Home Blog Page 9

MADAXWEYNE XASAN: ITOOBIYA WAA CADOWGA SOOMAALIYA

xasan sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbadii Jimcaha ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada ayaa ku dhowaaqay in Itoobiya ay iska dhicinayaan, kadib xad-gudubka ay ku kacday.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacanayaan dalka, haddii ay isku deydo meel-marinta xad-gudubkii ay xukuumadda Abiy Axmed ku kacday, kulana saxiixatay Somaliland heshiis beenaadkii badda.

“Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda-na waa iska celinayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya bogii taariikhdii aan laabnay soddan iyo dhowrka sano kahor ay soo rogtay, Soomaaliyeey dhaqanka kasoo muuqda maanta waa ballaayo ee geeso la qabto ay leedahay ee geesaha aan ka qabano.”

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in dhulka Soomaaliya aysan baxeyn qeyb kamid ah inta uu nool yahay qof Soomaali ah uu nool yahay, “Ma ogolin xataa hal taako, mana dhaceyso.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan iska dhicinta Itoobiya iyo ka hortaga xad-gudubka, xilli uu dalka ka socdo guluf kale oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab.

Waa hadalkii ugu kululaa iyo digniintii u dambeysay ee madaxweynaha uu jeediyo tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kaasi oo ah damac soo jireena oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

SHACABKA MUQDISHO OO FARIIN CAD U DIRAY MUUSE IYO ABIY AXMED

Banaanbax itoobiya

 Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maanta dhigay banaanbixii ugu weynaa ayaa farriin cad u diray madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan heshiis muran dhaliyay ku gaaray Addis Ababa.

Qaar kamid ah dadweynaha ka hadlay dibad-baxaan ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan damaca gurraxan ee Itoobiya ee ku aadan badda Soomaaliyeed.

Dadweynayaan ayaa si toos ah u farriin ugu diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ah labada nin ee saxiixay heshiiskaasi.

“Muuse Biixiyow dhulka Soomaaliya hakaa bad-baado, ammaan hakaa helo cimrigaaga wuu dhammaaday waa dhimaneysaa, waxaana usoo banaan baxnay waa dhaca aad ku hayso dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale oday kale oo ka hadlay goobta ayaa wacad ku maray in aysan gorgorton ka geli doonin badda Soomaaliya, ayna shacabka difaaci doonaan madax banaanida dalka.

“Baddeenna gorgortan kama galeyno damaca iimaan darrada ah ee Itoobiya aan kasoo horjeednaa” ayuu yiri oday dhaqameed kale oo khudbad ka jeediyay dibad-baxa.

Haboon oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee doorka kulahaa dibadbixii weynaa ee maanta ayaa iyaduna toos ula hadlay Abiy Axmed, waxayna sheegtay inay uga tegayaan dalkiisa, haddii uusan ka laaban go’aankiisa ku aadan badda Soomaaliyeed.

“Qof walba oo maanta halkan taagan waxay u joogtaa inay kuugu imaato Itoobiya, ma kuugu sugeyno Salac, Soomaaliya hanoolaato” ayay iyaduna tiri Haboon oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta ka qayb-galay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.

Dibad-baxan ayaa noqonayaa kii labaad oo ka dhaca Muqdisho, loogana soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Saylac ee ay u saxiixday Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO KA HADLAY SHAQAAQADII SAAKA MARAAGGA KA DHACDAY

hogaamiye ssc cabdiqaadir axmed firdhiye1

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo, Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa kulan degdeg ah la qaatay Isimada Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaannada SSC-Khaatumo

Kulanka ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray dadkii wax ku noqday shaqaaqadii saaka ka dhacday Maraaga.

Hoggaamiya ayaa Ilaahay ugu baryey in intii ku dhimatay Ilaahay naxariistii Janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Eebbe u booga-dhayo.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo noocaas ah ay ka dhacdo deegaanka, isagoona ballanaaaday in si adag loola xisaabtami doono cid kastoo masuul ka ahayd dhibta dhacday.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka fulin-doono go’aankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xidhiidha.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha, Hoggaamiye ku xigeenka, Isimada Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa kulanka kaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen muhiimadsa nabadda, adkaynta difaaca, dhismaha iyo taageerada Maamulka SSC-Khaatumo.

MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO ERITREA OO KU HESHIIYAY ISKAASHI BUUXA

Isaias Afwerki iyo xasan sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar laba maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

Wasaaradda warfaafinta ee dalka Eritrea ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada waddan, kuwa gobolka iyo kuwo caalami ah.

Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay si xooggan uga wada shaqeeyaan xiriirkooda iyo iskaashigooda iyo kuwa gobolkaba, saldhig looga dhigayo niyad dulqaad iyo wax dhisid ku salaysan, la iskana xamaymanayo ka jawaabista ajandayaasha kala duwan ee daandaansi, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

Eritrea waxay sheegtay inay mustaqbalka dhow soo saari doonto war cad oo faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha labada waddan iyo kuwa gobolka ee lagu xusay war-saxaafadeedka.

HORGAL-SOKEEYE ILYAAS LUGATOOR OO LOO DOORTAY MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND

horgalada

Xilli Isimadda iyo Maamulka SSC-Khaatumo ay shacabka Khaatumo ka macnuuceen ka qaybgalka Xildhibaanadda iyo Musharaxnimadda madaxweyne ku xigeenka Puntland, hadda waxaa dhacday in si la mid ah Somaliland ay Puntland Suuqyada Garoowe ka qoratay xubno Goleyaasha lagu buuxdaso oo aan wax metelaad ah ka haysan shacabka iyo degaamadda, kuwaas la maqaam noqonaya Horgalladdii Somaliland, midkoodna metelaad shacab iyo degaan ma laha, waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin kuwa Puntland waa HORGAL SOKEEYE, halka kuwa Somaliland yihiin HORGAL SHISHEEYE, iyadoo maanta Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland loo doortay Horgal Sokeeye Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Maamulka SSC-Khaatumo waxaa ku waajiba inay goaano ka soo saaraan sida loola dhaqmayo horgaladda Sokeeye ee lagu soo darsaday Goleyaasha Puntland, si looga hortago sharka iyo dhaqan-xumooyinka ay u soo dhiibi doonaan cida ku shaqeysan doonta, islamarkaana khalkhal iyo mugdi uga abuurin maamulka iyo matelaada shacabka SSC-Khaatumo.

XASAN SHEEKH OO HAMBALYEEYAY DIB U DOORASHADA SICIID DENI

kulan xasan sheekh iyo isimada ssc 2023 9

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

SICIID CABDILAAHI DENI OO MAR LABAAD KU GUULEYSTAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND

siciid cabdilaahi deni

Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ayaa mar labaad loo dorrtay madaxweynaha Puntland, kadib markii 45 cod helay wareegii sadexaad.

NATIIJADA WAREEGII 2AAD EE DOORASHADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND

natiijada wareegii 2aad puntland

Waxaa soo dhamaaday tirinta wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaa wareega sadexaad u gudbay Siciid Cabdilaahi Deni oo helay 40 cod iyo Dr Guuleed Faarax Barre oo helay 17 cod, halka uu hadhay Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo helay 9 cod.

NATIIJADA WAREEGII 1AAD EE DOORASHADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND

baarlamaanka puntland iyo deni

Waxaa soo dhamaaday tirinta wareegii kowaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaa wareega labaad u gudbay Siciid Cabdilaahi Deni oo helay 35 cod, Dr Guuleed Faarax Barre oo helay 9 cod iyo Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo helay 8 cod.

DOORASHADA MADAXTOOYADA PUNTLAND OO HADDA BILAABANTAY

gudiga doorashada madaxtooyada puntland 2024

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Saaka oo Isniin ah ka bilaabantay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Tartanka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa isu diiwaan-geliyay min 11 Musharrax taasi oo tirada guud ka dhigaysa 22 Musharrax.

Dhinaca kale Amniga Caasimadda Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la xaddiday isu socodka gaadiidka dadweynaha nawaaxiga Xarunta Baarlamanka ee ay ka qabsoomayso doorashada.

Guud ahaan gaadiidka Xamuulka ah iyo kuwa rakaabka ee Laamiga dheer ayaa sidoo kale laga joojiyay in ay Garoowe dhex maraan Maanta inta lagu jiro Doorashada.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY