Alle how naxariistee Waxaa xalay magaalada Harggeysa ku geeryootay Fannaanadii caanka ahayd ee khadra daahir cige.
Khadra ayaa maalmihii u danbeeyay xanuun lasoo darsay u jiiftay Cusbitaalka magaalada Hargeysa kaasoo sababay geerideeda.
Fannaanadda ayaa ka mid ahayd hoboladii waabari ee ugu magaca dheeraa sideetamaadkii illaa imikana fankeeda si gaara loo jeclaa.
Haddaba tumay ahayd Khadra Daahir Cige?
Khadro Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, sannadka markuu ahaa 1957-dii iyadoo nolasheeda intabadan ku qaadatay halkaasi, kuna barbaartay, ka hor intii aanay ku biirin fanka.
Alle ha u naxxariistee khadra Daahir Cige intii ay noolayd waxa ay xaas u noqotay Axmed Cali Cigaal iyo Cabdillaahi Sabriye.
Ifka waxaa ay kagga tagtay saddex wiil iyo laba gabdhood iyo intii ay sii dhaleen.
Khadro waxay qaadday ku dhawaad 250 Heesood, heeseheedana waxa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna khadro waxaa heeseheeda laga sameeyaa sheekooyin.
Fannaanadda caanka ah ee Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii markaas oo ay qaadday heesteedii ahayd “Afka lagama sheegto adigoon jacayl arag.”
Waxa ay ka mid ahayd fannaaniinta faro kutiriska ah ee qof kasta oo soomaali ah dookhiisa ahayd marka laga hadlo dhageysiga heesaha ay qaadday.
Dadka qaar waxa ay qabaanba in ay ahayd qofkii fankeeda loogu jeclaa intii ay heesaysay.
Inkasta oo ay burburkii soomaaliya ka dib muddo dheer qurbaha ku noolayd, hadanna dhowr iyo labaatankii sanno ee u danbeeyay waxa ay degenayd magaalada Hargeysa.
Heesteedi ugu horreysay waxaa u dhiibay macallinkeedii maaddada Carabiga, taasi oo ahayd Hawl iyo Dadweynoow , waxay ahayd hees wadani ah.
Waxay ka mid ahayd ardaydii codkooda loogu jecelaa marka la dhigayo xafladaha iskuulka lagu xirayo.
”Waad iska garaneysaa iskooladda xiisad ayaa jiri jirtay taasi oo lagu dhiganayo Muyuusigga, waan iska heesi jirnay,taasina waxay aheyd meesha lagu ogaanayay qofka soo baxaya” ayay tiri Khadro Daahir oo BBC-da wareysi siisay intii ay nooleyd.
Iyadoo waxbarashadda asaasiga ah ku jirta ayaa shaqada fanka laga qoray markaasi oo Hargeysa ay joogeen fannaaniintii Waabari, heeskeedi kowaadna waxaa tumay Fannaankii Saalax Qaasin oo ahaa macallinkeedi.
Waxyaabaha xilligaa ay filkeed kaga dhex mmuuqatay waxa ka mid ahaa ciyaaraha sportska sida kubadda kolaygga iyo orodada.
Waxa ay gaadhay heer ay u safato tartanka orodada soomaaliya iyadoo metelaysay gobaladii waqooyi galbeed oo hadda ah Somaliland.
Khadro ayaa markii dambe fanka u go’day oo ka weecatay waxbarashadii waxayna qeyb ka jishay ruwaayado badan oo ay ka mid ahayd, ‘Dab jacayl kari waa.’
Cadar Axmed Kaahin ayaa ka mid ah fannaaninta ay saaxiibadda ahaayen isla markaana ay isla soo shaqeyeen ayaa BBC-da u sheegtay in Khadro Daahir ay ahayd qof wanaagsan oo qiimo badan oo waliba dhib yar umadduna ay jeclayd.
”aniga walashay ayay ahayd mararka qaar darteed Ayaan London u tagi jiray anoon muraad kala ka lahayn”.ayay tiri Cadar.
Cadar Axmed Kaahin oo iyana ka tirsanaan jirtay fannaaniintii hobollada Waabari ee Soomaaliya ayaa inta aku dartay in Khadro ahayd qof dadku u simanyihiin oo naxariis badan.
Hibo Maxamed Huddoon (Hibo Nuura) oo Iyana ka mid ahayd shaqsiyaadka ay saaxiibbada dhow ahaayen kana wada tirnaan jireen hoballadii Waabari ayaa sheegtay in Khadro ahayd qof saaxiib u ah wanaagga.
“Waxaan ku haminayay in aan aniga Kahdro iyo Cadarba aan meel wado degno oo aan soo laabto”.ayay tiri Hibo Nuuro
Alle ha u naxaariistee fannaanaddii Codka halaasiga laheyd waxay fanka ka baxaday sanaadkii 2002-dii waxay dhawaanahaan ku noolayd magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tageysay sannadkiiba mar, taasi oo ay sheegtay inay caruurteeda soo eegto.
Khadro Daahir ayaa sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay aheyd nolal adag.
Inta badan shacabkaiyo madaxda Soomaalida ayaa ka tacsiyay geerida allaha u naxariistee Khadro Daahir Cige waxayna dhamaantooda Alle uga rajeeyeen inuu siiyo naxariistiisa dambigeedana dhaafo.
XIGASHO BBCSOMALI