XASAN IYO XAMSE OO KALA TEGAY GAROOWE IYO BELEDWEYNE IYO SOO DHOWEYN LA’AAN

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe ku soo dhaweeyay madaxda Puntlnad oo hoggaaminayo Madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan federaalka.

Shacabka Puntland ayaan iyagu ka qayb-qaadan soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh taas oo muujinaysa kalsooni xumada baahday ee ummadda Soomaaliyeed ka qabto Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Deni, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dhinac ee Puntland iyo Villa Somalia oo muddooyinkii dambe sii xumaanayay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ujeedada safarkiisa lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here