Sucuudiga oo fiiseyaashii u diiday xujaydii reer Koongo

calankka jam dem Congo

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Sucuudigu ayaa lagu sheegay in aan la siin doonin dal ku gal xujayda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ka tegi lahayd.

Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankaa lagu saleeyey go’aankii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku sheegtay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Koongo yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta.

“Waxa la joojiyey fiiseyaashii ay dalka ku soo geli lahaayeen dadka ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, si loo ilaaliyo fayo qabka xujaajta” ayey tidhi wasaaraddu.

Imam Djuma Twaha oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Muslimiinta dalkaas ayaa BBC-da u sheegay in markii hore Sucuudigu u qoondeeyey Muslimiinta dalkaas 410 qof in ay sannadkan tagaan Makka si ay u gutaan xajka.

“Waxa jira dad sannado badan isku diyaarinayey in ay tagaan xajka oo xataa qaarkood ay ku qaadatay toban sannadoo si ay u dhitaystaan kharashka xajka ay ku tagayaan oo ah 4250 doolar” ayuu yidhi.

Hay’adda WHO ayaa 17 bishan Juulaay ku dhawaaqday in Ebola yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta waxaanay ku tirtirsiday dalalka in ay xadidaan isku socodka ganacsiga iyo dadka tagaya dalkaas.

Ku dhawaaqidda arrintani ayaa timid ka dib kulan ka dhacay magaalada Geneva ee xarunta ururka markaasi oo ay khubarada ay qiimayn ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka oo meeelo cusub ku sii fiday .

Goobaha cusub ee cudurka lagu arkay waxaa ka mid ah magaalada Goma, oo ay ku nool yihiin dad ka badan 1 milyan oo qof islamarkana ku taalla xuduudda Ruwanda.

Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa waxaa haystay cadaadi loogu baaqayay inay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad oo caalami ah oo degdeg ah.

Kiis cudurka ka mid ah oo laga helay magaalada Goma iyo haweenay u gudubtay dhanka xadka Uganda oo cudurka laga helay ayaa soo dadajisay in xaaladan lagu dhawaaqo

Ku dhawaaqida xaaladan caafimaad ee degdega ah ayaa waxay micnaheedu tahay in sare loo qaadi doono baaritaanada xudduudaha iyo garoomada ,balse WHO waxay sheegtay in xuduudaha aan la xiri doonin.

Ku dhawaaqida xaalad degdeg ah oo caafimaad ayaa waxa ay albaabada u furaysaa in lacago badan oo cudurka lagula dagaalamo la helo.

Ilaa iyo hada dalalka deeq bixiyayaasha ayaa si gaabis ah u bixinayay deeqaha ay siiyaan Congo marka loo barbar dhigo deeqihii ay siiyeen dalalka galbeedka Afrika markii uu cudurka ka dilaacay 5 sano ka hor.

Balse qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa ka walaacsan in lacago la helo iyo xaalad degdeg ah midna aysan gacan ka gacan ka gaysan Karin la dagaalanka cudurka.

Cudurka Ebola ayaa ku sii fidayay qaybo ka mid ah Congo oo ay colaado ka taagan yihiin,waxaana la weeraray lana dilay shaqaalaha caafimaadka islamarkana dadka deegaanka waxaay shaki ka qabaan hay’adaha gargaarka ee ajnabiga ah.

Tan iyo intii uu cudurka Ebola ka dilaacay Congo waxaa ku dhintay dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here