Dagaalkii mudada dheer duleedka Laascaanood ka socday waxaa laga faaiiday inaan maamulka Beesha Isaaq aan walaaltinimadda, Soomaalinimada, wanaaga iyo baryadu deeqin, waxa keliya ee ay fahmaana tahay xumaanta, arintaas oo ay ogaayeen Garaadka Guud ee Umadda Soomaaliyeed Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Xildhibaan Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan).
Xildhibaan Cabdi Qawdhan wuxuu muddo yar shacabka Soomaaliyeed u iftiimiyey silsilad 32 sano dhagar iyo kala qaybin ka waday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo uu ugu yeeray Danjireyaasha kala goynta, Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in 32 sano ee Maamulka Hargeysa wanaag iyo walaaltinimo lagu waday ay uga sii dartay ee xumaanta lagu dayo, isagoo tusaalle u soo qaatay 15kii sano ee ay lahaayeen walaaleyaalow naga baxa.
Waxaa nasiibdaro ah in Isimadda kale oo weli maamulkii la sameystay dacalka haysta, habeen walba si dhuumasho ah ula hadlayaan Boqor Buurmadow iyo isimo kale oo qar-wareeg ah, intaas ku baaqaya nabad aan bislaan oo jilicsan, taasoo sii naaxinaysa dadka dulmiga ku socda, waxaa laydin moodaa inaad ka soo horjeedaan wanaaga iyo xaqiiqada uu Garaadka Guud sheegayo, khaladka ugu weyna waxaad Reer SSC Khaatumo ka gasheen maalintii aad nabada daciifka ah Guumeys kaga dhowaaqdeen, Isimow Maamulka Hargeysa 15 sano baa la baryayey, hadda xumaan waxaan ahayn looma hayo, WAX WADAHADAL AH OO LALA YEELANAYAA MA JIRTO ILLAA AY KU DHOWAAQAAN INAY SOOMAALINIMADDII KU SOO NOQDEEN.
Waxaa Madaxweynaha SSC Khaatumo Firdhiye iyo Maamulkiisa ku waajiba inay Maamulka taagta daran ee Hargeysa ugu baaqaan colaad maamul iyo mid beeleed kii ay jecel yihiin ama labadaba, wixii qalab iyo ciidan ay haystaan soo qaataan, kana codsada inay soo deg degaan, u sheeg inaad qarankoodii, aqoonsigoodii iyo riwaayadii ay 32 sano ku hamiyayeen aad burburiseen ee car kaalaya aarsada. hadalkaas cad waa luqada Hargeysa laga fahmo.
Ciidamada saraakiisha iyo Jamaahiirta SSC ha xusuustaan inay tuurta u saaran tahay ilaalinta nabadgelyada shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, sidaasdarteed waa inaad ka faaiideysataan fursad kasta oo aad cadowga ku wiiqi kartaan meelkasta ha joogeene.