Home Blog Page 7

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO GAADHAY MAGAALADDA ROME EE TALYAANIGA

xasan sheekh rome

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi uga qeyb-geli doona Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu madaxweynaha ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga.

Sidoo kale waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

– Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.
– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.
– Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.
– Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

JABHADDA AMXAARADDA OO KU SII DHOWAANAYSA ADDIS ABABA

ethiopia map

Ciidamada Jabhadda Amxaaradda ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, sida ay ku warameyso warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa xubno ka tirsan Jabhadda.

Xeradan oo ku taalla deegaanka Ensaro Shewa ayaa waxay qiyaastii 93KM u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaaradda ayaa hadda kaabiga ku haysa magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Gobolka maamulka Axmaaradda ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xoogganaa, waxaana shalay laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii arrimaha dibadda.

Demeke Mekonnen oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020-kii ayaa shalay xilkii iska casilay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Abiy.

Waxaa la arkayay muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke, kuwaas oo raasaas ridaya.

Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay uga soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo shacabka Itoobiya ee hadda diidan xukunkiisa.

Sidoo kale bulshada Amxaaradu waxay dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dal.

Ethiopia ayaa waxaa xilligaan ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasi oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA ITOOBIYA OO ISCASILAY

Demeke Mekonnen DPM ETHIOPIA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen ayaa is-casilay oo baneeyay jagadaan, sidda ay ku warameyso warbaahinta gudaha.

Mekonnen ayaa sidoo kale ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Abiy Axmed. Waana masuulkii ugu cuslaa ee Ethiopia iska casila.

60 jirkan Muslimka ah ayaa xilkaan soo hayey tan iyo bishii November 2020-ka.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley, hase yeeshee waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Ethiopia ayaa waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Is-casilaada Mekonnen ayaa sidoo kale imaanaysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa, islamarkaana ay Soomaaliya dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO CADEEYEY IN WAX-KA-BEDELKA DASTUURKU SOCONAYO

xasan sheekh iyo deni

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlaya Garoowe ayaa sheegay in dastuurka aan la joojineyn ee uu soconayo, isagoo yiri “Dastuurka waqti nooguma dhimana, waana ka shaqeynaynaa, looma dhama, Somaliland baa maqan iyo waxyaabahaas uma joojinayno, hadhaw baan daruufaha tixgalinaynaa”

“Yaa waaye, qofka i dhahaya maalin hebel laysma khilaafayo, maalin kasta khilaaf waa jirayaa, Dastuuri waa Document kusaleysan aragti, Afkaar iyo siyaasadeed, mar ay jirayso midowno ma jirayso” ayuu yiri Xassan Sheekh.

“Shalay baarlamaanka FS waxay qabteen shaqo xoogan oo muhiim ah, 4 bog ayay shalay uun ansixiyeen, Dastuur maaheyn Habraac buu ahaa, 8 bilood kahor baan go’aan gaarnay maalinba daruuf baa taagnayd, maalin kastana waa jiraysaa daruuftaas” Madaxweyne Xassan Sheekh.

HAMBALYO MAAMULKA SSC KHAATUMO OO LAGU DARAY DAWLAD GOBOLEEDYADDA DFS

baarlamaanka somalia 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen Muqdisho.

Kulankan oo aad isha loogu hayay ayaa ugu dambeyn lagu meel mariyay xeerkan.

Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qaar kamid xildhibaanada ayaa markii hore isku dayay inay hor istaagaan habraaca, kuwaas oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay.

Habraacan wuxuu cadeynayaa in Maamulka SSC Khaatumo uu ka mid yahay Dawlad-Goboleedyada Federaalka Soomaaliya, taasoo ah guulweyn oo midnimadda Soomaaliyeed u soo hoyatey, islamarkaana dhabarjab ku ah gooni-u-goosatadda.

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO BERRI KULAN KA YEELANAYA WAX KA BEDDELKA DASTUURKA

Sheekh Aadan Madoobe

Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah kulan wadajir ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa, sida lagu sheegey farriin ogeysiis oo loo wada diray xildhibaannada labada aqal.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaari doonaa wax ka beddalka Dastuurka, sida lagu sheegay qoraalka loo diray xildhibaanada Soomaaliyeed.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 3-aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka.

Fariinta xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo diray ayaa u qornayd sidan, “Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka”.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO BOOQASHO KU TEGAY DALKA QATAR

madaxweyne xasan sheekh qatar

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.

Madaxweynaha ayaa kasoo duulay dalka Masar, halkaasi oo uu shalay kulan mira-dhal ah kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Cabdulfataax Al-Siisi.

MADAXWEYNAHA MASAR OO ITOOBIYA DIGNIIN CULUS U DIRAY

madaxweyne xasan sheekh iyo cabdul fataax al siisi

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi oo maanta kulan mira-dhal ah kula qaatay Madaxtooyada dalkaasi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin culus u diray Itoobiya.

Kulanka gaarka ah ee labada madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan gobolka, iyada Al-Siisi uu hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda.”

Waxa uu intaas kusii daray “Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wada-hadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

LABO MARKAB DAGAAL OO INGIRIISKU LEEYAHAY OO ISKU DHACAY

maraakiib dagaal uk

Baaritaan ayaa socda ka dib markii ay isku dhaceen labo markab oo dagaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska xilli ay marayeen deked ku taalla Baxreyn, sida ay sheegeen ciidamada badda ee boqortooyada.

Muuqaalka sida weyn loogu wadaagay baraha bulshada ayaa u muuqday in uu muujinayo markabka HMS Chiddingfold oo gadaal ugusoo baxaya markabka kale ee HMS Bangor meel ka baxsan xeebta dekedda.

Ma jirto cid wax ku noqotay shilkan sida ay wasaaradda gaashaandhiggu sheegtay, iyada oo ka gaabsatay in ay ka hadasho qaabka uu shilkani u dhacay inta ay baaritaannada socdaan.

Labada markab ayaa qeyb ka ah joogitaanka Ingiriiska ee mudada dheer ee Khaliijka.

Labada markabba waa nooca miinada ka baara badaha, kuwaas oo ka caawinaya hubinta socodka nabdoon ee ganacsiga dhex mara biyaha, ayay yiraahdeen Ciidanka Badda Boqortooyadu.

MAREYKANKA AFAR JEER SI CAD UGA HADLAY ARINTA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

White House

Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee kowdii bishan ku dhexmaray Addis Ababa madaxwynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo raai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa waxaa arrintan ka dhashay xiisad xooggan.

Dalal iyo ururo kal duwan ayaa ka hadlay heshiiska, waxayna inta badan muujiyeen sida loogu baahan yahay in la xushmeeyo madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa markii uu soo baxay heshiiskan waxaa markiiba ka soo baxay qoraalo iyo hadalo ay ku muujinayaan inay kasoo horjeedaan heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.

2-dii Janaayo

Maalin uun ka dib markii heshiiskaasi is-afgaradka ah la shaaciyay ayuu Mareykanka bayaan ka soo saaray.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.

3-dii Janaayo

3-dii bisha Janaayo ayuu Mareykanku mar kale ka hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Mar kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Matthew Miller, oo qabanayay shir jaraa’id ayaa ka jawaabay su’aalaha la xiriira mowqifka Mareykanka ee heshiiska isaga oo sheegay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay wararka ka imanya gobolka.

“Waxaan ku biirnay saaxiibada kale si aan u muujino walaaca halista ah iyo sidoo kale xiisadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu yiri Miller.

Waxa uu carabka ku adkeeyay sida Maraykanku rumeysan yahay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu qeexay “xuduudihii 1960-kii”.

Mar wax laga waydiiyay in Mareykanku uu rumeysan yahay in heshiiska la baabi’iyo, afhayeenku wuu ka gaabsaday jawaab toos ah, isagoo ku celceliyay baaqa ku aaddan dadaal dublamasiyadeed .

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.” ayuu yiri Miller.

16-kii Janaayo

Isla 16 kii bishan Janaayo ayuu mar kale Mareykanka ka hadlay halista uu amniga gobolka ku yeelan karo heshiiska badda ee u dahx maray Somaliland iyo Itoobiya.

John Kirby, oo ah isuduwaha xiriirka istiraatijiyada ee Golaha Ammaanka Qaranka, ayaa u sheegay warbaahinta in aqoonsiga ay Somaliland ay siiso Itoobiya “uu halis gelinayo” dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo gacan saar la leh ururka l-Qaacida.

“Xaqiiqdii hadda aad ayay noo dhibeysaa waxa lagu soo waramayo,” ayuu ka yiri heshiiska. “Waxaan taageereynaa madaxbanaanida Soomaaliya iyo madaxbanaanideeda dhuleed, waana in la ixtiraamo.”

18-kii Janaayo

18 ka bishan January oo shalay ku beegnayd ayaa mar kale Mareykanka uu cadeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiska toobiya iyo Somaliland ee muranka badan ka dhashay.

Mike Hammer oo ah ergeyga Mareykanka u qaabilsan gobolka Geeska Afrika oo xalay ka hadlayay shir-madaxeedkii 42-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD, ayaa sheegay in mowqifkoodu uu yahay mid cad islamarkana “ay Somaliland u arkaan gobol soomaliya ka tirsan”.

“Sida aan marar badan ku cecelinay Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbanaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah”

Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in heshiiska is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland ay Al-shabaab ka dhiganeyso marmarsiiyo ay ku helaan dagaalyahanno cusub.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay in heshiiska is-afagaradka uu qal-qal geliyay dagaalka dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda ee uu Mareykanka ka mid yahay kula jiraan Al-shabaab, waxaan durbaba aragnay calaamado muujinaya in Al-Shabaab ay heshiiska is afagaradka ay marmarsiyo ka dhiganeyso si ay dagaalyahano cusub u qortaan , Waa arrin amni oo muhiim u ah Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaan labada dhinacba ku boorrineynaa inay iska ilaaliyaan tallaabooyinka xaaladda sii adkeyn kara”

Maraykanka ayaa waxaa uu galaangal xooggan ku leeyahay siyaasadaha iyo arrimaha ammaanka ee dalalka Soomaliya iyo Itoobiya.

XIGASHO BBCSOMALI

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY