Soomaali iyo ajaanib dalka Canada ku xusay Hodan Naaleeye

Hodan siciid naalaye

Kulan lagu xusayay, looguna ducaynayay Allaha u naxariistee guud ahaan dadkii lagu laayay qaraxii Kismaayo, gaar ahaan Hodan Naaleeye ayaa lagu qabtay Magaalada Edmonton, ee Gobalka Alberta ee dalka Canada.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo ajaanib kale ayaa waxaa halkaas laga jeediyay khudbado.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Jibril Cali Hareeri oo ah gudoomiyaha Somali Canadian and Cultural Society oo ah hay’adda qaban qaabisay kulanka.

“Waxan halka isugu yimid bulshada Soomaalida ee degenaa Magaalada Edmonton, si aan u xusno 26 qof ee lagu dilay Magaalada Kismayo iyo walaasheen Hodan Naaleeye oo ahayd gabar ka soo jeeda Magaaladan, oo iyadoo 6 sano jir ah timid Canada, halkanna ku dhigatay dugsiga hoose, ” ayuu yiri Jibril Cali.

Kullank oo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen wasiirka dowladaha hoosee ee Alberto, xildhibanaada barlamaanka deegaankaas iyo guddoomiyeyasha degmooyinka ayaa ku dheeraaday waxqabadkii Hodan Naaleeye.

Lorne Dach, oo ka mid ah xildhibaanada dowlad-gobaleedka Alberta ayaa goobta ka sheegay in uu ka shaqaynayo sidii mid ka mid ah iskuulada Alberta loogu magac dari lahaa Hodan Naleeye, si marwalba loogu xusuusto, wuxuu sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsaha badan uu arrintaan kala hadli doono guddiga iskuulada dowliga ah.

“Hodan Naaleeye waxay ahayd gabadh isku kalsoon, ka xildhibaan ahaanna aad ayaa ugu faanaa, waxay ahayd gabadh kudayasho mudan, waxayna ku dadaali jirtay inay Soomaalida dalka Canada wax barto iyo in Soomaaliya ka muujiso sawir wanaagsan”, ayuu yir Lorne Dach.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa qaar ka mid ah kasoo qayb galayaashu ka hadleen sida ay u taabatay geerida Hodan Naleeye, iyagoo sheegay inay ahayd laf-dhabarta bulshada Somaliyeed ee ku nool dalka Canada.

Geerida Hodan ayaa noqotay mid saamayn ku yeelatay dad badan, gaar ahaan dadka Somaaliyeed, waana midda sababtay in la sameeyo deeq waxbarasho oo loogu magac daray Hodan Naaleeye, taas oo u gaar ah gabdhaha doonaya inay bartaan mihnadda saxaafadda.

Inta badan wararka laga soo tebiyo Soomaaliya waxay u badan yihiin warar ku saabsan dagaallo sokeeye, dagaallo dhexmaray maleeshiyaad, abaaro ama macluul, balse Hodan Naaleeye wuxuu higsigeedu ahaa sidii ay usoo bandhigi laheyd horumarada ay gaareen shacabka iyo quruxda dalka.

Dadaalkeedi wuxuu ahaa inay diiradda saarto dhiirogelinta da’ yarta Soomaalida, si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, qeyb na uga qaataan dib u dhiska dalka, waxayna taas horseeday in bulshada soomaaliyeed ay si weyn u aqoonsadeen howshii ay heysay, balse dhimashadeedi ayaa waxaa ka dhashay naxddin.

Waxaa qaraxaas ku dhintay Hodan iyo ninkii ay wada joogeen Fariid Jaamac Saleebaan. Lammaanahan ayaa hoteel ka furtay xeebta Kismaayo, hase yeeshee maalintii uu qaraxa dhacayay waxa ay ku sugnaayeen hoteelka Cascaseey.

Hodan Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada Laascaanood balse waxay ku barbaartay dalka Canada, kaddib markii qoyskeeda ay tegeen dalkaas, waxay sannadkii lasoo dhaafay go’aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Markii ay Canada tegeen, Aaabaheed waxaa uu ka shaqeyn jiray goob baabuurta la dhigto, wuxuuna sidoo kale ahaan jiray diblumaasi hore, sida laga soo xigtay bogga Toronto.com.

Markii ay jirtay, da’da 30, waxay Hodan dhameysay waxbarashada saxaafadda ee jaamacadda, sannadkii 2014-ki waxay bilawday telefishinka Integration TV kaas oo tebiyo wararka khuseeyo guud ahaan Soomaalida.

Wasiirka arrimaha socdaalka Canada, Axmed Xuseen ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ka tacsiyeeyay geerida Hodan oo ku sheegay inay aheyd qof u adeegayay bulshada Soomaalida.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here