Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxii ka dhacay Jowhar

Jawhar map

Ugu yaraan sedex qof ayaa ku dhintay weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lagu weerarray hudheel ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, sida laga soo xigtay sarkaal caafimaad oo ku sugan isbitaalka magaalada.

Sarkaalkaas waxa kale oo uu BBC-da u sheegay in labaatan qof oo dhaawacyo kala duwan qaba la soo gaarsiiyay isbitaalka, waxana ku jira wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa Jowhar ka dhacay, inkastoo faahfaahin intaa ka badan aysan bixin.

Goor sii horeysay ayay ahayd markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray weerarray lagu qarxiyay bartamaha magaalada Jowhar, kaas oo gaystay burbur baaxad leh oo gaaray hudheelo iyo guryo ku yaala bartamaha magaalada.

Waa qaraxiii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here