Mareykanka: Ma jiri doonto muddo kororsi

US embassay

Mareykanka ayaa sheegay in si weyn uu uga dhursugayo shirka Dhuusamareeb 3 si go’aano wax ku ool ah looga soo saaro shirkaas, sida lagu sheegay qoraal safaaradda ee Soomaaliya ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

Mareykanka wuxuu sheegay in arrimaha doorashada ay ka wada tashadaan Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka si loo qabto doorasho waqtigeedu ku dhacday isla markaana aysan jiri doonin muddo kororsi.

Guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyinka ka hor Shirka Dhuusmareeb 3 ayaa la kulmay madaxweynahayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Balse kulamadan qayb kama ahayn xubnihii meteli lahaa Maamul goboleeddada Puntland iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here