Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad dabbaal deg ah oo lagu xusayo sannad guuradii ka soo wareegtay aasaasla Ciidanka Badda. Xafladdan waxa ku cusbaa oo hadalhayn abuuray Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore sida la baahiyey shaqada laga joojiyey.
Jeneraal Dirir ayaa ka soo muuqday oo khudbad ka jeediyey xafladda 57 guuradii ka soo wareegtay yagleelidii Ciidamada Badda ee Soomaaliya.
Jeneraal Dirir ayaa kulankaa ka sheegay in wax badan iska beddeleen ciidankan oo maalinba maalinta ka danbaysa ay sii hor-umarayaan.
“Ciidamaddeena badda waannu tayaynay, wakhtigii khayraadka baddeena la boobi jirayna wuu dhamaaday. Inta aan xilka joogno meesha na loogu dhiibay na loogu imaan maayo.” ayuu yidhi Jen Cabdixamiid.
Jeneraal Cadixamiid ayaa ah taliyaha Ciidanka Badda ee Soomaaliya, waxaa se hadal hayn abuurtay in la arko isaga oo hawhiisii wata, kaddib shaqo joojintii uu u ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Wuxuuna madaxweynaha shaqo joojintaTaliye Cabdixamiid Maxamed Dirir uu ku sababeeyey iney muhiim tahay in tallaabbadaasi la qaado inta laga dhammeystirayo Gal-baadhritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku, xilligii khilaafkii ka dhex taagnaa Farmaajo iyo Rooble.
Dhammaadkii sannadkii tegay ayey aheyd markii taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir, uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu guri raaxo ka dhisanayo dhul uu sheegay inay leeyihiin ciidammada badda ee dalka.
Taliye Cabdixamiid, waxa uu sheegay in ciidammada Badda Soomaaliya oo leh hanti badan oo kala duwan, iyadoo qeyb ka mid ah “Waxaa nasiib darra ah ciidankii badda dhulkiisii oo aad u jeeddaan meeshii ciidanka uu ka dhisan lahaa xafiisyada… in dan shakhsiyadeed loo qaato,” ayuu yiri.
“Waxaa dantaas shakhsiga ah oo la rabo in lagu dhisto guryo lagu raaxaysto, lagu nasto, ayna hormuud u yihiin madaxda qaranka ugu sarraysa. Waxaa nasiib darra ah oo ciidankii badda iyo difaacii xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dhabarjab iyo mooraal jab ku noqotay in dhulkoodii ay boob ku dhisanayaan madaxdii qaranka ugu sarraysay oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha qaranka Maxamed Xuseen Rooble.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidammada Badda ee Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu u diray Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya & Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde ku amray in aanu safri karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir, maadaama loo haysto ayaa qoraalkaas lagu sheegay ‘ku xadgududb hantida qaranka iyo maqnaanshaha hantida shacaab’.
Waxaannu isku deynay in aannu waaxaha dawladdu ka ogaanno waxa iskabeddelay go’aankii shaqo ka joojintiisa iyo weliba arrinkii ku saabsanaa in aanu dalka ka bixi karin, laakiin se wax jawaab ah kam aannaan helin.