Home Blog Page 643

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo looma maxkamadeyn doono eedihii kufsiga

ronaldo muraayad

Xiddiga kubadda cagta Cristiano Ronaldo ayaanan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin kaddib markii lagu eedeeyay inuu galay tacaddiyo galmo, dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay.

Kathryn Mayorga, oo 34 jir ah ayaa waxa ay ku andacootay in ciyaaryahanka kooxda Juventus uu ku kufsaday hoteel ku yaal magaalada Las Vegas sanadkii 2009.

Waxaa la sheegay inay 2010-kii xiddigan Portuguese-ka u dhashay heshiis ku gaareen meel aan maxkamad ahayn, hasayeeshee ay inantu go’aansatay inay kiiskaasi dib u furto 2018-kii. Ciyaaryahanka eedahaasi waa uu iska fogeeyay.

Bayaan la soo saaray Isniintii, ayaa dacwad oogayaasha magaalada Las Vegas waxa ay ku sheegeen in eedahaasi “uusan shaki kujirin inaan caddeyn loo hayn”.

Karaaniga Xeer Ilaaliyaha degmada ayaa sheegay in dhibanaha ay xadgudub loo gaystay soo tabisay 2009, hasayeeshee ay diiday inay sheegto goobta ay arrintaasi ka dhacday ama cidda weerrarka u gaysatay. Sidaas daraadeed booliska uma aanay suuragelin “inay sameeyaan baaritaan wax ku ool ah”.

Bishii Agoosto ee 2018, booliska Las Vegas ayaa markale baaray eedo ah in dambi la gaystay iyagoo fulinaya codsi uga yimid dhibanaha.

Hasayeeshee bayaanka ayaa lagu sheegay: “Inaguu ku salaynayna xogta aan waqtigan dib u eegnay, eedaha tacaddiyada galmo ee ka dhanka ah Cristiano Ronaldo shaki kuma uu jiro inaan caddeyn loo hayn. Sidaas daraadeed ma ay jirto wax dacwad ah oo la soo oogayo.”

Wargeyska todobaadlaha ah ee ka soo baxa waddanka Jarmalka ee Der Spiegel, ayaa markii ugu horraysay waxa uu sanadkii hore daabacay warbixin ku saabsan eedaha Ronaldo loo soo jeediyay.

Wargeysku waxa uu sheegay in 2010, in inanta iyo Ronald ay gaareen heshiis ka dhacay meel aan maxkamad ahayn oo ciyaaryahanku uu ku bixiyay $375,000 (£288,000) taas oo ay gabadhu ku ogolaatay in aanay eedahaasi weligeed bannaanka soo dhigi doonin.

Qareenka Ms Mayorga ayaa sheegay in ay kiiska dib u furto inantu ay ku dhiirigalisay dhaqdhaqaaqa la baxay #MeToo ee ay haweenka qaar ku soo bandhigayeen tacaddiyada loo gaystay.

Ronaldo ma uusan diidin in inantu ay 2009-kii ku kulmeen magaalada Las Vegas, hasayeeshee waxa uu sheegay in waxa labadooda dhexmaray ay raali isaga ahaayeen.

Waqtigaas Ronaldo ayaa waxa uu u dheelayay kooxda Manchester United waxa uuna qarka u saarna inuu u wareego kooxda Real Madrid, kooxdaas oo uu u dheelayay sagaalkii sanadood ee xigay.

Ronaldo ayaa July-dii la soo dhaafay waxa uu u wareegay kooxda Juventus. Waxa uu ku guulaystay biladda ciyaaryahanka ugu wanaagsan calaamka ee Ballon d’Or ee sanadihii 2008, 2013, 2014, 2016 iyo 2017.

Nin qabrigii lagu aasi lahaa fiirsanayay 19 sano

qabuuro

19 sano kahor, Samson Mwongera waxa uu diyaariyay qabriyadii lagu kala aasi lahaa isaga iyo xaaskiisa, balse ugu dambeyn Sabtidii shalay ayaa iilka la dhigay.

Ninkan oo ku geeriyooday 77 sano ayaa howsha diyaarinta qabrigiisa guda galay isla markii uu howlab ka noqday shaqada ku dhawaad 20 sano kahor, isla meeshii uu sameystay ayaana lagu aasay.

Waxaa labada qabri oo gurigiisa ku dhex yaalla laga dhigay kuwo dhinaca isku haya, wuxuuna qorshuhu ahaa in ninkan iyo xaaskiisa kii hor geeriyooda qeybta hore lagu aaso, si kan kalena qeybta xigta loogu qoondeeyo.

Warqad uu qoray ganacsadahan sanadkii 2003-dii ayuu ku caddeeyay inta badan dardaarankii uu bixin lahaa ka hor inta uusan geeriyoonin iyo sida uu u qorsheeyay dhaxalkiisa, geeridiisa kaddib.

Arrintan ayey dad badan u arkeen rajo uu qabay Samson oo loo hirgaliyay geeridiisa ka dib, balse qaar ka mid ah qaraabadiisa ayaa fikrado kala duwan ka qabay halka dhab ahaantii ay ahayd in lagu aaso.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee beeshiisa ayaan soo dhaweynin fikraddiisa.

“Waxaan dooneynay in lagu aaso meesha uu aabihiis ku aasan yahay, laakiin markii uu isugu keen yeeray, uuna noo sheegay inuu doonayo in goobtan lagu aaso, waddo kale nooma furneyn oo aan ka ahayn inaan iska aqbalno”, sidaas waxaa warbaahinta ku yidhi Gibson Mureithi oo ah walaalkiis ka yar.

Xaaska ninka dhintay oo lagu magacaabo Eunice Mwongera ayaa sheegtay inay raali ka tahay go’aankaas.

“Markii la gaaray sannadguuradii arooskeenna ee 44-aad, wuxuu meel isugu keenay dhammaan carruurtiisa iyo xubnihii kale ee guud ahaan qoyska, markii uu arrinta u sheegayna dhammaantood wuxuu geeyay goobta uu qabriga ka qoday wuxuuna ku yidhi waa halkan meesha aan rabo in la igu aaso”.

Samson ayaa ka mid ahaa ganacsatada ismaamulka Isiolo ee dalka Kenya, sheekadiisana waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn u hadal haya warbaahinta Kenya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay Safiirrada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaalada soo gaaray.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada lagu dib u-heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka dib u-dhiska Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada Al-shabaab uga sugan tahay Galmudug.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyay wixii ka soo baxay

Qarax khasaare dhaliyey oo Muqdisho ka dhacay

qarax muqdisho 2272019

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay agagarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay afaafka hore bar koontarool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin waddada aada dhanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ugu yaraan 17 qof ayaa la sheegayaa inay qaraxaasi ku dhinteen, sidoo kale tiro intaas ka badani ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira askar iyo dad rayid ah oo ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale qaraxa ayaa burburiyey dhismayaal ganacsi oo ka agdhawaa halkaasi.

War ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in baabuurka qarxay uu nuuciisu ahaa TOYOTA NOAH .

Qoraalkan oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ay ku dhinteen dad isugu jira askar iyo shacab, inkastoo aan warkan lagu shaacin tiradooda.

“Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayey Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint ku yaalla KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.” ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay masuuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa koontaroolka ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada iyo dilalka ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

“Way muuqataa in Soomaaliya ay ka awood badisay Somaliland” Jamaal Cali Xuseen

jamaal cali xuseen1

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay xiisada mudooyinkii u dambeeyay u dhaxaysay Somaliland iyo Soomaaliya, isagoona si adag u dhaliilay Xukuumada Muuse Biixi.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Somaliland ku hungoowday taageerada Sacuudiga, isagoona xusay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar aheyd uu ka raacay Sacuudigu.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

“Weli waxaan garan laayahay cabashadda faraha badan ee Soomaaliya iyo Muqdisho laga cabanaayo.

Laba mid uun weeyaan Reer Soomalilandoow:

Dawladda Muqdisho ee Somalia ayaa xoogaysatay ee yaan mar danbe waa dawlad taag daran lagu tilmaamin ama inaga ayaa itaal daraanay oo aan sidii hore ahayn.

Weli heerkan oo kale Somaliland lalama soo gaadhin. Siyaasadda arrimaha gudahu kolkay fiican tahay ayaa ay siyaasadda arrimaha dibaduna fiicnaata.

Hadaad doorashooyinkii qabsan kari laadahay Oo kolba dib u dhigayso, Oo cadaaladii iyo sharcigii shaqayn laayahay, Oo qalalaaso iyo dagaalo dhexdaada ka jiraan, oo cabashooyin tiro beelay ay Saami qaybsiga kuraasta dawladda iyo dhaqaalaha mashaariicda iyo Warshadaha aan hab maamuskeedii loo marin, Ma waxay Kula tahay in caalamku ku dhegaysanayo.

Kolba xaflad aynu inagu isu dhigno iyo cay dadka Reer koonfureed ay qaar u geystaan meel inama gaadhsiinayso. Habka diblomaasiyadeed iyo kan gude ahaanba ilaa aynu badelno sidaasay inoo ahaanaysa.

Sownigii moodaayey mid ka mid ah wasiiradii Siilaanyo inuu TV-ga ka hor yidhi ” inagu dhinac baynu nahay dagaalka Yemen oo xulufadda Sucuudiga ayeynu ka tirsan nahay” maxaa dhacay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar ahayd lay nooga raacay oo aynu maanta uga cabanaa xoolo ayaa laynaga soo xidhay.

Waar sawtii ilaa dawladdii Daahir Riyaale xoolahu ay dhoofi jireen. Xisaabaha dhaqaale haba joogaane; Saldhigii Milateriga iyo dakadda dhan ee aynu bixinay miyeeynu wuxuun siyaasad ahaan ka faaiidin oo ku badalan? Maxaynu siisanay?

Berigii aynaan bixin labaddan midna waxaan is leeyahay siyaasadeenii arrimaha dibadu way xoog weyneeyd? Caadifad iyo Farmaajo ayaa wax inaga soo xidhay ina wadi maysee, waxaynu u baahan nahay in talo la yeesho oo wax layska dhegaysto, oo runtana laga midoobo. Xaflado iyo qudbado inama wadayaan. We should stop microphone diplomacy”.

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay iyo Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya

farmaajo james swan ben fender

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen in ay siweyn ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya,isla markaana ay taageero siin doonaan.

Soomaali iyo ajaanib dalka Canada ku xusay Hodan Naaleeye

Hodan siciid naalaye

Kulan lagu xusayay, looguna ducaynayay Allaha u naxariistee guud ahaan dadkii lagu laayay qaraxii Kismaayo, gaar ahaan Hodan Naaleeye ayaa lagu qabtay Magaalada Edmonton, ee Gobalka Alberta ee dalka Canada.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo ajaanib kale ayaa waxaa halkaas laga jeediyay khudbado.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Jibril Cali Hareeri oo ah gudoomiyaha Somali Canadian and Cultural Society oo ah hay’adda qaban qaabisay kulanka.

“Waxan halka isugu yimid bulshada Soomaalida ee degenaa Magaalada Edmonton, si aan u xusno 26 qof ee lagu dilay Magaalada Kismayo iyo walaasheen Hodan Naaleeye oo ahayd gabar ka soo jeeda Magaaladan, oo iyadoo 6 sano jir ah timid Canada, halkanna ku dhigatay dugsiga hoose, ” ayuu yiri Jibril Cali.

Kullank oo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen wasiirka dowladaha hoosee ee Alberto, xildhibanaada barlamaanka deegaankaas iyo guddoomiyeyasha degmooyinka ayaa ku dheeraaday waxqabadkii Hodan Naaleeye.

Lorne Dach, oo ka mid ah xildhibaanada dowlad-gobaleedka Alberta ayaa goobta ka sheegay in uu ka shaqaynayo sidii mid ka mid ah iskuulada Alberta loogu magac dari lahaa Hodan Naleeye, si marwalba loogu xusuusto, wuxuu sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsaha badan uu arrintaan kala hadli doono guddiga iskuulada dowliga ah.

“Hodan Naaleeye waxay ahayd gabadh isku kalsoon, ka xildhibaan ahaanna aad ayaa ugu faanaa, waxay ahayd gabadh kudayasho mudan, waxayna ku dadaali jirtay inay Soomaalida dalka Canada wax barto iyo in Soomaaliya ka muujiso sawir wanaagsan”, ayuu yir Lorne Dach.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa qaar ka mid ah kasoo qayb galayaashu ka hadleen sida ay u taabatay geerida Hodan Naleeye, iyagoo sheegay inay ahayd laf-dhabarta bulshada Somaliyeed ee ku nool dalka Canada.

Geerida Hodan ayaa noqotay mid saamayn ku yeelatay dad badan, gaar ahaan dadka Somaaliyeed, waana midda sababtay in la sameeyo deeq waxbarasho oo loogu magac daray Hodan Naaleeye, taas oo u gaar ah gabdhaha doonaya inay bartaan mihnadda saxaafadda.

Inta badan wararka laga soo tebiyo Soomaaliya waxay u badan yihiin warar ku saabsan dagaallo sokeeye, dagaallo dhexmaray maleeshiyaad, abaaro ama macluul, balse Hodan Naaleeye wuxuu higsigeedu ahaa sidii ay usoo bandhigi laheyd horumarada ay gaareen shacabka iyo quruxda dalka.

Dadaalkeedi wuxuu ahaa inay diiradda saarto dhiirogelinta da’ yarta Soomaalida, si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, qeyb na uga qaataan dib u dhiska dalka, waxayna taas horseeday in bulshada soomaaliyeed ay si weyn u aqoonsadeen howshii ay heysay, balse dhimashadeedi ayaa waxaa ka dhashay naxddin.

Waxaa qaraxaas ku dhintay Hodan iyo ninkii ay wada joogeen Fariid Jaamac Saleebaan. Lammaanahan ayaa hoteel ka furtay xeebta Kismaayo, hase yeeshee maalintii uu qaraxa dhacayay waxa ay ku sugnaayeen hoteelka Cascaseey.

Hodan Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada Laascaanood balse waxay ku barbaartay dalka Canada, kaddib markii qoyskeeda ay tegeen dalkaas, waxay sannadkii lasoo dhaafay go’aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Markii ay Canada tegeen, Aaabaheed waxaa uu ka shaqeyn jiray goob baabuurta la dhigto, wuxuuna sidoo kale ahaan jiray diblumaasi hore, sida laga soo xigtay bogga Toronto.com.

Markii ay jirtay, da’da 30, waxay Hodan dhameysay waxbarashada saxaafadda ee jaamacadda, sannadkii 2014-ki waxay bilawday telefishinka Integration TV kaas oo tebiyo wararka khuseeyo guud ahaan Soomaalida.

Wasiirka arrimaha socdaalka Canada, Axmed Xuseen ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ka tacsiyeeyay geerida Hodan oo ku sheegay inay aheyd qof u adeegayay bulshada Soomaalida.

XIGASHO BBCSOMALI

Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la billaabay

dhisme jid muqdisho afgooye

Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta bilaaabatay iyada oo waddadaas iyo waddooyinka ku xeeran ay dowladda ku jartay dhagxaan waaweyn.

Waddadan waxaa dhismaheeda ay qeyb ka tahay mashruucii Dowladda Qadar ku dhiseysay Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dowladda Qadar sanadkii 2017kii ballanqaadday in ay dhiseyso Waddooyinkan waxaana dadka Muqdisho ay in badan hadal hayeen sababta aanay wali u billaaban dhismaha Waddooyinkaas.

Dadka deggan xaafadahaas ayaa saaka ku waabariisay dhagxaanta lagu jaray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo la xiray inta u dhaxeysa Sarkuusta iyo Ex-Koontarool Afgooye halkaas oo dhismaha lagu billaabay.

Mashruucan dhismayaasha Waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa uu ku kacayaa $200Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa daah furay dhismaha Waddooyinkaas 18kii Februay sanadkan inkasta oo tan iyo xilligaas aysan billaaban.

Daawo Madaxweyne Muuse Biixi oo si degan u diiday gudiga wadahadaladda Somaliland iyo Federaalka

madaxweyne muuse biixi26j

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa si degan uga hadlay wadahadaladda Somaliland iyo Federaalka ee uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa si miisaaman u qodobeeyey sababaha uu ku diiday iyo dhibaatada ay Dawlada Farmaajo ku hayso Somaliland.

DAAWO HADALKII MUUSE:

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wefti uu hogaaminayey Thabo Mbeki oo Muqdisho yimid

farmaajoiyo thabo mbeki

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY