XUKUUMADDA AQOONSANMAAYO WAA QARAN-DUMISNIMO, QARANDUMISNIMADANA SHARCI BAA KA YAAL (URURKA REJO)

cabdirisaaq sanweyne iyo cirro xirsi

Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Ururka REJO Cabdirisaaq Maxamed Jaamac Sanweyne oo Aalladda Maqalka iyo Muuqaalka kula hadlayey qaar ka mid Taageerayaasha Qurbejoogta Urur Siyaasadeedka Rejo, ayaa ka hadlay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin, Xaalad ka taagan degaan hoos taga Degmadda Boocame ee Gobolka Sool iyo hadal uu shalay Gudoomiyihii hore ee Xisbigii Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay, in 13 November wixii ka dambeeya aanu aqoonsan doonin Xukuumadda Somaliland iyo Muddo Kordhinta.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Horta ninkii yiraahda 13 November kadib sharciga iyo xukuumadda Somaliland ma aqoonsani waa Qaran-dumisnimo, Qaran-dumiskana sharci baa ka yaal, waxay ila tahay inaan qof caqli ama miyir qabaa ku kici doonin, aanayna dhici doonin, shacabka Somalilandna waa ka weyn yihiin inay rabitaanka qof nabadooda, midnimadooda iyo qarankooda dhaafsadaan. Siyaasiyiinta waxaas maalin walba dadka la hortaagana, waxaan leeyahay WAR DALKA IYO DADKA KA XISHOODA MUDO AYAAD MADAX SOO AHAYDEENE”.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Arinta Boocame ee dagaamo Gobolka Sool, ka tirsan Garoowe looga soo go’aamiyey, colaad hor lehna laga abuurayo, waxaan cadeynayaa in Xuduudka Gobolka Sool, oo ah Xuduudka Somaliland, aan TAAKO ka mid ah cidina bixin karin, iska daa afar odaye xitaa Somaliland oo dhami haday isku timaado, maamulka Puntlandna waxaan uga digayaa inay beelaha walaalaha ah mid u xagliso, haday taasi dhacdona, Reer Somaliland ma daawan doonaan, macnaheeda iyo waxa ka dhalanaya waa cadahay, balse waxaan nahay dad illaahay nabadda jeclaysiiyey.

Gudoomiye Cabdirisaaq wuxuu sheegay in URUR SIYAASADEEDKA REJO u diyaargaroobay Kormeerka Guddiga Diiwaangelinta Ururadda, iyagoo shalay noqday ururka keliya ee gudbiyey goobaha ay taageerayaasha Goboladda isugu keenayaan.

Ugu dambeyntii wuxuu Qurbejoogta Somaliland ugu baaqay inay taageeraan Urur Siyaasadeedka REJO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here