SOOMAALIYA OO GUUSHII UGU HORREYSAY KA GAARTAY DHACDADA UGU WEYN KUBADDA CAGTA

somalia vs zimbabwe

Xulka kubadda cagta dalkeena Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray heerka kowaad ee isreeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka 2022.

Xulka qaran Soomaaliya ayaa caawa 1-0 ugu awood sheegtay xulka dalka Zimbabwe, kulankii lugta kowaad oo dhacay dalka Jabuuti oo martigalinta wakiil ugu ahayd Soomaaliya.

Ciyaaryahanka Anwar Sayid Cali (Shakunda) ayaa xulka Soomaaliya kubbad madaxa ugu dhaliyay daqiiqadii 87-aad ee dhaamaadkii ciyaarta.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka adduunka ay guul ka gaarto, tan iyo markii la asaasay tartankan 1930-kii.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka ayaa u hambalyeeyey xulka qaranka, sidoo kale shacabka ayaa aad ugu hambalyeynaya guusha taariikhiga ah.

Kulan lugta labaad ayaa dalka Zimbabwe ka dhici doona 10-ka bishan September ee todobaadka dambe, waxaana Soomaaliya haddii ay soo baxdo u gudbi doontaa is araga labaad ee isreeb-reebka koobka adduunka.

Koobka adduunka 2022, waxaa marti galintiisa horey ugu guuleystay dal yaraha Qadar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here