Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa shaqada ka eryay jeneraalkii maareynayay saadka ciidamada Ruushka ee howlgallada ka wada dalka Ukraine.
Janaraal Dmitry Bulgakov, oo ahaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Ruushka, ayaa shalay oo Sabti ahayd xilka laga qaaday sida ay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka sheegtay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Dmitry oo 67-jir ah loo wareejiyay jago cusub.
Waxaa baddali doona Mikhail Mizintsev oo isagu maamuli jiray go’doomintii arxan darada ahayd ee xukuumadda Moscow ay ka geysatay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine.