WILLIAM RUTO OO MAXKAMADDA SARE EE KENYA UGU BAAQAY IN AY DIIDO CODSIGA RAILA ODINGA

kenya election2

Madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto ayaa ugu baaqay Maxkamada Sare ee dalkaas in ay diido codsiga uu u gudbiyay ninka kula tartamay madaxtinimada Kenya ee Raila Odinga.

Odinga oo ah hogaamiye mucaarid ah, isla markaana taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xisbiga talada haya, ayaa Isniintii hore dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare, isaga oo ka horyimid natiijada doorashadii uu ku guulaystay William Ruto.

Raila Odinga ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya, taas oo qabsoontay 9-kii bishan Agoosto, balse wuxuu sheegay in uu hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in uu ku guulaystay doorashada.

Tan iyo sannadkii 2002-dii, doorashadii madaxtinimo ee Kenya waxay aheyd mid natiijadeeda lagu murmo, iyadoo Odinga uu horay u sheegay in lagu khiyaamay doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here