Dowladda Tanzania oo sheegtay in gobolladeeda koonfureed uu ka dilaacay cudur aan la garaneyn

xanuun tanzania

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in gobollada koonfureed ee dalkaasi uu ka dilaacay cudur aan la garaneyn.

Dadka uu ku dhacay cudurkan ayaa lagu arkay qandho, dadka qaar sanka ay kasii daynayaa dhiig, ugu dambeyntii qofka taagnida ayuu ka dhacayaa, sidaas ayuuna qofka ku dhimanaya.

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa sheegtay in laga yaabo in cudurkan uu uu ka dhashay isbeddelka cimilada.

Dawladda Tanzania waxay sheegtay in koox khubaro ah ay u dirtay xuduudda Mozambique si ay u ogaadaan waxa sababay cudurkan la garan la’yahay waxa uu yahay.

Mar ay la hadlaysay hogaamiyaasha diinta ee golaha Catholic ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (AMECEA) kaas oo ka dhacay magaalada Dar es Salaam, madaxweyne Samia waxay sheegtay in tirada dadka uu ku dhacay cudurka aan la aqoon ay badan yihiin balse ma aysan shaacin tirada saxda ah.

Waxay intaa ku dartay in xogtan cudurkan ay soo shaacbaxday kadib booqasho uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha dalkaas ku tagay deegaanada uu cudurka saameeyay.

“Shalay waxaan la hadlayay Ra’iisul Wasaaraha, waxa uu booqasho ku tagay gobolada Koonfureed, wuxuu ii sheegay in uu soo arkay cudur ka dilaacay halkaas, dadka ayaa sanka ka sii daaynayaa dhiig kadibna qofka taagnida ayuu ka dhacayaa”ayay tiri madaxweyne Samia. “Ma garan karo waxa uu yahay, khuburrada caafimaadka ayaa gaaray goobta si usoo ogaadan waxa uu yahay”

Samia Suluhu Xasan waxay uga digtay shacabka Tanzania inay jaraan keymaha dabiiciga ah ay xoolaha daaqaan iyadoo sheegtay in haddii taasi dhacdo ay keeneyso in xayawaanada ay u guuraan meelaha ay dadku ku nool yihiin.

“Cudurkan qofka uu sanka ka keenaya dhiigga weligeen ma aanan arkin, sababtoo ah waxaa jareynaa dhirta ay ku nool yihiin xayawaanada halkaas uu Ilaahey ugu talogalay, anaga ayay nagu soo yaacayaan markaa, cudur kastana wey inoo keenayaan” ayay tiri Samia Suluhu.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan in dowladda ay warbixin kasoo saarto cudurkan maadama deegaannada uu saameeyay loo diray koox khuburo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here