Maxkamad federaal ah oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa dhawaan ku xukuntay saddex sano shaqo adag ah iyo ganaax dhan $7,000 oo doolar, nin u hanjabay Ilhaan cumar, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka.
Ninkan ayaa hadda ka hor la sheegay in farriin Email ah uu u diray Ilhaan Cumar isagoo ugu hanjabay in uu dilayo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in isla farriintaas hanjabaadda dil ah uu u diray saddex xildhibaan oo kale oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka.
Ninkan oo lagu magacaabo David George Hannon, oo 67 jir ah ayaa bishii April qirtay in dambiga ah in uu dilka ugu hanjabay xildhibaanada kadib markii farriin ugu diray Email-ka.
Wuxuu mari doonaa baaritaan dhanka maskaxda ah iyo in uu isticmaalay daroogo.
Xildhibaanada uu ninkan hanjaabadda dilka ah kula kacay ayaa kala ah Ilhaan Cumar oo aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ku matesha Minnesota, Alexandria Ocasio-Cortez oo laga soo doortay New York, Ayanna Pressley oo laga soo doortay Massachusetts iyo Rashida Talib oo laga soo doortay Michigan, sida ay ku warrantay warbaahinta Tampa Bay Times.
Xilliggii uu arrintaas sameynayay waxay xildhibaanada qabteen shir jaraa’id bishii July ee sanadkii 2019-kii xilli ay dhaleeceynayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo sheegay ‘in xildhibaanada ay dib ugu laabtaan dalalkii ku caanbaxay dambiyada’
Hanjabadda waxay mid ‘aad u fool xun oo aan habbooneyn dhinac walba’ sida uu sheegay garsooraha maxkmadda Kathryn Kimball Mizelle.
“Lama aqbalayo dhaqanka noocan ahan” ayuu yiri garsooraha.
“Wuxuu u sameeyay arrintaas sababtoo ah Trump ayaa u sheegay in uu sameeyo taas” ayay tiri gabadhiisa Elizabeth Hannon Dillon.
Gabadhiisa waxay garsooraha u sheegtay “aabahay wuxuu taageero u ahaa Trump haatana wuu ka qoomameynayaa.”
Ninka lagu helay dambigan ayaa raalli gelin ka bixiyay falka uu ku dhaqaaqay.
“Aad baan uga xumahay falkii aan ku kacay habeenkaas” ayuu David George Hannon ka hor sheegay maxkamadda.
Ninkan ayaa hadda ka hor farriin Email ah u qoray kooxdii ololaha doorashada Ilhaan Cumar taas oo aheyd, “Waad dhimaneysaa adigoo ah Muslim xagjir ah”
David George Hannon ayaa qirtay in uu wax ka sheegay diinta Islaamka oo ay heysato Ilhaan balse garsooraha ayaa diiday in kiiska uu ku dabaqo xukunka lagu soo oogo dadka lagu helo dambiyada la xiriira naceybka.
Sanadkii 2019-kii ayay aheyd markii maxkamad lasoo taagay nin dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar, waxay warqad u qortay xaakimka maxkamadda, kana codsatay in xukunka uu u khafiifiyo oo aan xukun dheer lagu xukumin Patrick oo ah ninkii ku dhaartay in uu dili doona.