Home Blog Page 6

ABIY AXMED OO KU ADKEYSANAYA DAMACIISA GURACAN EE BADDA SOOMAALIYA

abiy axmed2

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shalay hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal ay la galaan Soomaaliya sababo la xiriira baadi-goobka ay Ethiopia ugu jirto bad, ayaa geesta kale wuxuu weli ku dhagan yahay damiciisa gurracan ee helitaanka dhul badeed.

Abiy Axmed oo la hadlayey sharci-dejiyayaasha dalkiisa ayaa yiri hadal u dhignaa “Waan wadaagi doonnaa kheyraadkeena, xitaa mustaqbalka, laakiin rajadeenu waxay tahay in aan ka filayo inay sidoo kale aqbalaan codsiyadeena.”

Hadalkaan ayaa muujinaya in xukuumadda Abiy ay weli ku adkeysaneyso damacaasi, xilli ay 1-dii Janaayo ee sanadkaan heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dukumentiyada heshiiskaas ayaan weli la shaacin balse Somaliland ayaa dhankeeda waxay sheegtay in Ethiopia ay ogolaatay inay aqoonsato madax-banaanideeda, ayada oo ku beddelanaysa dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiskaas ayaa ka caraysiiyey dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adkeysata in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale jeediyey “inuu diyaar u yahay dagaal ay la galaan Itoobiya” si looga hortago inay halkaas deked ka dhisto.

“Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumanaan Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya. Waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababta oo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo, mana dooneyno in aan dagaalanno,” ayuu yiri Abiy Axmed.

ABWAAN ABEES OO MAXKAMADA HARGEYSA KU XUKUNTAY 18 BILOOD

abwaan craxmaan abees

Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray ayaa maanta waxay Maxkamadda Degmada Hargeysa ku riday xukun lama filaan ah oo gaaraya sanad iyo lix bilood.

Xukunkan ayaa ah mid deg-deg ah oo aan la filayn xilligaan, maadaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato muddo, islamarkaana baaristu ay dheeraato.

Xariga Abwaan Abees ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadal-hayn xooggan ka abuuray baraha bulshada, kadib markii uu warbaahinta kasoo muuqday aabihii oo ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq.

Aabaha dhalay Abees ayaa markaas meesha ka saaray in xukuumaddu ay xarigiisa ka dambeyso, isagoo sheegay inuu isagu dalbaday in wiilkiisa la soo xiro si loo dhaqan-celiyo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay xiratay xukuumadda Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Hooyada dhashay abwaanka oo iyadna warbaahinta kasoo muuqatay ayaa beenisay eedaha uu aabihii abwaanka u jeediyay.

Waxay sheegtay in xukuumadda ay ka dambayso xariga wiilkeeda, laakiin aabihii ay usoo dhex-martay oo la rabo in la bahdilo abwaanka, oo mucaarad ku ah xukuumadda Muuse Biixi, si weyna u dhaliila.

Abees oo muddo dheer mucaarad ku ahaa xukuumadda Biixi, ayaa 2-dii bishaan soo bandhigay buug uu qoray oo la yiraahdo Mayal, kaasi oo uu ku dhaliilayo xukuumadda Somaliland iyo madaxweynaha uu waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi.

NISA OO SOO QABATAY NINKII GUBAY LUUL CABDICASIIS

luul cabdicasiis

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ayaa goordhoweyd gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad-sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Allaha u naxariistee, Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyaada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

Si dhab ah looma oga illaa hadda sababta ka dambeysa falkaan argagaxa leh ee uu kula kacay xaaskiisa, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay salka ku hayso arrimo masayr.

REER AWDAL OO MUQDISHO KU QABTAY KULAN LOOGA SOO HORJEEDO IIBKA BADDA

awdal state flag

Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ee ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Kulankaan oo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca Itoobiya iyo xad-gudubka ay ku sameysay qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb-gal kulanka xildhibaano ka tirsan  labada gole ee BJF, wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay in dowladda federaalka ay ku garab taagan yihiin go’aanka ay ka qaadatay damaca liita ee xukuumadda Abiy Axmed.

Suldaan Diiriye oo waxgaradkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in Soomaalida meel walba oo ay joogta looga baahan yahay in ay u istaagaan difaaca dalka.

“In aan dirirno mooyee dawo kale ma heynee dabka qaata oo kaca xeebahana difaaca,” ayuu Suldaan Diiriye oo bulshada Soomaaliyeed ku booriyay in si wada-jir ah looga hortago damaca guracan ee Itoobiya.

Senator Bilaal Ismaaciil Cabdullaahi oo kamid ah sanatarada kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa isna waxa uu yiri “Reer Awdal maanta waxa ay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan damaca Ethiopia”.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi oo goobta ka hadlay ayaa isna meel adag iska taagay heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa, “Ogolaan meyno innagoo Muslimiin ah inaan baddeenna ka iibino Gaalo”

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan oo ku hadlayay afka guddiga qabaan-qaabada kulan difaaca Badda Soomaaiya ayaa sheegay sida shacabka Reer Awdal aysan marnaba raali uga ahayn in la qaato badda Soomaaliyeed.

“Haddii aan nahay shacabka reer Awdal marnaba raalli kama noqoneyno in baddeenna iyo dhulkeennu gacmaha ka baxaan” ayuu yir Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Xagaa oo ugu dambeyntiina isna halkaasi hadlay ayaa waxa uu yiri “Waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada baddeenna, waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”

Si kastaba, Reer Awdal ayaa horey si weyn uga horyimid damaca Itoobiya ee qeybo kamid ah baddeena, tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo ay markii dambe burisay dowladda federaalka Soomaaliya.

MAREYKANKA OO WEERARAY SALDHIGYO KU YAAL CIRAAQ IYO SUURIYA

Joe Biden-2

Millatariga Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku beegsaday in ka badan 85 bartilmaameed oo ku kala yaalla gudaha Suuriya iyo Ciraaq.

Bartilmaameedyadan ayaa u badnaa saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran iyo malleeshiyaadka ay taageerto dowladda Iran.

Weeraradan uu qaaday Maraykanku ayuu uga aargudanayay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo Axaddii lasoo dhaafay lagu weeraray saldhig qarsoodi ah oo uu ku leeyahay dalka Urdun, gaar ahaan meel u dhaw xadka Suuriya.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay 3 askari oo Mareykan ah halka lagu dhaawacay in ka badan 40 kale.

Duqaymahan cusub ee Maraykanku qaaday ayay la beegsadeen, talisyo ciidan, xarumo ay ku shaqeeyaan mukhaabaraadku, keydka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xarumaha rasaasta, qeybaha gantaallada iyo xarumo kale oo ay adeegsanayeen malleeshiyaadka hubeysan ee taageerada ka hela dowladda Iran iyo ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo duqeynta ka hadlay ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in ay jiri doonaan duqeymo kale oo cirka ah oo ay fulin doonaan.

BEELAHA CIISE IYO GUDABIIRSI OO GO’AAN ADAG KA QAATAY IIBKII BADDA

abiy axmed iyo muuse biixi

Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Ciise iyo Gadabuursi ayaa si wadajir ah u qabtay shir Jaraa’id oo heshiiskii uu badda ku saxiixay Muuse Biixi ay uga hadleen, sidoo kale waxay iclaamiyeen shirweyne looga arrinsanayo heshiiskii Itoobiyaanka lagu siiyey qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Odayaasha mid mid warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay Muuse Biixi uusan iibsan karin badda Soomaaliya ee uu Somaliland burburinayo.

“Anagoo ah beelaha Ciise iyo Gadabuursi waxaan qaba doonaa shir balaaran oo aayo ka tashi ah, waqti dhow ayuu dhici doonaa ee diyaar haloo sii noqdo, waxaan ka hadli doonaa badda Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay degaan labadaan beelood oo la sheegay in Muuse gatay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale ayaa yiri, “Nin dhan oo umadda Somaliland ay masiirkooda ku aamintay ayaa na yiri waxaan aqoonsi siistay badiinii, laakiin waxaan u maleynayaa badaan ma iibi karee inuu Somaliland burbur u horseedi doono Muuse.”

Sidoo kale odayaasha ayaa farriin u diray golaha guurtida Somaliland oo madaxweynaha ku taageersan qorshaha uu badda ku iibsanayo, iyagoo wacad ku maray in dhulkooda aysan marnaba Xabashidu u soo dhawaa doonin inta mid ka nool yahay.

“Waxaan leenahay Muusow masiirkii umadaan waad baabi’isay, nin nin aaminaya maanta ma jiro, marka hadda kadib Isaaq ayaa tahay, wax Somaliland la dhahana ma jiraan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii sida adag u hadlay.

WARARKII XABAD-JOOJINTA GAZA IYO XAALAD DARAN OO KA JIRTA

isbitaal qasa

Waxaa shalay iyo xalay sii xoogeystay dadaallada caalamiga ah ee loogu jiro sidi loo heli lahaa xabad-joojin kale oo ka hirgasha Marinka Gaza, xilli ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha iyo dagaalka culus ee ay ka waddaan Gaza.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in Xamaas ay dib u eegis ku sameyneyso qorshe loo soo bandhigay oo Gaza looga hirgelinayo xabbad-joojin lix todobaad ah. Soo jeedintaasi ayaa ka soo baxday wadahadallo maalmahan ka socday magaalada Paris oo xal loogu raadinayo qaboojinta dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Dhanka kale, waxaa kasii dareysa xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Marinka Gaza, gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay hey’adaha gargaarka maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ay ka digeen in ay dadku qarka u saaranyihiin in ay macluul u baab’aan.

Agaasimaha xaaladahaha deg degga ee Laanta Caafimaadka Adduunka Michael Ryan, ayaa sheegay in muddada ay wadahadallada ka socdaan magaalada Paris, ay dadka Gaza gaajo u dhimanayaan sababo la xiriira go’doonka ay Israa’iil gelisay gargaarka bani’aadannimo ee gali jiray Gaza.

Wadahadaladda ka socda Paris ayaa waxaa hor-boodaya Qatar, Masar, Mareykanka iyo Faransiiska. Xabad-joojintan ayay Israa’iil ku dalbatay in lagu sii daayo dhammaan laheystayaasha soo haray ee gacanta ugu jira Xamaas.

Halka Xamaas ay dhankeeda dalbaneyso, in loo soo daayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, sidoo kalana xabad-joojinta laga dhigo mid toos ah, Israa’iilna ay kala baxdo ciidankeeda guud ahaan Marinka Gaza.

ITOOBIYA OO IGAD UGU BAAQDAY SHIR AY DAMACEEDA GURACAN KU SHARAXAYSO

ethiopia R AbiyAhmed

Dowladda Itoobiya oo war cusub soo saartay ayaa ka dalbatay IGAD qabashada shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda gobolka ka taagan ee ka dhalatay heshiiska badda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo codsigan soo saartay ayaa farriinteeda toos ugu dirtay Jabuuti oo haatan haysa hoggaanka shir guddoonka Urur Goboleedka IGAD.

Warsaaxaafadeedka wasaaradda arrimaha Itoobiya ayaa lagu sheegay in xukuumaddooda ay dooneyso inay sharaxdo arimaha gobolka ee taagan, gaar ahaan heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

Lama oga in IGAD ay aqbali doonto codsiga Itoobiya, maadaama ay horay iyaduna u diiday shirkii ka dhacay Kampala ee ay dalabkiisa lahayd dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Soomaaliya ee ku aadan dalabka ay IGAD u dirtay Itoobiya.

Dhinaca kale ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay arrintaan ayaa farriin u diray Ururka IGAD

Mr Sharmaake ayaa ugu baaqay hoggaanka Urur Goboleedka IGAD in aysan aqbalin dalabka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, maadaama uu horay u diiday shirkii ay dalbatay Soomaaliya ee ka dhacay dalka Uganda.

“Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sababtay damaciisa ku aadan helitaanka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa” ayuu yiri Sharmaake

Arrintaan cusub aya kusoo aadeysa, xilli madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ay ku wada sugan yihiin magaalada Roma ee dalka Italy, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirka Italy iyo Afrika.

BOQOLAAL QOF OO MACALUUL UGU DHINTAY GOBOLADA TIGRAY IYO AMHARA

ethiopia map

Mas’uul u hadlay Itoobiya ayaa sheegay in ku dhawaad afar boqol oo qof ay ku dhinteen gobollada waqooyi ee Tigray iyo Amhara sababo la xiriira macaluul ka dhalatay abaarta.

Endale Haile, oo hogaamiya machadka dhexdhexaadinta federaalka, ayaa BBC u sheegay in dhimashadu ay dhacday lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Hadalkan ayaa ka hor imaanaya hadal horay uga soo baxay dowladda Addis Ababa oo ahaa in aysan jirin wax cadeynaya in ay dad u dhinteen gaajo.

Bishii Disembar, mas’uuliyiin ka tirsan Tigrayga ayaa ka digay in macaluul la tartameysa dhibaatadii ay Itoobiya soo martay bartamihii 1980-meeyadii ay kusoo fool leedahay haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Dowladda ayaa sheegtay in digniintaasi ay tahay mid la buunbuuniyay laakiin waxay qiratay in abaartu ay si weyn u saameysay deegaano dhowr ah.

VILLA SOOMAALIYA OO CADEYSAY IN AANAY ROME KU KULMAYN MADAXDA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

villa somalia

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa u sheegay VOA in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.

“Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MOU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa ku sheegay qoraal uu VOA usoo diray Cabdulqaadir Cali Dige.

“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY