URURKII GABOOSE EE BARWAAQO OO BURBURAY ISAGOO AAN RAAD-DHAQAAJIN

Dr Maxamed Cabdi Gaboose

Warar xaqiiqo ah oo ay shebekadda xaysimo.com heshay ayaa xaqiijinaya in Ururka Barwaaqo ee uu hormuudka ka yahay Dr Gaboose uu burburay, kadib markii khilaaf xoogani soo kala dhexgalay Gudoomiyaha Ururka iyo Aasaasayaashii kale.

Fadhigii ugu horeeyey ee lagaga arinsanayey diiwaangelinta ururka iyo xubnaha hogaanka ee loo gudbinayo gudiga diiwaangelinta, ayaa kala badh Aas-aaseyaasha ururku waxay Dr Gaboose ku eedeeyeen dulqaad-xumo, wadatashi la’aan, iyo caadeysi balandarro joogto ah, iyagoo cadeeyey in aanay la sii shaqeyn karin, maadaama uu kala garanwaayey masuuliyiinta ururka iyo kalkaaliyaashii caafimaad ee xafiiska uga shaqeyn jiray.

Xubnaha ka baxay waxaa ka mid ah Siyaasiga caanka ah ee Siciid Cilmi Rooble, Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad Jamaal Cali Xuseen iyo gudoomiye ku xigeen labaad oo ka soo jeeda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sida la xaqiijiyey JAMAAL CALI XUSEEN ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 11.08.2022 u tegay Gudiga Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda, isagoo codsaday in Magaciisa laga saaro, waxaana loo balamay in maalinta sabtida dib loogu celin doono si loo soo saxo.

Aasaaseyaashii ururka waxaa kaga haray xubno degaankiisa ka soo jeeda, wuxuuna todobaadkan ku mashquulsanaa magacyaddii uu ku buuxin lahaa xubnihii ka tegay, iyadoo raadin dheer loo galay xigto iyo qaraabo degaamadda kale ka soo jeeda.

Dhacdadan ayaa Dr MOHAMED CABDI GABOOSE ku noqonaysa dhabar-jab weyn oo muujinaysa in aanu u qalmin hogaaminta Xisbi ama Madaxtooyadda Somaliland ee uu u hanqaltaagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here