Home Blog Page 8

SOOMAALIYA OO SHURUUD KU XIDHAY WADAHADALKA ITOOBIYA

press statement somalia

Dawladda Soomaaliya ayaa u sheegtay guddiga Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika in aanay furneyn waddo dhex dhexaadin ah illaa Itoobiya ka noqoto heshiiskii sharci-darrada ahaa, ayna dib u xaqiijiso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii guddiga uu ku baaqay in la magacaabo ergay diyaariya wada-hadal ay yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warsaxaafadeedka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay taageerrada guddiga ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

DAWLADDA SOOMAALIYA OO MAANTANA CELISAY DIYAARAD HARGEYSA U SOCOTAY

diyaarad xamuul

Warsaxaafadeed

Muqdisho, January, 18, 2024 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido, waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.

TURKIGA OO JOOJIYEY SAFARKII WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND

turkey flag1

Dowladda Turkiga ayaa joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarkan oo muddo dheer la qorsheynayay ayaa naloo xaqiijiyay in joojintiisa ay sabab u tahay heshiis beenaadkii dhawaan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa qorshuhu ahaa marka uu tago Turkiga uu halkaasi kula kulmo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, balse waa la joojiyay hadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatey heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixtay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan taageero xooggan u muujisay madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.

Turkiga ayaa kamid noqday dalalka saaxadda siyaasadda caalamka saameynta xooggan ku leh ee diiday heshiiskaasi. Waxaa horey heshiiska uga horyimid Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

ITOOBIYA OO XAQIIJISAY IN DIYAARADEEDII MADAXDA SIDAY INAY HARGEYSA TAGTO LOO DIIDAY

ethiopian airline

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airline Mesfin Tasew oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaarad shirkadddaa ka tirsan oo maanta ka soo degi lahayd garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo duulimaad number keedu ahaa ET8372 ayuu Maamulaha sheegay in aanay ogolaanshi ka haysan dawladda Soomaaliya taas oo keentay in ay dib ugu laabto magaalada caasimadda ah ee Addis ababa.

Dawladda Somaliland ayaan weli war ka soo saarin xaalka diyaaraddan dib loo celiyey.

SOOMAALIYA OO HAWADA KA CELISAY DIYAARAD SIDAY MADAX ITOOBIYAAN AH OO HARGEYSA U SOCDAY

ethiopian airlines garoowe

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa Hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airline oo ku socotay Magaalada hargeysa.

Ujeedka loo celiyey Diyaaradda ayaa ah inaysan haysan wax fasax ah oo ay ku marto hawada dalka.

hayada duulista hawada

ITOOBIYAHA OO DURBA MAGACOWDAY TALIYAHA DIB XOREYNTA LAASCAANOOD

Dawladda Itoobiya ayaa goaansatay in degaamada SSC ay noqdaan meesha Soomaaliya laga duulayo islamarkaana laga difaacayo dhulka iyo Badda Soomaaliyeed ee boobka ku doonayo, durba waxay magacaabeen Taliyaashii Ciidamada ee hawshaas ka midho dhalin lahaa.

DAAWO FAAHFAAHINTA IYO MAGACA TALIYAHA LA MAGACAABAY.

MAXKAMADDA ISTANBUUL OO XUKUNTAY WIILKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

maxamed xasan sheekh

Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas maanta weriyey warbaahinta gudaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib.

Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii booliska ay ogaadeen in wiilka madaxweynaha uu dalka ka baxay.

Bixitaankiisa ayaa caro ka dhaliyey warbaahinta mucaaradka Turkiga, kuwaas oo ku eedeeyey dowladda inay Maxamed u ogolaatay inuu dalka ka baxsado, si ay u ilaaliso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si kastaba, wiilka madaxweynaha ayaa maalmo kahor ku laabtay dalka, si uu maxkamadda uga hor marqaati furo.

Maxkamadda Istanbul ayaa maanta Talaado ah ku xukuntay Maxamed laba sano iyo lix bil oo xabsi ah, taasi oo loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira ($900), sida uu weriyey taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV.

Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah. In xukunada xabsi loo beddelo ganaax waa wax si joogto ah uga dhaca hanaanka garsoorka ee Turkey.

Maxamed ayaa sidoo kale lagala noqday shatiga gaari wadista ee Turkey muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay ayada oo Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda.

Turkey ayaa xiriir wanaagsan la laheyd Soomaaliya, 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waana dalka ugu weyn ee xiriirka dhaqaale uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha waxbarashada iyo caafimaadka. Labada dal ayaa sidoo kale leh xiriir militari oo dhow.

AFP, REUTERS

WAA TUMA GABADHA SOOMAALIYEED EE KA QAYBGELAYSA TARTANKA QURUXDA

miss world Seynab Jaamac

Sida lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, waxaa tartanka Miss Global la xaqiijiyey inay ka qayb galeen gabdho ka kala socday waddamo iyo gobollo caalamka ka tirsan.

Seynab Jaamac oo ah gabar Soomaaliyeed oo 22 jir ah waxay ka mid tahay ilaa 82 gabdhood oo daafaha caalamka isaga yimid oo tartankaas isku soo taagay.

Tartankan oo ah kii tobanaan ee noociisa ah waxaa marti galinaysa magaalada Ho Chi Minh ee dalka Vietnam oo ay tahay markii ugu horreysay ee tartankan lagu qabto.

Tartanka quruxda ee Miss world waxaa shuruudihiisa ka mid ah in gabdhaha ka qayb galaya aysan da’doodu ka yaraan 18 sano.

Maxaan ka naqaan Seynab Jaamac

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb galaysa ayaa waxaa ku matalaysa Seynab Jaamac. Seynab waxay iminka ku barataa soo bandhigidda quruxda magaalada London.

Waxay kaloo Seynab go’aansatay inay barato duullimaadyada iyo maaraynta garoomada dayaaradaha.

Waxay mararka qaar fagaarayaasha uga hadashaa xaaladda dumarka Soomaaliyeed ee dagaalladu saameeyeen.

Waxay Seynab ka sheegtay tartanka quruxda ee ay ka qayb qaadanayso in ay doonayso in ay balaariso dadaalka ay ugu jirto inay quweyso dumarka Soomaaliyeed.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay gabar Soomaaliyeed ka qayb gasho tartan qurux. Khadiija Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sanandkii 2022 u soo istaagtay.

Xilligaas waxay Khadiija ka qayb galaysay tartanka la yiraahdo Miss World, waxayna ka gaartay ilaa heerka 13ka qof ee ugu sarreeya.

Sumaya Cabdiraxmaan Cali ayaa ayadana ka qayb gashay tartanka Miss Africa ee 2018, halka Cadar Yuusuf ay ku guulaysatay tartanka quruxda gabdhaha jaamacadaha Africa labo sano ka hor.

Tartanka Quruxda Miss Global

Heerarka tartanka ee abaalgudka lagu bixiyo ayaa kala ah 13 heer, waxaana ugu horreeya gabadha qaadda quruxda ee Miss Global. Waxaa ku xiga ku xigeenka 1aad, 2aad, 3aad iyo afaraad, ka dibna waxaa ku xigsada 13ka ugu sarreeya iyo 25ka ugu sarreeya.

Waxaa kaloo jira heerar kale oo ay ka mid yihiin Miss Photogenic, Miss Fitness, Miss Fashion iyo Miss Talent.

Abaabulayaasha tartanka ayaa sidoo kale qiimeeya waxyaabo aan quruxda wajiga la xiriirin balse dhinacyo kale ku saabsan.

Waxyaabaha la qiimeeyo waxaa ka mid ah qaabka bandhigga, qaabka labiska (oo noocyo kala duwan leh), Sida timaha loo soo hagaajiyo, iyo su’aalo gabar kasta si u gooni ah ay uga jawaabto, ayadoo lagu qiimeeyo kalsoonida ay uga jawaabayso, iyo jawaabaha ay xulanayso.

Shuruudaha ay tahay in la soo buuxiyo marka la dalbanayo ka qayb galka tartanka waxaa ka mid ah in qofka ka qayb galaya ay dumar tahay, da,deedu u dhaxayso 18 ilaa 35 sano, aysan xaas ahayn ama aysan uur lahayn, ayna luqadda Ingiriiskak ku hadli karto.

Waxaa kalo shuruudaha tartanka ka mid ah in aysan hore u soo bandhigin sawirro anshax xumo ah, xaaladdeeda jireed iyo tan maskaxeedna ay yihiin kuwo caafimaad qaba, isla markaana aysan qabin xanuunada la is qaadsiiyo.

Tartanka Miss Global ayaa ayaa la soo gababeyn doonaa Bishan Janaayo 18keeda, waxaana baraha bulshada aad uga socda olole ay dhallinyaro Soomaaliyeed ku taageerayaan Saynab Jaamac.

Gabadha kaalinta 1aad gasha ayaa helaysa hadiyado, jaa’isado iyo deeq waxbarasho oo marka la isku daro gaaraya $20,000, ayadoo afarta ku xigta ay helayaan deeq waxbarasho iyo hadiyado u dhigma min $1000, halka kaalimaha kale oo dhan oo marka la isku daaro gaaraya 8 kiiba uu helayo $500.

FOOLKAANE XOOGAN OO KA DHACAY DALKA ICELAND

foolkaane

Madaxweynaha Iceland Gudni Johannesson ayaa sheegay in aysan jirin wax noola ah oo khatar ku jira kadib markii ay saaka qaraxday Foolkanaha.

Qoraal uu soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), Johannesson wuxuu xaqiijinayaa in magaalada Grindavik si guul leh xalay dadka looga saaray habeenkii.

Qaar ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ayaa laga yaabaa inay khatar ku jiraan, ayuu yiri, laakiin wuxuu ku daray inaysan jirin wax hakad ah oo ku yimid duullimaadyada – sidii dhacday xilligii qaraxyadii hore.

MAREYKANKA OO MOWQIF ADAG KA QAATAY XIISADA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

usa flag

Maraykanka ayaa mar kale adkeeyay in si aanan ka leex-leexad lahayn uu u taageersanyahay Madax-anaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa si cad u sheegtay inay soo dhowaynayso Shirka Madaxda IGAD ee 18-ka Bishaan lagu dhawaaqay inuu ka dhacayo dalka Uganda.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa iclaamiyey shir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Ethiopia iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaas waxaa 18-ka bishaan lagu qabanayaa dalka Uganda, wuxuuna daba socdaa baaqii Soomaaliya ay u dirtay wadamada ku midoobey IGAD.

Soomaaliya ayaa horay u codsatay in IGAD la isugu yeero shir deg deg ah, si looga hadlo xadgudubka Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda caalamiga.

Mareykanka oo horay u cadeeyey mowqifkiisa ayaa hadana taageeray qabsoomida shirkaan xasaasi ah ee Soomaaliya ay codsatay in madaxda IGAD ay isugu yimaadaan.

Hadalka Mareykanka wuxuu ku soo aadayaa iyadoo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hanjabay in hadii Itoobiya ay dhanka dagaalka u qaado hal tallaabo ay Soomaalidu qaadi doonto afar talaabo, waana hadalkii ugu adkaa ee dadka Soomaaliyeed ay ka maqleen Xasan Sheekh oo ka hadlaya xiisadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Soomaalida ku booriyey inay is diyaariyaan cadowgana ka difaacdaan dalkooda, isagoo caalamka marqaati uga dhigay damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY