UHURU KENYATTA OO DIIDAY INUU AQBALO GOAANKII ICJ EE BADDA IYO XASAN SHEEKH OO QAADKII U FASAXAY

uhuro iyo xasan sheekh

Sida la cadeeyey kulankii shalay Nairoobi ku dhex maray Madaxda Kenya iyo Somaliya, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si cad diiday inuu aqbalo goaankii Maxkamadda Caalamiga ahi ay ka gaartay murankii Badda Soomaaliya, wuxuuna si aan gabad lahayn u sheegay in Kenya leedahay, iyadoo ay taasi dhacday ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh wuxuu u saxiixay 11 qodob oo dhamaantood u danaynaya dalka Kenya.

Qodobka 6aad wuxuu leeyahay waa in si deg dega suuqyada loogu fasaxa Kalluunka Somaliya iyo Qaadka Kenya, arintaas oo ah khiyaamo, Kenya waxay weli ka kalluumaysanaysaa Baddeenii ay ku muran sanayd, sida ku cad warbixinaha dhaqaalaha Kenya Kalluunka sanadkii oo dhan Soomaaliya looga soo dhoofiyaa qiimihiisu ma gaaro 80 000 dollar (sideetan kun oo dollar), halka mudaddii uu qaadku xirna ay Kenya maalintii khasaarayeen illaa 150 000 (Boqol iyo konton kun oo dollar), waxba kama soo qaadin Sigaarka, caleenta Shaaha, Dawooyinka, Saabuuna qubeyska, adeegyada diyaaradda faraha badan ee Kenya ka diiwaangashan iyo allaabaha kale ee aan Kenya ka soo dhoofsano oo sanadkii BOQOLAAL milyan gaaraya, maanta waxaa soo kordhay shirkadda Kenya Airways.

Visada Baasaboorka Soomaaliga ah oo markii hore qofka 7 maalmood loogu soo jawaabi jiray ayaa qoraalka la yiri waa in 10 maalmood qofka loogu soo jawaabaa, halka Itoobiya aan fiiso lagu weydiineynin ilaa aad tagtid Magaaladda Addis Ababa.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku kala nool dunida dacaladeeda ayaa aad uga xumaaday talaabadda uu Madaxweynaha Soomaaliya uu dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ugu ogolaaday in qaadkii Kenya dib Soomaaliya loogu soo dhoofiyo, isagoo aan ogoleysiin in Kenya aqbasho goaanka Maxakamadda Caalamiga ah ee Badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here