Maanta oo kale oo caalamka laga xusayay munaasabadda Ciidul Adxa ee sanadkii 2006-dii ayaa dil lagu fuliyay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saadaam Xusee. Taariikhdu markaas waxay ku beegnayd 30-kii bishii December.
Saadaam amarka dowladda Ciraaq lagu daldalay xilli waabariga ka hor ah, kaddib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu ku lug lahaa xasuuq loo gaystay dad u dhashay Ciraaq.
Eedeymahaas waxay la xiriireen falal dhacay in ka badan 20 sano ka hor intii uusan Mareykanka xukunka ka tuurin.
Subaxdii la fuliyay dilkiisa, muuqaal ayaa laga sii daayay telefishinka Al-Ciraaqiya ee ku hadla afka dowladda, kaasoo muujinayay Saadaam oo isagoo xiran dhar madow ay rag wajiga iyo madaxa qarsaday u wadaan qolkii lagu daldali lahaa.
Maxaa dhacay markaas kaddib?
Garsoore Ciraaqi ah, oo lagu magacaabo Munir Haddad, oo goob joog ahaa, ayaa telefishinka CNN xilligaas u sheegay in mid ka mid ah raggii daldalayay Saadaam Xuseen uu hadal ku tuuray, isagoo u sheegaya in uu ahaa kelitalis burburiyay Ciraaq.
Arrintaas ayaa islamarkiiba dood ka dhex kicisay Saadaam iyo ninkii kaxaynayay, ilaa ay markii dambe soo farogeliyeen saraakiil kale oo ku sugnayd qolka.
Kaddib markii xarigga qoorta loo geliyay Saadaam ayuu mid ka mid ah raggii daldalayay ku dhawaaqay “ha noolaado Muqtada al-Sadr,” sida uu sheegay garsoore Haddad. Muqtada al-Sadr waa wadaad ka mid ah hoggaamiyeyaasha Shiicada ee Ciraaq.
Saadaam, oo ahaa Sunni, ayaa eraygiisii ugu dambeeyay ka hor inta uusan geeriyoonin ku yiri: “”Muqtada al-Sadr”, isagoo codkiisa laga dareemayay inuu magaca u dhahayay si jees jees ah, sida uu faahfaahinta ku sheegay Haddad.
Garoosaraha ka sheekeynayay dhacdadan ayaa yiri: “Saadaam waxa uu u muuqday qof aysan waxba ka khuseynin xaaladda halkaas ka taagnayd. Aad baan ula yaabay. Kama uusan baqaynin geerida.”
Askartii Mareykanka ee oysay markii la daldalayay Saadaam Xuseen
12 askari oo Mareykanka ah – oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen – ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.
Waxay ahaayeen askar laga soo xushay ciidamada booliska ee ay tiradoodu ahayd 551 askari, kuwaasoo qaabilsanaa amniga Saadaam ilaa intii laga dilayay. Waxaa lagu naaneysayay “12-ka askari ee heerka sare ah”.
Mid ka mid ah askartaas, oo lagu magacaabo Will Bardenwerper, ayaa qoray buug uu u bixiyay ‘Maxbuus ku jira qasrigiisa, ilaaladiisa Mareykanka ah iyo taariikhda uu ka tagay’.
Waxa uu buuggaas ku sheegay arrimo ku saabsan xiriirkii wadashaqeynta ee dhex maray Saadaam Xuseen iyo ilaaladiisii Mareykanka ahaayeen. Waxaa kale oo uu ku sharraxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Saadaam.
Bardenwerper wuxuu qiray in markii uu Saadaam ku wareejinayay dadkii daldali lahaa ay askarta ilaaladiisa ah wada ilmeynayeen.