Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

farmaajo dhoof3

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasi oo uu ka furmayo shirka Dhuusamareeb 3 ee DF iyo maamul goboleedyada.

Qoraal uu barta facebook uu soo dhigay agaasimaha xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Abdinur Maxamed ayuu ku sheegay in madaxweynha uu maanta u ambabixi doono Dhuusamareeb si uu ugu qeybgao shirka halkaasi ka furmi doono oo looga hadli doono mustaqbalka dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu ku yiri agaasime Abdinur qoroolkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kahor inta uusan u ambabixin Dhuusamareeb wuxuu khudbad u jeedin doonaa mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn ajandaha khudbadiisa waxa ay ku saleysan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here