Home Blog Page 20

ERDOGAN OO FIRIIN KULUL U DIRAY ISRAA’IL IYO REER GALBEEDKA

madaxweyne erdogan

Xilli uu la hadlayey dadweyne aad u qiiraysan oo ku sugan Istanbul, ayuu madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ku tilmaamay weerarrada Israa’iil ee Qaza “xasuuq”, wuxuuna sheegay in xulafada reer galbeedka ee Israa’iil ay yihiin “dambiilaha ugu weyn” ee ka dambeeya waxa uu ugu yeeray dambiyada dagaal ee Israa’iil.

“Israa’iil, waxaan kuu cadeyneynaa inaad tahay dambiile dagaal, aduunkana waan u diyaar garoobeynaa, waxaanuna Israel ugu soo bandhigi doonaa aduunka inay tahay dambiile dagaal.”

Erdogan waxa kale oo uu sii watay mawqifkiisii ahaa in aanu Xamaas u aqoonsanayn “urur argagixiso”.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay goob ballaaran oo uu sheegay in ay isugu soo baxeen dad gaaraya 1.5 milyan oo qof.

Dadkii ka soo qeyb galay ayaa ruxayey calamada Turkiga iyo Falastiin. Munaasabadan oo loogu magac daray Dibadbaxa Falastiin ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk ee aan la isticmaalin, halkaas oo uu Erdogan horay ugu qabtay isu soo bax noocaan oo kale ah.

Sabtidii, wuxuu ku celceliyay dhaleeceynta reer galbeedka iyo diidmada ay weli ku baaqeen xabbad joojinta Qaza, wuxuuna ku baaqay in dunida Muslimku ay u midowdo.

XAMAAS OO FAAHFAAHIN KA BIXISAY SIDII XALAY DAGAALKU U DHACAY

xamaas

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ay sheegay inay fashiliyeen weerarkii dhinaca dhulka ahaa ee xalay Israa’iil ku soo qaaday marinka Gaza.

War ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidmada Israa’iil ay u dhigeen weeraro dhabo gal ah oo ay diyaariyeen “kooxaha wax iska caabinta ee Falastiin”.

Waxay sheegeen in ay isticmaaleen qoriga loo yaqaano Kornet iyo madaafiicda Yaasiin si ay isaga difaacaan Israa’iil.

Xamaas ayaa sheegatay in qasaare nafeed ay gaarsiiyeen ciidamada Israa’iil oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Dhanka kale Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay 150 goobood oo ay ku sugnaayeen Xamaas.

DADKA AWDAL STATE OO CAGTA SAARAY DARIIQII SSC EE GOBANIMADA IYO MIDNIMADA SOOMAALIYEED

awdal state flag

Xilli shacabka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayo xaaladda siyaasadeed ee Goboladda Awdal, Salal iyo Gebilay oo la filayo inay aayahooda ka tashadaan oo noqdaan Maamul Goboleed Soomaaliya ka tirsan sida maamulka SSC- Khaatumo ayaa waxaa si weyn isu soo taraya guuxa iyo cadhada xarkaha goosanaysa ee shacabka, dhalinyaradda Jamaahiirta iyo siyaasiyiinta.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdi Cismaan Dhago-wayne ayaa meel faragaare ah ka yiri “Reer Sool way-tageen, anaguna dawlada difaaci mayno ee dadkayagaanu la dareenahay“. Sidoo kale dhalinyaradda ayaan qarsanin dareenkooda ku aadan inay aayahooda ka tashadaan oo yeeshaan Maamul Goboleed Soomaaliyeed.

Shacabka Dawlada SSC-KHAATUMO iyo maamulkooduba waxay taageero buuxda oo walaaltinimo iyo Soomaalinimo isla garab taagayaan walaalahooda Gadabuursi, waxayna soo dhoweynayaan talaabo kasta oo ay maamul ku sameysanayaan degaamadda Awdal, Salal iyo Gebilay, sidoo kale waxaa maamul Beeleedka Muuse Biixi looga digayaa inuu ishortaago rabitaan shacab, si dhiig daada looga baaqsado.

NATIIJADA TARTANKII MADAXWEYNAHA BAARLAMAANKA ADDUUNKA

tartan baarlamaanka aduunka

Waxaa goordhow soo dhamaaday Tartankii Madaxwaynaha Baarlamaanka adduunka, oo ka dhacayey dalka Angola, sidan ayeyna natiijadu ahayd.

Tanzania 172

Malawi 61

Sinigal 59

Somalia 11

Tarntanka waxaa ka qayb galaysay xildhibaan Marwo bashiir oo Soomaaliya matalaysay, haseyeeshee Marwo oo bilihii u dambeeyey wadday olole ay ku doonaysay in ay xilkaas qabato ayaa waxaa ku taageeray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, balse markii dambe waxaa soo baxay warqad la sheegay in loo qoray baarlamaanka adduunka oo lagu sheegay in ay ka baxday tartanka.

Xil. Marwo waxay u sheegtay BBC in aysan ka bixin tartanka, isla markaana aysan ogayn sababta keentay in warqad tartanka ay uga baxayso la qoro.

Tanzaaniya ayaa noqotay madaxwaynaha baarlamaanka adduunka oo heshay 172, halka Soomaaliya ay tartanka ka gashay meeshaa ugu hoosaysa oo ah 11 dhibcood.

CATRIONA LIANG OO MAAMULADA SSC IYO SOMALILAND UGU BAAQDAY WADAHADAL

Catriona Liang special representative

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Catriona Liang ayaa Labada maamul ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland ugu baaqday in maxaabiista lays weydaarsado, si uu u furmo wada hadal, loona helo kalsooni ka dhex dhalata labada maamul.”

Muuse Biixi Cabdi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey la seegay inuu culeyska saarayey inuu helo saraakiisha Ciidamadda ee Laascaanood lagaga haysto.

XAMAAS OO SHEEGTAY IN ILAA 50 LA HAYSTEYAAL AH LA DILAY

gantaalada xamaas

Afhayeen u hadlay garabka militariga Xamaas ayaa sheegay in ku dhawaad ​​50 la haystayaal ah oo ay ku haysteen dagaalyahanadooda Gaza lagu dilay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Marinka, kaddib weerarradii Xamaas ay geysatay 7-dii Oktoobar.

Abu Cubeyda ma bixin wax tafaasiil ah oo intaas dheer. Milatariga Israel ayaa aqoonsaday 224 lahayste oo ay Xamaas ku haystaan Gaza.

ERDOGAN: XAMAAS WAA KOOX XOREYN OO DHULKEEDA DIFAACAYSA

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Xamaas ay tahay koox xoreyn ah oo dagaal ugu jirta si ay u difaacdo dhulkeeda.

Xamaas – ama xaaladaha qaarkood garabkeeda millatari – ayaa Israa’iil, Maraykanka, Midowga Yurub iyo UK, iyo sidoo kale awoodo kale u aqoonsadeen koox argagixiso.

In ka badan 1,400 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Turkiga ayuu Erdogan ku sheegay inuu joojinayo qorshayaashii hore ee uu ku booqan lahaa Israa’iil.

Waxa uu sheegay in uu gacan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, balse uu ku takri-falay ujeedadii wanaagsaneyd ee Turkiga.

Labada hoggaamiye ayaa bishii hore ku kulmay shir madaxeedkii Qaramada Midoobay ee New York – iyadoo xilligaas loo arkayay calaamad kale oo muhiim ah oo muujineysa inuu soo hagaagayo xiriirka dalalkooda.

HOGAAMIYAHA SSC OO BOOQDAY JIIDA HORE EE CIIDAMADDA GUUMEYS

hogaamiye ssc cabdiqaadir axmed firdhiye

Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdi Qaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo ay weheliyaan Hogaamiye ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ayaa booqday Ciidamadda SSC KHAATUMO ee ku sugan Difaaca Salinta ee u dhexeeya Guumays iyo Oog.

Madaxweyne Firdhiye ayaa balan qaaday xuquuqda Ciidamadda.

TIRADA RAYIDKA EE FALASTIINIYIINTA AH EE LA DILAY OO KORODHAY

gaza

Waxaa korortay tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay weerar ciidamada Israel ay ku qaadeen dhulka la heysto ee Daanta Galbeed. Tirada ayaa hadda gaartay 94 qof.

Labo nin oo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay, shan kale na waa lagu dhaawacay weerar ciidamada Israel ay ku qaadeen xerada

Two young men were killed and five other people were injured by Israeli army gunfire in the Jalazoun refugee camp north of the city of Ramallah in the occupied West Bank, according to the Palestinian Ministry of Health.

A BBC correspondent says that Israeli forces stormed the camp at dawn on Monday and raided a number of homes, leading to confrontations inside the camp.

With the killing of the two young men on Monday morning, the number of Palestinians killed by Israeli army gunfire in the West Bank rises to 94.

SAWIRRO XILDHIBAAN CABDI QAWDHAN OO LAASCAANOOD GAADHAY

cabdi qawdhan laascaanood6

Xildhibaan Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) ayaa galabta gaadhay Magaaladda Caasimada SSC-KHAATUMO ee Laascaanood.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY