DAAWO XASAN SHEEKH OO DHEX MUQUURAY MURANKA MASAR IYO ITOOBIYA EE WEBIGA NIIL

xasan sheekh iyo cfatax siisi masar2

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Masar aya kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-Siisi.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u qabteen ayaa Madaxweynaha Masar ku sheegay inay ka wadahadleen muranka biyo xireenka ee Masar iyo Itoobiya isku hayaan, islamarkaana ay Soomaaliya la qaadatay aragtida dalka Masar ka qabto biyaha Webiga Niil.

Arintan oo aan la filayn ayaa noqonaysa khalad weyn oo siyaasadeed oo Soomaaliya ku luminayso siyaasaddii dhexdhexaadnimadda ahayd ee ay Caalamka kula dhaqmaysay. akhriso saxaafadda Masar. Egypt and Somalia condemn Ethiopia over Nile dam dispute

DAAWO HADALKII MADAXWEYNAHA MASAR OO SOOMAALI LAGU TURJUMAY.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here