Qareenka guud ayaa doonaya in Kenya ay ku khasbaan in ay ka baxado kiiska badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka.
Kennedy Ogeto ayaa sheegaya kiiska ay geeyeen Kiriro wa Ngugi iyo labaatanka qof ee kale uu yahay mid iska ciyaar ah. Dacwad oogeyaasha ayaa waxaa matalayay qareen Kibe Mungai.
Kenya ayaa Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka waxaa ka dacweeyay Soomaaliya bishii August ee sannadkii 2014-kii, kadib markii ay ku murmeen dhul badeed gaaraya ilaa 100,000 oo kilometre oo isku wareeg ah.
Markaa kadib Kenya ayaa iyadana soo oogtay dacwad ay Soomaaliya isaga difaaceyso, iyada oo ku doodeeyso in Maxkamadda ICJ aysan awood u lahayn in kiiskan ay dhageeysato.
Kenya ayaa ku doodeeysay in marka hore la raadiyo waddo kale oo lagu xalliyo khilaafka dhanka badda ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliya.
Maxkamadda ICJ ayaa 2-dii bsihii Febaraayo ee 2017-kii gaashaanka u daruurtay, taas oo ku doodeeyso in heshiiska is afgarshada uunsan xal u noqon Karin kiiska badda ee Soomaaliya.
Kiriro iyo 19-ka kale ee sharci yaqaanada ah ayaa aaminsan ka qeeyb qaadashada Kenya ee kiiska badda ee loo asteeyay in la dhageeysto inta u dhxeeyso 9-ka September iyo 13-ka, uu wax ka baddeli karo xadkeeda iyo khariiraddeedaba.
Waxa ay doonayaan in Maxkamadda Sare ay soo saarto qoraal amar ah oo ay ku joojinayso in ICJ ay dhageeysato kiiska badda ee Soomaliya kala dhexeeyo maadaamaa aysan haynin caddeymo sharci ah, sidoo kalan heshiiska is afgarshada ee la gaarayna uu mad-madaw ku jira.
Labaatanka qareen ayaa waxay aaminsan yihiin in dawladda Kenya aysan horay usii wadi karin kiiskan iyadoo la eegayo sharciga kenya u yaalla.
Garsoore Weldon Korir ayaa go’aanka gaari doona 11-ka bishan July.
Labaatankan ayaa sheegay in Kenya aysan sii wadi dooonin ka qeeyb qaadashada dhageysiga Maxkamdda iyada oo aan ka baqayn in dhulkeeda lumo sidoo kalana ka cabsi qabin in dhulkeeda iyo madax-banaadideedaba gorgortan u gelin .
Maxkamdda ayaa waxaa loo sheegay in inkastoo Kenya ay aqoonsantahay xukunka ICJ, haddana Kenya uu shaki uga jiro kiiskaasi.
Dadka dacwadda geeyay ayaa waxay aaminsayihiin sababta ay uga hor yimaaden inay tahay inay suutro gal ahayn in dhammaan khilaafyada lagu xalliyo maxakamadaha.
Dhibaatooyinka ama khilaafyada qaar ayaa waxa ay u baahan-yihiin in lagu xalliyo geedi socod dhanka siyaasadda ah amaba diblomaasiyadda ah taasi oo ay lagama maarmaan tahay in la’ is hor keeno muwaadiniinta waddamada khilaafka uu ka dhaxeeyo oo ay iyaga go’aanka ugu dambeeya gaaran.
Khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal
Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.
Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.