Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhowaaqday in lasoo afjaray hawlgal qaatey afar maalmood oo ka socday gobolka Afdheer, halkaasi oo ay galeen boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.
War-murtiyeed kasoo baxay Guddiga Amniga ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in kooxdan ujeedkoodu ahaa in ay u gudbaan Ismaamulka Oromiya si ay uga mid noqdaan koox loogu yeero Shane.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in ugu yaraan 100 Al-Shabaab ah la dilay intii uu socday howgalka, sidoo kalena ay ka gubeen 13 gaari.
Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijisa sheegashada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo khasaaraha dagaalyahanadda Al-Shabaab la gaarsiiyey.