Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta safar ugu baxay dalka Masar

maxamed xuseen Rooble

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed oo uu ku aaday magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Ra’iisul wasaareaha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi, wuxuuna sidoo kale kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi.

Rooble waxaa sidoo kale socdaalkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan wadatashi ah la qaadan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan caasimadda Qaahira, isagoo warbixin ka siin doono xaalidihii ugu dambeeyey dalka iyo doorashada ka socoto.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa.

Todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu booqasho maalmo qaadatay ku tegay dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata, wuxuuna kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirkii xumaaday ee labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here