Ciidamada DF oo garab ka helaya Mareykanka oo Shabaab kala wareegay Awdheegle

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Wararka ka imaanaya deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay goor dhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi.

Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in Ciidamada DANAB ay howlgalkaas hoggaaminayeen.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa  sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgalkaas ku wehliyeen Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil Mareykan ah oo dhinaca tababarada ka taageera Ciidamada dowladda.

Awdheegle waxaa ay 70 km Koofur Galbeed uga beegan tahay Magaalada Muqdisho waxaana muddo dheer ka arriminayay Al-shabaab.

Awdheegle ayaa dhowr jeer ay is bedeshay gacan ku heynteeda, iyadoo Al-Shabaab ay maamulayeen degmadaas afartii sano ee u dambeysay, kaddib howlgaladii sanadihii 2012 iyo 2013 ee ciidamada xoogga dalka kula wareegeen inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab ka qabsaday Degaannada Sabiib iyo Caanoole oo ay qabsadeen 1dii April sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa degaanka Bariirre ka qabsaday Al-shabaab 1dii May isla sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here