Home Blog Page 640

SOMALILAND SHACABKII WANAAGSANAA EE HOGAAMINTA WAAYEY

madaxweyne muuse

Waxaan muran ku jirin in shacabka Somaliland uu yahay shacab aad u wanaagsan, marka la barbar dhigo falalkii foosha xumaa ee Soomaalida kale ku kaceen waqtigii burburka, dadaaladoodii isku tashiga ahaa ee ay ku kaceen sida dib u heshiisiintii, adkaynta nabadgelyada, maamul sameysiga, gooni-isutaaga iwm, nasiibdarrose laga soo bilaabo geeridii Aas-aasihii Somaliland MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL, waxaa ku habsatay hogaamiye xubo.

DAAHIR RAYAALE:

Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu ahaa nin waxaanu filayn dumaalay, dumaashana dhibteedu waa SIDAAS NALOOMA QABI JIRIN, sidaasdarteed wuxuu waqtigiisa ku dhameystay sidii loo lahaa sidaas Cigaal wax uma maamuli jirin, dhaxalkii iyo horumarkii odayga ee socday buu sii daba joogay, ma jirin feker cusub oo uu la yimid, waxaa kor u kacday qabyaaladdi kadib markii uu garanwaayey mar labaad hays sharaxin oo shacabka wax xun haku khasbin, gebagebadiina wuxuu ku guuldaraystay inuu Xisbigiisii UDUB badbaadiyo oo u dooro hagaamiye ku haboon. Amaanta Daahir Rayaale waa qof wax dhaama waayey.

AXMED SIILAANYO:

Mugdi badan oo baadhis u baahan baa ku xeeran xukunkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, labo buug oo dad xogogaal ahi qoreen waxay dureen xusuustii, inkastoo hogaamintii laga filayey uu ka baaqsaday, haddana waxaa jira qodobo dhowr ah oo aan la dafiri karin, sida wadahalkii Somalia iyo Somaliland oo sidii labo dawladood laysku hor fadhiisiyey, qodobadii xirfadeysnaa ee xukuumaddii Xasan Sheekh laga saxeexay, heshiisyadii ganacsi ee Imaaraatka oo loo baahnaa in xukuumaddii ka dambeysay si farsameysan uga faaiideyso siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba iyo doorashaddii Madaxtinimadda ee sida nabadgelyada ah uga dhacday Xuduuda barri ee Somaliland, degaamadaas oo maanta shaki weyni ku jiro inay ka qabsoomi doonto.

MUUSE BIIXI CABDI:

Mudadii uu Madaxweyne Muuse Biixi taladda hayey ma jirto guul iyo waxqabad la taaban karo oo Somaliland u soo hoyday, balse waxaa jira guuldarooyin iyo fashilaado saameeyey Arimaha Dibadda, Arimaha Gudaha iyo midnimadda shacabka, doraad wuxuu shacabka Somaliland meel fagaare ah uga balanqaaday inaan Sanaag xabad dambe ka dhici doonin oo nabadgelyo lagu dhameynayo, labo maalmood kadib waan aragna isku dhacyada.

Lagama yaabo arin ka khaldantay inuu saxo Waayo? fekerka iyo xukunka uu Madaxweyne Muuse adeegsanayaa maaha kii Somaliland dhaqankeeda iyo wadatashigeeda ku dhisnaa ee waa ku dayasho laga soo minguuriyey Madaxweynihii hore ee Kilinka 5aad ee Itoobiya Cabdi Iley jeelka ku jira, waa hogaamin dadkeeda la col ah, cadowgana u jilicsan, hogaamintaasna Somaliland ma anfacayso.

Madaxweynuhu maanta wuxuu sheegay in arinta waqti la siinayo oo markii ay bislaato ay iska soo dhici doonto, sida midhuhu markay bislaadaan iskaga soo dhacaan, waxaa ka khaldan maxaa loo doortay haddii waxwalba markay bislaadaan la eego, in waxwalba sabab leeyihiin ayaa meesha ka saaray, waa nidaamkii colaaddi Dhumay ka dhacay iyo tan weli ka taagan Gobolka Sanaag.

Waxaa xusid mudan dad badan oo xukuumadda Muuse Biixi qiil uga dhiga in Xukuumaddii ka horeysay ee Siilaanyo ay wax badan sii qaribtay gaar ahaan dhaqaalaha, waxaa isweydiin mudan Xukuumadii Siilaanyo Kastamyaddii iyo xafiisyadii miyey raratay, waxay ahayd nidaam dawliya oo sanadna dhaqaalihiisu isbixiyo sanadna deyn gala, waana arin caalamka oo dhan ka dhacda, sidii baa baabuurta 6 biloodkii laaga qaadaa, maxay la tagtay? HALKAN KA AKHRISO QAAR KA MID AH GUULDAROOYINKA IYO FASHILKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

Guud ahaan Reer Somaliland hogaamiye la`aantu waxay ka lumisay 20 sano ku dhowaad, haddii si fiican looga faiideyn lahaana aan maanta Soomaaliya si fudud ku soo gaadheen, wixii hore waxaa ka sii xun in aanay weli muuqan rajo hogaamiye oo waqtiga adag ee soo fool leh qaabili kara, iyadoo 3-da Xisbi ay noqden meherado dadka gaar ah iyo ilo qabyaalada soo saara, dhan loo cararaan aanay jirin.

Daawo Madaxweyne Muuse oo ka hadlay isku dhaca Jamhada Kornayl Caarree iyo Ciidamada Somaliland

madaxweyne muuse biixi26j

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay isku dhaca maanta dhexmaray Jamhada Kornayl Caarree iyo Ciidamada Somaliland.

DAAWO:

Daawo Xoghaye Ramaax: Madaxweyne Xabadi xal maaha arinta Caarre

ramaax

Daawo Xoghaye Ramaax Arimaha Gudaha Xisbiga UCID ayaa ka hadlay dagaal maanta Jamhadda Caarre iyo Ciidamadda Somaliland ku dhexmaray Buuraleyda Gobolka Sanaag.

Xoghayaha ayaa hadalkiisa ku soo koobay “Madaxweyne Xabadi xal maaha arinta”

DAAWO:

Jamhadda Caarre iyo Ciidamadda Somaliland oo ku dagaalamaya Buuraha Ceerigaabo

war deg deg

Warar hordhac oo aanu ka helayno dad ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya inay burburtay waanwaantii u socotay Jamhadda Caarre iyo Xukuumadda Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan in Jamhadda Caarre ay xalay si lama filaan ah ugu ku galeen degaamo dhufaysyo dabiiciya oo adag leh, kuwaas oo ay ciidamadu ka hortaagnaayeen.

Xubno wargalka ah ayaa shabakadda xaysimo.com u xaqiijiyey in Col. Caarre iyo qayb ka mid ah ciidamadiisii ay iminka ku sugan yihiin Maydh, halka intii kalena ay meesha duska la yiraahdo isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland oo saaka aroortii ka daba tagey, waxaana labada dhinac ay isdhaafsanayaan rasaas goos goos ah oo ka dhacaysa xubka kala duwan.

Waxaa la sheegayaa in dhaawacii ugu horeeyey uu soo gaadhay Isbitaalka Ceerigaabo.

Doraad ayey ahayd markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu meel fagaare ah ka balanqaaday inaan Gobolka Sanaag xabad dambe ka dhici doonin oo arinta nabagelyo lagu dhameyn doono.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Trump u ogolaatay in darbiga Mexico loo maalgaliyo

trump

Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu $2.5 bilyan oo doolar ka isticmaalo sanduuqa Pentagon-ka si uu u dhiso qeyb ka mid ah darbiga ee dhinaca koonfureed ee xadka.

Maxkamadda ayaa waxa ay go’aankaasi ku meel marisay shan cod halka afarna ay diideen, waxaana ay sidaa maxkamaddu ku hor istaagtay xukun uu riday xaakimka federaalka ee California kaas oo madaxweynaha ka hor istaagay inuu wax kharash ah ku bixiyo dhismaha darbiga.

Darbiga oo kala qeybinaya Mareykanka iyo Mexico, ayaa ahaa ballaanqaadkii ugu waynaa ee ololaha Trump ee doorashadii 2016.

Arrintaasi waxaa aad uga soo horjeestay Dimuqraadiyiinta.

Go’aanka ay Maxkamadda ugu sarreysa gaartay ayaa waxa uu ka dhigan yahay in lacagta loo isticmaali doono mashaariicda darbiga looga dhisayo gobollada California, Arizona iyo New Mexico.

Maxkamad ku taal California ayaa waxa ay ku doodday in Kongareesku uusan bixin ogolaanshaha kharashka loo isticmaali doono dhismaha darbiga.

Farriin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Mr Trump waxa uu xukunka ku tilmaamay “guul weyn”.

Bartamahii bishan July ayey aheyd markii hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac ka muujisay shuruucda cusub ee socdaalka Mareykanka ee ah in dadka magangalya -doonka ah ee Koonfurta Ameerika loo diido in ay soo galaan dalkaasi.

Hay’adda Qaramada midoobey ee qaxootiga ayaa sheegtay in shuruucda cusub ee Mareykanka ay yihiin kuwa aad u adag slamarkana halis galinaya qoysaska nugul.

In dadka Mareykanka ka soo galaya dhanka xuduuda Konfureed islamarkana soo maray dal kale loo diido magangalyo ayay ku tilmaamay UNHCR mid waji gabax ku ah Mareykanka.

Hay’adda Qaxootiga aduunka aya rumaysan in xukuumadda Washinton ay ku tumanayso sharuucda caalamiga ah ee ay horey u saxiixday.

Qaar badan oo ka mid ah dadka Mareykanka imaanaya ayay hay’adu sheegtay in ay ka soo carareen cadaadis iyo rabshado islamarkana dadkaasi aysan xerooyiinka ay ku sii hakanayaan aan la siin wax dhowrid iyo ilaalin ah.

Hay’adda qaxotiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ay la socoto in nidaamka magangalyada ee mareykanka imika uu yahay mid murugsan islamarkana ay hay’ada diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato xalka arrintan.

UNHCR ayaa intaa ku dartay in nidaamyadan ay xaddidayaan xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda islamarkana uusan xalku ku jirin.

Balse hadalada ka soo yeeraya madaxwayne Trump ayaa ah kuwa muujinaya in Mareykanku uusan diyaar u ahayn in uu soo dhaweeyo dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangalya doonka.

Qaxootiga ka soo galay xadka dhanka Mexico ayaa waxaa ay la kulmaan cadaadis iyo dhibaatooyiin badan.

Sucuudiga oo fiiseyaashii u diiday xujaydii reer Koongo

calankka jam dem Congo

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Sucuudigu ayaa lagu sheegay in aan la siin doonin dal ku gal xujayda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ka tegi lahayd.

Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankaa lagu saleeyey go’aankii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku sheegtay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Koongo yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta.

“Waxa la joojiyey fiiseyaashii ay dalka ku soo geli lahaayeen dadka ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, si loo ilaaliyo fayo qabka xujaajta” ayey tidhi wasaaraddu.

Imam Djuma Twaha oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Muslimiinta dalkaas ayaa BBC-da u sheegay in markii hore Sucuudigu u qoondeeyey Muslimiinta dalkaas 410 qof in ay sannadkan tagaan Makka si ay u gutaan xajka.

“Waxa jira dad sannado badan isku diyaarinayey in ay tagaan xajka oo xataa qaarkood ay ku qaadatay toban sannadoo si ay u dhitaystaan kharashka xajka ay ku tagayaan oo ah 4250 doolar” ayuu yidhi.

Hay’adda WHO ayaa 17 bishan Juulaay ku dhawaaqday in Ebola yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta waxaanay ku tirtirsiday dalalka in ay xadidaan isku socodka ganacsiga iyo dadka tagaya dalkaas.

Ku dhawaaqidda arrintani ayaa timid ka dib kulan ka dhacay magaalada Geneva ee xarunta ururka markaasi oo ay khubarada ay qiimayn ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka oo meeelo cusub ku sii fiday .

Goobaha cusub ee cudurka lagu arkay waxaa ka mid ah magaalada Goma, oo ay ku nool yihiin dad ka badan 1 milyan oo qof islamarkana ku taalla xuduudda Ruwanda.

Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa waxaa haystay cadaadi loogu baaqayay inay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad oo caalami ah oo degdeg ah.

Kiis cudurka ka mid ah oo laga helay magaalada Goma iyo haweenay u gudubtay dhanka xadka Uganda oo cudurka laga helay ayaa soo dadajisay in xaaladan lagu dhawaaqo

Ku dhawaaqida xaaladan caafimaad ee degdega ah ayaa waxay micnaheedu tahay in sare loo qaadi doono baaritaanada xudduudaha iyo garoomada ,balse WHO waxay sheegtay in xuduudaha aan la xiri doonin.

Ku dhawaaqida xaalad degdeg ah oo caafimaad ayaa waxa ay albaabada u furaysaa in lacago badan oo cudurka lagula dagaalamo la helo.

Ilaa iyo hada dalalka deeq bixiyayaasha ayaa si gaabis ah u bixinayay deeqaha ay siiyaan Congo marka loo barbar dhigo deeqihii ay siiyeen dalalka galbeedka Afrika markii uu cudurka ka dilaacay 5 sano ka hor.

Balse qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa ka walaacsan in lacago la helo iyo xaalad degdeg ah midna aysan gacan ka gacan ka gaysan Karin la dagaalanka cudurka.

Cudurka Ebola ayaa ku sii fidayay qaybo ka mid ah Congo oo ay colaado ka taagan yihiin,waxaana la weeraray lana dilay shaqaalaha caafimaadka islamarkana dadka deegaanka waxaay shaki ka qabaan hay’adaha gargaarka ee ajnabiga ah.

Tan iyo intii uu cudurka Ebola ka dilaacay Congo waxaa ku dhintay dad badan.

Maxay ka dhigan tahay in markabku uu calan dal kale ku goosho?

calanka uk

Iiran ayaa toddobaadkii hore qabsatay markabka xamuulka qaada ee Stena Impero, kaas oo sitay calanka Ingiriiska – balse waxaa markabkaas lahayd shirkad dalka Sweden laga leeyahay mana saarnayn wax muwaadiniin ah oo u dhashay Ingiriiska.

Waa arrin iska caadi ah in maraakiibtu ay ku gooshaan calan dal kale oo aan ahayn kan dalkooda.

Balse maxaa sidaas loo yeelaa, yaase faa’iido ku qaba?

Maxay ka midaysan yihiin Liberia, panama, iyo jasiiradaha Marshall?

Markab kasta oo ganacsi waxaa khasab ku ah in uu dal ka diiwaan gashan yahay, isla mar kaasna uu calan sito.

Maraakiibta ku gooshta calanka aan ahayn kan dalkooda, ayaa tagi kara dalal kale oo aan dalkooda ahayn ayadoon la eegayn jinsiyadda cidda iska leh markabkaas.

Qaadashada calan kale ayaa leh xeerar adag oo ku saabsan cidda iska leh ama ku hawl geli karta markaakiibtaas.

Panama, jasiiradaha Marshall iyo Liberia ayaana ugu badan dalalka ay maraakiibtoodu sitaan calamo aanay lahayn.

Waxaana jira 1,300 oo markab oo Ingiriiska ka diiwaangashan.

Maxaad ku falaysaa calan aan kaaga ahayn?

Milkiileyaasha maraakiibta ayaa doorta dalka ay calankiisa qaadanayaan arrimo ganacsi awgood.

Waxaana arrimahaas ka mid ah, canshuurta, sharciyada, iyo tayada adeegyada, sida uu sheegay Ioannis Chapsos oo ku xeeldheer maaxidda badda.

Waxuu tusaale u soo qaatay Giriigga – oo leh maraakiibta caalamka ugu badan. Qaar badan oo ka mid ah maraakiibtaas kuma gooshaan calankiisa, sababtuna waa ayaga oo ka baqanaya in canshuur fara badan laga qaado.

Dhanka kalena, dawladaha calamadaas leh, ayaa lacag ka sameeya, gaar ahaan kuwa saboolka ah.

Doonyaha ka diiwaangashan dalka Panama ayaa malaayiin dollar soo geliyo dhaqaalaha dalkooda.

Sharciga ayaa u oggolaanaya in meeshii ay doonaan caalamka ay ka qaadan karaan shaqaale oo maraakiibta uga shaqeeya, oo mushaar jaban ugu shaqeeya.

Nidaamka loo yaqaan “flags of convenience” oo ah in markabku uu qaadan karo calan dal kale oo uu ka diiwaangashan yahay, ayaa lagu dhaliilaa in uu dhibaato ku yahay sharciyada caalamiga ah ee badda.

Balse isu socodka maraakiibta ayaa guud ahaan soo hagaagay soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Simon Bennett, oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee maraakiibta (ICS), ayaa sheegaya in mulkiileyaasha maraakiibtu ay ku door bidaan in ay calamo dal kale qaataan sababo la xidhiidha sumcadda dalka ay calankiisa qaadanayaan, iyo in ay tagi karaan dekedda ay doonaan.

Yaa masuul ka ah?

Qaadashada calanka ka dib, waxaa markabkaas lagula xisaabtayaa shuruucda u taalla dalka uu calankiisa qaatay, dal kastana waxa uu masuul ka yahay maraakiibta calankiisa ku goosha.

XOGASHO BBCSOMALI

Xajka Soomaaliya laga aado muxuu uga qaalisan yahay kan dalalka gobolka?

xajka

Ayadoo gudashada waajibaadka Xajka ay bilaaban doonaan bisha dambe ee August ayaa Xujayda Soomaalida ee Soomaaliya xajka ka aada waxay ka cabanayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ku qabaan safarka ay ku tagaan Xajka.

Qaar kamid ah culumada Soomaalida ayaa walaac ka muujiyey qaab dhaqanka iyo lacagaha xad dhaafka ah ee ay qaadaan sharikadaha Xajka ka shaqeeya, xilli ay in badan oo bulshada kamid ah ay isu diyaarinayaan in ay gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Qaar kamid ah Xujaydaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin dhanka socdaalka ah oo ay kamid yihiin qiimaha oo aad u sarreeya aadna uga badan kan ay ku xajiyaan xujayda dalalka kale ee ayaga lamidka ah.

Waxay kaloo sheegeen in ay aad uga dib dhacaan waqtiga xajka ayagoo sheegay in bixitaankooda lagu aaddiyey xilliga uu xajku xirmayo iyo in la geeyo dalal kale oo markaas ay dib uga sii dhoofaaan.

Shiikh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo kamid ah culimada Soomaalida oo BBC-da u warramay ayaa yiri: ” Cabashada aan qabnaa waxay tahay marka Soomaaliya laga tagayo waxaa la is galiyaa ciriiri, diyaaradaha ayaa dib u dhaca, mararka qaarna waxay naga tuuraan meelo kale sida Nairobi oo aan markaas dib uga sii dhoofno, Xajka markii la tagana waxaa nalaka tuuraa meelo kale sida Mustalifa halkii nala gayn lahaa Mina”.

Qaar kamid ah culimada ayaa sheegay in arrinta Xajka ay dawladda Soomaaliya soo faragalisay oo waxoogaa isbaddal ah ay dareemeen hase ahaatee ay wali jiraan caqabado ka haysta aadista xajka.

Culimada ayaa baaq u diray madaxda dawladda Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha, ayagoo ku baaqay in ay arrintaas soo fara galiyaan oo aanay ku fiirsan sida ay sheegeen sharikado lacag doon ah.

Waxay sidoo kale baaq kaas lamid ah u direen wasaarrada ku shaqada leh arrimaha Xajka.

Dad u dhuun daloola arrimaha Xajka ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu qiimaha xajka lagu tago ee Soomaaliya uu qaaliga u yahay ay tahay in hal sharikad oo kaliya ay ka shaqayso arrintaas, taas oo aan lahayn sharikado kale oo tartan kula jira.

Dhanka kale sharikadaha ka shaqeeya arrimaha socdaalka Xajka ayaan u hoggaansamin qiimaha ay dawladdu u jaan gooysay in laga qaado Xujayda aadaysa xajka.

Isbarbardhigga qiimaha Xajka ee deegaanada Soomaalida

1. Jabuuti: Xujayda reer Jabuuti ayaa xajka ku taga lacag gaaraysa 2,500 oo dollar oo ay ku jiraan waxyaabaha uu xaajigu u baahan yahay inta uu gudanayo acmaasha xajka, sida cuntadiisa, halka uu dagi lahaa iyo neefkii uu qali laha, sida uu BBC-da u sheegay Madaxa arrimaha xajka u qaabilsan Jabuuti.

2. Kenya: Qiimaha ay Xajka ku aadaan Muslimiinta kunool dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaalidu ayaa ah 3,000 oo dollar, waxaana qiimahaas kujira dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin xujaydu, marka laga reebo xaqul jeebka.

3. Itoobiya: dadka Xajka ka aada dalka Itoobiya oo Soomaalidu ay ku jirto ayaa waxaa laga qaadaa lacag gaaraysa 3,500 oo doollar, waxayna lacagtaas ku baxdaa arrimaha socdaalka, hoteellada iyo gadiidka halka aanay ku jirin cuntada qofka xaajiga ah.

Xujayda qaar ayaa marka ay xajka tagaan waxaa la dajiyaa teendhooyin halka kuwo kalena la dajiyo huteello, arrintaas ayay xujayda qaarkood sheegeen in ay ku xiran tahay sharikadaha diyaaradaha oo arrintaas ku kala duwan.

4. Soomaaliya: Dawladda Soomaaliya ayaa qiimaha lagu tago Xajka u jaan goysay in uu noqdo 3,300 oo dollar kadib markii ay cabasho katimid xujayda oo sheegay in laga qaado lacago xad dhaaf ah, hase ahaatee qaar kamid ah culimada oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wali qiimuhu uu aad u badan yahay sharikadaha qaarna ay qaadaan lacago intaas aad uga badan oo gaaraya 4,000 oo dollar.

Sidee loo fuliyay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir?

xarunta gobolka banaadir

Ururka Al-shabaab oo sheegtay inay mas’uul ka yihiin qaraxii maalin ka hor ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Xamar ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixisay qaabkii ay qaraxaas u filiyeen.

War ay kooxdu ku daabacday shakabadaha taageera ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay doonayeen inay ku dilaan ergayga QM ee Soomaaliya, James Swan, balse uu ka badbaaday, kaddib markii qaraxa ay lasoo gudboonaatay cillad sababtay inuu qarxi waayo.

Kooxda ayaa sheegtay in qaraxa uu goor-dambe oo maalintaas ah qarxay, ayna dhibaato kasoo gaartay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo dhaawiciisa loo qaaday dalka Qatar.

Sidoo kale, kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas uu ahaa mid horay loogu sii diyaariyay miiska shirarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir, balse ma sheegin cidda gacan ku siisay in qaraxaas ay goobta ku diyaariso.

Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu meesha ka saarayaa hadallo dhawaan la isla dhex-marayay oo sheegayay in qaraxaas ay fulisay haweeney indhaha naafo ka ah oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, taasoo isla goobta ku dhimatay.

Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya – ayaan weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas iyo sidii uu u dhacay, waxaase socda baaritaanno lagu sameynayo cidda gacan ka geysatay iyo qaabka xarunta maamulka loo geliyay walxahaan qarxa.

Ugu dambeyn, weerarkaas oo noqonaya kii ugu xumaa noociisa ee si toos ah loola beegsado xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku naf-waayay agaasimayaal iyo guddoomiyeyaal ka tirsan maamulka gobolka oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah, waxaana ku dhaawamay tiro kale oo uu ka mid yahay Inj. Yariisow, kuwasoo dhaawacooda loo qaaday dalka Qatar.

Kim Jong Un: Gantaalladeena waxay digniin u yihiin dagaal oogayaasha

kuuriyada waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in gantalladii ay tijaabisay Shalay digniin dhab ah loogu dirayay waxa ay ku tilmaameen “qabqablayaasha dagaal ee Kuuriyada Koonfureed”

Gantaallada waxay ku tijaabisay badda Japan gaar ahaan deegaan dhaca koonfurta baddaas.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dalkiisa lagu khasbay inuu sameysto hub xooggan si uu uga hortaggo halista amniga.

Waxaa uu sheegay in tijaabada ay aheyd mid lagu soo bandhigayay hub casri ah.

Hadalka Kim Jong Un ayaa imaanaya xilli Kuuriyada Waqooyi ay horey u dhaleecaysay dhoolastuska militari ee bishii lasoo dhaafay ay si wadajir ah gobolka uga sameeyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY