Kenya oo shaacisay inay difaaceyso Axmed Madoobe

Axmed Madoobe1

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay ku taageereyso doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada dalkaasi oo u warramay wargeyska The Standard ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagan tahay madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa xusay in Kenya ay difaaceyso Axmed Madoobe, islamarkaana ay ku howlan tahay, sidii uu markale ku soo laaban lahaa.

“Doorashada waa mid muhiim inoo ah, maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu ka shaqeynaa sidii uu ku soo noqon lahaa Axmed Madoobe.” ayuu yiri sarkaalkan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Jubbaland uu yahay siyaasiga kaliya ee ay aaminsan tahay Kenya, islamarkaana ay u xulafo la tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu mas’uulkan hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa ku soo aadaya, xilli haatan loolan adag iyo culeys uu la kulmayo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here