Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo looma maxkamadeyn doono eedihii kufsiga

ronaldo muraayad

Xiddiga kubadda cagta Cristiano Ronaldo ayaanan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin kaddib markii lagu eedeeyay inuu galay tacaddiyo galmo, dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay.

Kathryn Mayorga, oo 34 jir ah ayaa waxa ay ku andacootay in ciyaaryahanka kooxda Juventus uu ku kufsaday hoteel ku yaal magaalada Las Vegas sanadkii 2009.

Waxaa la sheegay inay 2010-kii xiddigan Portuguese-ka u dhashay heshiis ku gaareen meel aan maxkamad ahayn, hasayeeshee ay inantu go’aansatay inay kiiskaasi dib u furto 2018-kii. Ciyaaryahanka eedahaasi waa uu iska fogeeyay.

Bayaan la soo saaray Isniintii, ayaa dacwad oogayaasha magaalada Las Vegas waxa ay ku sheegeen in eedahaasi “uusan shaki kujirin inaan caddeyn loo hayn”.

Karaaniga Xeer Ilaaliyaha degmada ayaa sheegay in dhibanaha ay xadgudub loo gaystay soo tabisay 2009, hasayeeshee ay diiday inay sheegto goobta ay arrintaasi ka dhacday ama cidda weerrarka u gaysatay. Sidaas daraadeed booliska uma aanay suuragelin “inay sameeyaan baaritaan wax ku ool ah”.

Bishii Agoosto ee 2018, booliska Las Vegas ayaa markale baaray eedo ah in dambi la gaystay iyagoo fulinaya codsi uga yimid dhibanaha.

Hasayeeshee bayaanka ayaa lagu sheegay: “Inaguu ku salaynayna xogta aan waqtigan dib u eegnay, eedaha tacaddiyada galmo ee ka dhanka ah Cristiano Ronaldo shaki kuma uu jiro inaan caddeyn loo hayn. Sidaas daraadeed ma ay jirto wax dacwad ah oo la soo oogayo.”

Wargeyska todobaadlaha ah ee ka soo baxa waddanka Jarmalka ee Der Spiegel, ayaa markii ugu horraysay waxa uu sanadkii hore daabacay warbixin ku saabsan eedaha Ronaldo loo soo jeediyay.

Wargeysku waxa uu sheegay in 2010, in inanta iyo Ronald ay gaareen heshiis ka dhacay meel aan maxkamad ahayn oo ciyaaryahanku uu ku bixiyay $375,000 (£288,000) taas oo ay gabadhu ku ogolaatay in aanay eedahaasi weligeed bannaanka soo dhigi doonin.

Qareenka Ms Mayorga ayaa sheegay in ay kiiska dib u furto inantu ay ku dhiirigalisay dhaqdhaqaaqa la baxay #MeToo ee ay haweenka qaar ku soo bandhigayeen tacaddiyada loo gaystay.

Ronaldo ma uusan diidin in inantu ay 2009-kii ku kulmeen magaalada Las Vegas, hasayeeshee waxa uu sheegay in waxa labadooda dhexmaray ay raali isaga ahaayeen.

Waqtigaas Ronaldo ayaa waxa uu u dheelayay kooxda Manchester United waxa uuna qarka u saarna inuu u wareego kooxda Real Madrid, kooxdaas oo uu u dheelayay sagaalkii sanadood ee xigay.

Ronaldo ayaa July-dii la soo dhaafay waxa uu u wareegay kooxda Juventus. Waxa uu ku guulaystay biladda ciyaaryahanka ugu wanaagsan calaamka ee Ballon d’Or ee sanadihii 2008, 2013, 2014, 2016 iyo 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here