ah, maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu ka shaqeynaa sidii uu ku soo noqon lahaa Axmed Madoobe.” ayuu yiri sarkaalkan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Jubbaland uu yahay siyaasiga kaliya ee ay aaminsan tahay Kenya, islamarkaana ay u xulafo la tahay, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn wuxuu mas’uulkan hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan Al-Shabaab.
Warka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa ku soo aadaya, xilli haatan loolan adag iyo culeys uu la kulmayo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkaasi.
Dhaq-dhaqaaqyo ku aaddan in ciidamada AMISOM ay la wareegaan goobaha doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta si weyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Ciidamo ka tirsan booliska AMIOSM iyo booliska Jubbaland ayaa qorsuhu yahay inay amniga xarumahaas la wareegaan, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.
Sidoo kale, Musharraxiinta xilka madaxweynaha Jubaland, gaar ahaan kuwa la magic-baxay isbeddel-doonka ayaa horay waxay shaki uga muujiyeen dhinaca amniga, isla markaana ay sheegeen inaysan ku qanacsaneyn sida ay wax uga socdaan xarunta Jubbaland.
Kismaayo waxaa shalay gaaray taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo, wuxuuna madaxweyne Axmed Madoobe kala hadlay arrimaha amniga Jubbaland xilliga ay socdaan dorashooyinka bishan dhacaya.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in AMISOM iyo Jubbaland ay isku raaceen sidii loo sugi lahaa Amniga guud ee Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland, isla markaana ay ka wada-qayb-qaataan ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.
Ugu dambeyn, Si Kismaayo ayaa ka duwan sidii ay ahaan jiray xillyada ay dhacayaan doorashooyinka, waxana sanadkaan xilka ku loolamay madax kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilka haya.