SOMALILAND SHACABKII WANAAGSANAA EE HOGAAMINTA WAAYEY

madaxweyne muuse

Waxaan muran ku jirin in shacabka Somaliland uu yahay shacab aad u wanaagsan, marka la barbar dhigo falalkii foosha xumaa ee Soomaalida kale ku kaceen waqtigii burburka, dadaaladoodii isku tashiga ahaa ee ay ku kaceen sida dib u heshiisiintii, adkaynta nabadgelyada, maamul sameysiga, gooni-isutaaga iwm, nasiibdarrose laga soo bilaabo geeridii Aas-aasihii Somaliland MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL, waxaa ku habsatay hogaamiye xubo.

DAAHIR RAYAALE:

Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu ahaa nin waxaanu filayn dumaalay, dumaashana dhibteedu waa SIDAAS NALOOMA QABI JIRIN, sidaasdarteed wuxuu waqtigiisa ku dhameystay sidii loo lahaa sidaas Cigaal wax uma maamuli jirin, dhaxalkii iyo horumarkii odayga ee socday buu sii daba joogay, ma jirin feker cusub oo uu la yimid, waxaa kor u kacday qabyaaladdi kadib markii uu garanwaayey mar labaad hays sharaxin oo shacabka wax xun haku khasbin, gebagebadiina wuxuu ku guuldaraystay inuu Xisbigiisii UDUB badbaadiyo oo u dooro hagaamiye ku haboon. Amaanta Daahir Rayaale waa qof wax dhaama waayey.

AXMED SIILAANYO:

Mugdi badan oo baadhis u baahan baa ku xeeran xukunkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, labo buug oo dad xogogaal ahi qoreen waxay dureen xusuustii, inkastoo hogaamintii laga filayey uu ka baaqsaday, haddana waxaa jira qodobo dhowr ah oo aan la dafiri karin, sida wadahalkii Somalia iyo Somaliland oo sidii labo dawladood laysku hor fadhiisiyey, qodobadii xirfadeysnaa ee xukuumaddii Xasan Sheekh laga saxeexay, heshiisyadii ganacsi ee Imaaraatka oo loo baahnaa in xukuumaddii ka dambeysay si farsameysan uga faaiideyso siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba iyo doorashaddii Madaxtinimadda ee sida nabadgelyada ah uga dhacday Xuduuda barri ee Somaliland, degaamadaas oo maanta shaki weyni ku jiro inay ka qabsoomi doonto.

MUUSE BIIXI CABDI:

Mudadii uu Madaxweyne Muuse Biixi taladda hayey ma jirto guul iyo waxqabad la taaban karo oo Somaliland u soo hoyday, balse waxaa jira guuldarooyin iyo fashilaado saameeyey Arimaha Dibadda, Arimaha Gudaha iyo midnimadda shacabka, doraad wuxuu shacabka Somaliland meel fagaare ah uga balanqaaday inaan Sanaag xabad dambe ka dhici doonin oo nabadgelyo lagu dhameynayo, labo maalmood kadib waan aragna isku dhacyada.

Lagama yaabo arin ka khaldantay inuu saxo Waayo? fekerka iyo xukunka uu Madaxweyne Muuse adeegsanayaa maaha kii Somaliland dhaqankeeda iyo wadatashigeeda ku dhisnaa ee waa ku dayasho laga soo minguuriyey Madaxweynihii hore ee Kilinka 5aad ee Itoobiya Cabdi Iley jeelka ku jira, waa hogaamin dadkeeda la col ah, cadowgana u jilicsan, hogaamintaasna Somaliland ma anfacayso.

Madaxweynuhu maanta wuxuu sheegay in arinta waqti la siinayo oo markii ay bislaato ay iska soo dhici doonto, sida midhuhu markay bislaadaan iskaga soo dhacaan, waxaa ka khaldan maxaa loo doortay haddii waxwalba markay bislaadaan la eego, in waxwalba sabab leeyihiin ayaa meesha ka saaray, waa nidaamkii colaaddi Dhumay ka dhacay iyo tan weli ka taagan Gobolka Sanaag.

Waxaa xusid mudan dad badan oo xukuumadda Muuse Biixi qiil uga dhiga in Xukuumaddii ka horeysay ee Siilaanyo ay wax badan sii qaribtay gaar ahaan dhaqaalaha, waxaa isweydiin mudan Xukuumadii Siilaanyo Kastamyaddii iyo xafiisyadii miyey raratay, waxay ahayd nidaam dawliya oo sanadna dhaqaalihiisu isbixiyo sanadna deyn gala, waana arin caalamka oo dhan ka dhacda, sidii baa baabuurta 6 biloodkii laaga qaadaa, maxay la tagtay? HALKAN KA AKHRISO QAAR KA MID AH GUULDAROOYINKA IYO FASHILKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

Guud ahaan Reer Somaliland hogaamiye la`aantu waxay ka lumisay 20 sano ku dhowaad, haddii si fiican looga faiideyn lahaana aan maanta Soomaaliya si fudud ku soo gaadheen, wixii hore waxaa ka sii xun in aanay weli muuqan rajo hogaamiye oo waqtiga adag ee soo fool leh qaabili kara, iyadoo 3-da Xisbi ay noqden meherado dadka gaar ah iyo ilo qabyaalada soo saara, dhan loo cararaan aanay jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here