Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland “Aniga argagax bay iigu tahay liiskan Madaxtooyadu soo qoratay ee hawada la geliyey waxbana kama jiraan liiskan…”
KIM JONG UN OO AMRAY IN DAGAAL NUKLEYEER LAYSU DIYAARIYO
Kuuriyada Waqooyi ayaa wacad ku martay inay hawada sare u diri doonto saddex dayax-gacmeed oo cusub oo basaas ah, isla markaana ay dhisi doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, oo ay sare u qaadi doonto hubkeeda Nukliyeerka sanadka 2024-ka, iyadoo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un uu sheegay in siyaasadda Mareykanku ay horseedayso gadaal lama huraan ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu Axadda maanta. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaas sheegtay.
Kim waxa uu Washington ku weeraray hadal dheer oo uu ku soo xidhayay shan maalmood oo shirar xisbiga talada haya lahaayeen, kaas oo lagu dejiyay yoolalka dhaqaalaha, milatariga iyo siyaasadda dibadda ee sannadka soo socda.
“Sababtu waxay tahay dhaq-dhaqaaqyo aan ka fiirsasho lahayn oo cadowgu nagu soo qaaday, waa guul-darro in dagaal uu xilli kasta ka dhici karo gacanka Kuuriya,” ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KCNA.
Waxa uu ku amray milatariga inay isu diyaariyaan “in lagu nabadeeyo dhammaan dhulka Kuuriyada Koonfureed,” bambooyinka nukliyeerka haddii loo baahdo, si looga jawaabo weerar kasta.
Khudbadda Kim ayaa ku soo beegantay sannad ka hor xilli ay doorashooyin muhiim ah ka dhici doonaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.
MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO TAAGEERAY GOAANKII SSC-KHAATUMO
WAR-SAXAAFADEED.
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo war Rasmi ah kasoo saaray xaaladda Amni iyo Siyaasadeed ee dowladda Puntland.
“Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.
Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.
Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas.
Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.
Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.”
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.
ISIMADDA PUNTLAND OO GO’AANO KA SOO SAARAY DOORASHADA PUNTLAND IYO SSC-KHAATUMO
Isimmada Puntland ayaa go’aanno culus ka soo saaray SSC-Khaatumo iyo doorashada madaxtinimo.
RUUSHKA OO WEERAR CIRKA AH UKRAINE KU QAADAY
Milatariga Ukraine ayaa sheegay, in Ruushka uu Ukraine ku soo qaaday weerar dhanka cirka ah isagoo adeegsanaya 158 qaabood oo kala duwan oo ah weerarro dhanka hawada ah.
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine, Valerii Zaluzhnyi, ayaa sheegay in Ruushka uu markii hore adeegsaday qaab ‘caadi ah’ oo uu soo daabulay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed oo lagu farsameeyo gudaha dalka Iran.
Waxaa intaas daba socday adeegsiga ugu yaraan 55 gantaal oo nooca Cruise-ka ah, shan gantaal oo kuwa hawada sare loo diro ah iyo noocyo kale oo gantaallo ah.
Zaluzhnyi waxaa uu sheegay in Ukraine ay soo riday 27 kamid ah 36 diyaarado oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ruushka iyo sidoo kale 87 gantaal.
𝐊𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀 𝐈𝐍𝐍𝐀 𝐗𝐈𝐆𝐀 DAAROOD IYO OROMO WAA GUNNIMO (Jamal A. Muse)
Gunnimo ka weyni ma jirto in Hargeysa lagaga doodo Oromo iyo Daarood kee baa inna xiga?. Waa calaamad muujineysa 𝐡𝐚𝐧-𝐣𝐚𝐛, 𝐡𝐢𝐦𝐢𝐥𝐨 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐞𝐲𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧𝐬𝐡𝐨 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐫 ku dhacay dadkii maalmo gobta ahaan jiray.
Inkasta oo ay dooddu ahayd dabin ka bood iyo midiidin leexan oo laaxin lagu gardaadiyay, haddana inta gobonimo iyo qab Soomaaliyeed sii hadhsan, waxaa u taagnaa hablaha qaar ka qayb ahaa doodda madhan ee loogu magac daray 𝐎𝐫𝐨𝐦𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐫𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐞𝐞 𝐛𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐧𝐚 𝐱𝐢𝐠𝐚?.
Dhinaca kale, waxaan in badan aaminsanaa in aynu nahay dad 𝐚𝐛, 𝐚𝐛𝐭𝐢𝐧𝐢𝐦𝐨, 𝐱𝐢𝐝𝐢𝐝, 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐠, 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐬𝐡𝐨, 𝐝𝐡𝐮𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐥 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠 𝐚𝐡. Waxaan muddo dheer maankayga ku kobcin jiray in sarriigashadii Soomaalinimo weli sii jirto oo aan hiraalkii gobeed laga dhaqaaqi karin. Waxaan is lahaa maalin baad 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐮𝐧𝐤𝐚𝐲 𝐭𝐨𝐥𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐎𝐫𝐨𝐦𝐚𝐝𝐚. Balse, dhammaan qodobbadan waxa daaqadda ka tuuray 𝐬𝐚𝐛𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐬𝐚𝐥-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐚𝐛𝐛𝐚𝐚𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐎𝐫𝐨𝐦𝐚𝐝𝐚, 𝐣𝐚𝐜𝐞𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐛𝐚𝐚𝐠𝐚𝐧𝐝𝐡𝐚𝐡𝐚, 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐜𝐢i𝐟𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐢𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐢𝐦𝐨.
Ugu danbeyntii, 𝐦𝐚 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐚?, maya oo haddana maya, ma jirto cid adiga maanta ku qaban kartaa?. Waayo adigu isma qaban kartid, raggii awal xidhaha kuu ahaa ee ay foolaadka u ahaayeen 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐆𝐨𝐨𝐝𝐚𝐚𝐝, 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐭𝐚𝐫, 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐀𝐛𝐢𝐢𝐛𝐚𝐤𝐚𝐫, 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢, 𝐬𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐢𝐢𝐛 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫, 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐍𝐮𝐮𝐫 maanta ma joogaan dunida. Sidaa awgeed, rajadu waxa ay ku sii socota dhadhaabo shuban iyo dhagax shiilan oo aan marna la hillaadin karin waxa ka soo bixi kara. Haseyeeshee, aan ku waydiiyo oo ku soo gabagabeeyo qoraalkayga, “𝐇𝐚𝐝𝐝𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐨𝐰𝐝𝐞𝐞, 𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐚?”.
Jamal A. Muse. (Boorame).
ISRAAIIL OO KU HANJABTAY DAGAAL XISBULLAH KA DHAN AH
Wasiir ka tirsan Israa’iil ayaa ka digay in Israa’iil ku dhaqaaqi doonto sidii ay Xisbullah uga saari lahayd xadka ay la wadaagto Lubnaan, haddii ay sii socdaan weerarrada kooxda maleeshiyada ah.
Benny Gantz ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay soo faragelin doonaan haddii ay xagjiriintu joojin waayaan rasaasta ay ku soo ridayaan waqooyiga Israa’iil.
Waqtigii xal diblumaasiyadeed wax lagu xalin lahaa ayaa sii dhamaanayay, ayuu sii raaciyay.
Dhanka kale, madaxa ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay aad ugu diyaar garoobeen dagaallo kale oo ka dhaca waqooyiga.
“Hawsheenna ugu horreysa waa inaan soo celinno amniga iyo dareenka amniga dadka deggan waqooyiga, tanina waxay qaadan doontaa waqti,” ayuu yiri taliyaha guud Lt Gen Herzi Halevi, ka dib markii uu sameeyay “qiimeyn xaaladeed”.
Rasaasta la isku weydaarsanayaan xudduudaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.
27 DECEMBER OO LOO ASTEEYEY MAALINTA KACDOONKA BULUUUGGA AH EE SSC-KHAATUMO
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-KHAATUMO Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa soojeedinta Golaha Fulinta kadib Xeer Hoghaamiye ku ansixiyey in maalinta 27 December ay noqoto maalin taariikhi ah oo ku astaysan bilowgii Halganka
“27 December 2022 waxay ahayd maalintii halganku bilowday, maalintii dhalinyaradu ka dhiidhiyeen dulmigii iyo gabood falladii Somaliland ku haysay deegaaankeenna, waa maalin weyn oo taariikhi ah”
Maalintan ayaa noqon doonta maalin rasmi ah oo shacabka SSC-KHAATUMO ay sanad walba xusi doonaan halgankii dheeraa ee ay soo galeen. Sidoo kale maalintan ayaa noqon doonta mid lagu cusboonaysiindoono xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka SSC-KHAATUMO.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa xusay in dhallinyarada SSC-KHAATUMO ay lafdhabar u yihiin halganka deeggaanadeenna lagaga saaray malayshida Somaliland, haddii aysan iyagu dhagaxatuurinna uusan halgankii hanaqaadeen.
Maalinta 27 December ayaa sanad kasta la xusi doonaa bilowgii Kacdoonka Buluugga ah ee dhaliyey guusha maanta ay ku naalloonayaan Deegaannada iyo Shacabka SSC-KHAATUMO oo dhan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
ITOOBIYA OO NOQOTAY AFRIKA DALKA 3AAD EE DAYNTII ISKA BIXIN WAAYEY
Sida ay qorayso wakaaladda wararka ee Reuters Itoobiya ayaa Talaadada maanta noqotay dalkii saddexaad ee Afrika ee iska bixin waaya deynta lagu leeyahay ka dib markii ay ku guuldareysatay in ay waqtigeeda ku bixiso $33 milyan oo doolar.
Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu si rasmi ah u galo habacsanaan “default” oo ah in dalku muujiyo inuusan iska bixin Karin deynta lagu leeyahay, iyadoo ay soo wajahday culays dhaqaale oo aad u ba’an ka dib masiibada COVID-19 iyo dagaal sokeeye oo socday laba sano, kaas oo dhamaaday Noofambar 2022.
Waxay ahayd in la bixiyo Diseembar 11, laakiin farsamo ahaan waxay haysatay ilaa Talaadada maanta si ay ubixiso taas oo cadaaday in aysan suurta galayn.
Waxay ku biiraysaa labada dal ee kala ah Ghana iyo Zambia oo hore xaaladdan oo kale galay. Dalalka ay sidani ku dhacdo ayuu hoos u dhacaa koboca dhaqaalahoodu sababo ay ka mid tahay maalgashiga oo hoos u dhaca.
CIIDAMADA ISRAAIIL OO QIRTAY IN DAGAALKU SIDAY MOODAYEEN AHAYN
Ciidamada Israa’iil ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan gudaha Qasa, balse waxa ay qirteen in dagaalku qaatay waqti adag oo markii hore filashadu sidaan ma aheyn.
Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay ballaarinayaan “howlgalka dhulka ee koonfurta iyo waqooyiga marinka Qasa.”
Sidaas oo ay tahay ayaa madaxweynaha Maraykanku Joe Biden waxaa uu sheegay inuu kala hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil “muhiimadda” ay leedahay ilaalinta rayidka.
Benjamin Netanyahu oo ka jawaabayay hadalkaas ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono ilaa laga gaarayo hadafka ay dowladdiisu ka leedahay dagaalka.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale u sheegay wariyaasha in uusan ka codsan Mr. Netanyahu in uu joojiyo dagaalka.
Jimcihii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay istaraatiijiyad ku baaqaysa in gargaar dheeraad ah loo diro Qasa.