Home Blog

TACSI MARXUUM MAXAMED CALI YUUSUF GAAGAAB

senetor Maxamed Cali Yuusuf gaagaab

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, geerida Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka mid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu xilal kala duwan u soo qabtay Qaranka Soomaaliyeed iyo aasaaskii Maamulka Puntland.

Marxuumka waxaan illaahay uga baryeynaa inuu u naxariistu, Ehelkii iyo Qaranka uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo.

SHACABKA KHAATUMO EE CEERIGAABO WAA INAY DEG DEG U SAMEYSTAAN GUDI HALGANKA HAGA

ceerigaabo

Shacabka Reer Ceerigaabo ee SSC Khaatumo waxaa la gudboon inay si deg deg ah u sameystaan Gudi maamul oo isku dubarida taladda, taageerada, gurmadka iyo dhaqaalaha, kuwaas oo loo baahan yahay in cidkasta oo taageero ka geysanaysa degaamadaas ay la soo xiriiraan gudo iyo dibadba.

Hadeydaan gudi idin mideeya sameysan oo halgankiina haga, xagal daacin iyo tashuush waayi maysaan, cadowyada kala duwanina waxay helayaan goldaloolooyin ay idinka soo galaan.

HAMBALYO SAADIQ ABSHIR GARAAD OO LOO DOORTAY GUDOOMIYE KU XIGEENKA GUDIGA DOORASHOOYINKA IYO SOOHDIMAHA JFS

saadiq abshir garaad

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha JFS ayaa Gudoomiye ku xigeen guddigaas u doortay Saadaq Abshir Garaad oo Metelaya Maamulka SSC Khaatumo, islamarkaana khibrad dheer u leh arimaha doorashooyinka iyo xuduudaha.

Hambalyo Gudoomiye ku xigeen, waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu xilkaas ku asturo.

SHACABKA SANAAG MA KUSII JIRAYAAN IN AFKA KELIYA LAGA SHEEGTO AMAANKOODANA LA DAYACO.

firdhiye garaad cabdilaahi g saleebaan iyo garaad jaamac g ismaaciil

Dhibta Ceerigaabo ka taagan waxaa ka masuul ah Madaxweynaha Maamulka SSC Khaatumo CABDIQAADIR FIRDHIYE oo ku fashilmay Amaanka shacabkiisii oo maalin walba maleesho hubeysani dhibaateynayso, iyagoo ugu soo gabana Maamulka, Booliis iyo Ciidamo, sidoo kale waxaa ku raacsan Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo arintan bud-dhigaha u ahaa, waxaa cad inay qaateen taladii Horgalladu u soo jeedinayeen ee ahayd CABDIRAXMAAN CIRRO ayaa guuleysanaya oo caqli baynu ku kala baxaynaa, iyagoo ilaawey inuu mari doono waddadii colaada ee CABDIRAXMAAN TUUR qabyada ka noqotay, talaabadii ugu horeysayna waa dilka iyo bililiqadda ay iyagoo aan todobaad joogin Ceerigaabo ka fuliyeen.

Iscadeeya oo waajibaadkiina gudata, shacabkana ku hogaamiya sidii ay Ceerigaabo qaybtooda nabadgelyo iyo calankooda ugu noolaan lahaayeen, maalmaha soo socda. Shacabka Gobolka Sanaag uma baahna Maamul iyo Garaado Laascaanood ka sheegta af khaliya, waxay muddo sugayeen Maamul iyo Garaado daacad u ah.

MAAMULKA SSC KHAATUMO OO QIRTAY INAY KU FASHILMEEN AMAANKA SHACABKA CEERIGAABO

kuxigeen hogaanka fulinta ssc M Cabdi Ismaaciil Shiine

Maamulka SSC Khaatumo ee gabay kaalintii kaga aadanayd xaqiijinta amaanka shacabka Ceerigaabo ee Maleeshiyada SNM waxyeeladda ku hayaan, ayaa maanta qirtay eeda arintaas, kadib markii uu Madaxweyne-ku-xigeen Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiines sheegay inay dusha u ridanayaan khaladkaas dhacay.

Eedan waxaa maamulka ku weheliya Madaxdhaqameedka iyo Odayaasha Beesha Maxamuud Barri ee arinta bud-dhiga u ahaa oo u muuqda inay raali ka yihiin, ragii abaabulka Ciidanka iyo saadka looga baahnaa weli waxay hoganayaan Laascaanood, waxayna u egyihiin inay ka warsugayaan CABDIRAXMAAN CIRRO IYO SULDAAN CADDE-GUDDE.

GUUSHA CIRRO WAXAY SOO KORDHINAYSAA COLAAD, DHAQAN XUMO IYO AFXUMO

cabdiraxmaan cirro

Dad badan ayaa aaminsan in Guusha Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ay soo kordhinayso nabad iyo xasilooni, sidoo kalena uu ka fiicnaan doono Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi, fekerkaasi waa mid khaldan, dadkaasi waxay ilaaween 1991 xilligii Cabdiraxmaan Tuur, waxyaalihii foosha xumaa ee ay ku kaceen Beesha Garxejis iyo maamulkoodii.

Waxay dagaalo iyo weerar ku qaadeen beelihii iyo degaamadii kale, waxay weerareen Magaaladda Berbera oo ay ka geysteen dil, bililiqo iyo kufsiga aan u ahayn shucuubta waqooyi, waxay xasuuqeen dad shacab ah oo nabad u socda, waxay weerareen Haberjeclo, aakhirkii waa kuwii Hargeysa weeraray, ilaa lagula hadlay luqada ay fahmaan ee xabadda nabadgelyo lagama helin, maanta xil looma dhiibteene waxaa caawiyey dagaalka Khaatumo iyo Somaliland.

Hadda Iyadoo aanay Guushii Cabdiraxmaan Cirro 7 casho ka soo wareegin ayey weerar ku qaadeen dadkii shacabka ahaa ee reer SSC Khaatumo ee Ceerigaabo deganaa, waxay bilaabeen dhaqanxumadii caadada u ahayd ee bililiqada, afxumadooda waxay bilaabeen khaatumo waano soo celinaynaa iyo islaweyni khiyaali ku saleysan.

Waxaan Jamaahiirta Gobolka Sanaag iyo Ciidamadda geesiyada SSC Khaatumo ugu baaqayaa inay Ceerigaabo ka bilaabaan hawlgal deg deg ah oo Calanka Khaatumo laga taagayo Ceerigaabo qaybtiina, amaanka shacabkana la sugayo, isimkii ama maamulkii soo jeediya in gunimadda lagu sii jiro oo nabadgelyadda ku soo dhuunta waa Horgal cusub oo CADDE-GUDDE IYO CIRRO ka socda ee sharciga horgaladda hala waafajiyo.

Xusuusta hal-ku-dhigii RAXMO YAR EE AHAA (NAAG BAA XABADA RIDAY HALA YIRAADO EE ANIGAA BILAABAYA IYO COLAAD BAAN NAAS LA NUUGO U SAMEYNAYNAA), taaso dhashay sharafta iyo Maamulka SSC Khaatumo.

HOGAANKA SSC KHAATUMO WAA KU FASHILMAY AMAANKA SHACABKA CEERIGAABO

hogaamiye firdhiye3

Waxaa muuqata in Hogaanka Maamulka SSC Khaatumo uu ku fashilmay amaanka shacabka Ceerigaabo ee maalin walba maleeshiyadda SNM dilayaan, bal iskadaa waxtar ee wuxuu lugta jiidaa oo dib u soo celiyaa Ciidamadda gurmadka ugu taga. waxaa cad in Cabdiqaadir Firdhiye uu ku balaadhay maamulka degaamada SSC oo hogaamintiisu dhaafi karin Laascaanood ilaa Guumeys. Haday kugu cuslaatay waxaa kuu banaan inaad ISCASISHO.

FARIIN KU SOCOTA GARAAD CABDILAAHI GARAAD SALEEBAAN.

Garaad waxaad tahay garaadka keliya ee weli degaamadiisii Maleeshiyadda SNM dhibaateeynayso, waxaana kugu waajiba inaad shacabkaaga iyo dhamaan reer SSC ku hogaamiso xoreynta Ceerigaabo, waxaan kugula talinayaa inaadan mar dambe ka qaybgelin shir Isimo ku yeelanayaan Laascaanood oo aad tagtid meesha lagaaga baahan yahay oo shacabkaa iyo ciidamada horgashid kana fogaatid talooyinka horgaladda weli shacabka dhexdiisa ku dhuumanaya.

FARIIN KU SOCOTA DHALINYARADDA REER CEERIGAABO.

Weli waxaa taladiina haya Caaqilo iyo Odayaal horgalo ah, markay dhexdiina tahayna hubka isku gurta oranaya, marka maatadiina SNM dishona nabad baan rabnaa, maanta waxaa idiin taalla inaad kala doorataan halku dhigii RAXMO YAR EE AHAA (NAAG BAA XABADA RIDAY HALA YIRAADO EE ANIGAA BILAABAYA IYO COLAAD BAAN NAAS LA NUUGO U SAMEYNAYNAA), taaso dhashay sharafta maanta lagu naaloonayo ama inaad gunimadda iyo nabada beenta ah ku sii jirtaan, mana jiri doonto cid dambe oo idiin soo gurmanaysaa.

MADAXWEYNAHA IIRAAN OO ISRAAIIL UGA DIGAY AARGUDASHO AAN LA FIIRSAN

israel and iran flag

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Axadda maanta ah ka digay aargudasho “aan laga fiirsan” oo Israel ay ka sameysyo weerarkii xalay ay Tehran ku qaaday ee isugu jiray gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka.

Iran ayaa markii ugu horeysay abid weerar toos ah ku qaaday Israel, ayada oo uu kasii daray dagaalka daahsoon ee mudada dheer u dhexeeya labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dagaal kale.

Tehran ayaa marar badan ku hanjabtay inay ka aargudan doonto Israel kadib weerarkii dhimashada badnaa ee 1-dii April lagu qaaday dhismaha qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq, waxayna Washington ka digaysay maalmihii la soo dhaafay in jawaabtu ay dhowdahay.

Jawaabta ayaa timid habeenkii Sabtida markii Iran ay dirtay in ka badan 300 oo diyaarado drone iyo gantaallo ah oo ku wajahan Israel, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 12 qof, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Balse inta badan dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa dhexda laga qabtay ka hor inta aysan gaarin Israel, ayada oo gacan laga helayo Mareykanka, Urdun iyo xulafo kale.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in boqolkiiba 99 gantaalada la soo riday la qabtay, isagoo sheegay in “weerarka Iran la fashiliyey”.

Inkasta oo 170 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 30 gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles la soo riday ka hor intii aanay Israel soo gaarin, haddana qaar ka mid ah 110-ka gantaal ee ballistic-ga ayaa ku dhacay Israel, sida ay sheegeen ciidanka Israel.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah gabar 12 sano jir ah oo ku sugneyd meel u dhow magaalada Arad ee koonfurta Israel, taasi oo ku jirta xaalad degdeg ah, sida ay sheegtay xarunta caafimaadka ee la geeyay.

Madaxweynaha Iran Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “in haddii maamulka Sahyuuniyadda (Israel) ama taageerayaasheeda ay muujiyaan hab-dhaqan aan ka fiirsi lahayn, ay heli doonaan jawaab adag oo ka sii xoog badan tii hore.”

Dalal badan ayaa cambaareeyay weerarka, islamarkaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta oo Axad ah uu yeesho kulan deg deg ah oo ay kaga hadlayaan wax loogu yeeray “xaalad si aad ah uga sii dartay.”

Weerarkan ayaa sidoo kale yimid iyadoo isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xabad joojin looga gaaro dagaalka Gaza uu u muuqdo mid wiiqmay, waxaana Israel ay ku eedeysay Xamaas inay diiday hindise xabbad joojin ah.

FIQI OO LA WAREEGAY XILKII WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA

wasirr fiqi

Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa waxaa xilkan ku wareejiyey Sii-hayaha ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad), kadib markii xilkaas loo magacaabay todobaadkii hore.

Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Mmadaxweynaha yo ra’iisul wasaaraha oo isaga u gartay inuu xilkan cusub qabto, wuxuu horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu xoojin doono kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, sida uu ku shaaciyay khiudbadiisa.

HOGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO U HAMBALYEEYEY CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYA

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo u dabbaal degaya sannad-guuradoodii 64-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay 12-kil April 1960.

Ciidanka Xoogga Dallku waxay astaan iyo laf-dhabar jiritaan u yihiin Dawladnnimada Soomaliyeed.

Munaasabadda 64-guurada awgeed waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa sarreeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifllayaasha iyo dablayaasha ciidanka Xoogga dalka, waxaana Allaah ugu baryayaa inuu ku guuleeyo waajibadka Qaran ee ay inoo hayaan.

Sidoo kale, waxaan salaan iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Difaaca SSC-khaatumo oo iyagu ah geesiyaal, halggamayaal iyo xaq-u-dirir dadka reer SSC-Khaatumo ay ku seexdaan, dedaalkooda iyo naf-hurkoodana ay ku heleen xasillooni iyo nabad isku hallayn leh.

Dhanka kale, annagoo ka faa’idaysanaynna horumarka tikonoolajiyadda ee qarnigan waxaan muddo aad u kooban ku hirgelinnay inaan dib u habayn iyo casriyeyn balaadhan ku samaynno ciidankeenna Difaaca SSC-khaatumo oo iyagu ah tiirka ugu muhiimsan Dawladnimada SSC-Khaatumo. Nidaamkan casriga ah ayaa noo sahlaya shaqada ciidanka sidoo kalana kor u qaadaya hufnaanta arrimaha ciidanka.

Waxaana ballan-qaadaynnaa inta aan talada joogno in Ciidamada kala duwan ee SSC-Khaatumo noqdaan kuwa leh tababbar sare, helaan xuquuq joogto ah iyo daryeel caafimaad oo tayo badan, islamarkaana aannu dedaal gelinno sidii ciidankeeennu u helli lahaayeen xuquuqaadka Dawladeed ee ay ku leeyihiin ciidamada qalabka sida ee heer Federaal.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY