Home Blog Page 5

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY MAGAALADA KISMAAYO

madaxweyne xasan sheekh kismaayo

Kismaayo, February 14, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

FARMAAJO IYO SHEEKH SHARIIF OO KU FASHILMAY QORSHE AY KU XAGAL-DAACINAYEEN WAX KABEDELKA DASTUURKA

madaxweyne xasan sheekh farmaajo iyo sheekh shariif

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen laba madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayey ku sheegeen in uu “mira dhali waayey” dedaal ay ku dhexdhexaadinayeen Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid cabdullaahi Deni.

“Madaxweyneyaashan hore ayaa soo jeediyey in hakad la geliyo wax kabedelka Dastuurka oo ummadda Soomaaliyeed mudo dheer sugeysay, balse waxaa genefka ku dhuftay Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo Madaxda qaranka.

Madaxwynayaashan hore ayaa beryahanba ku mashquulsanaa xagal-daacinta wax-ka-bedelka Dastuurka Dalka Soomaaliya kaas oo ay hadda Baarlamaanka Soomaaliya bilaabeen wax-ka-bedelkiisa iyo dhameysytirkiisa.

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO GUDAGALAY WAX KA BEDELKA DASTUURKA

baarlamaanka somalia 2024

Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo haatan kulan xasaasi ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta toos u guda galay arrimaha wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa guddoominaya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo faahfaahin ka bixiyay ajendaha kulankooda maanta ee ku aadan arrimaha dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ah guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ah qabiir sare oo sharci yaqaan ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay tahay maalin weyn oo taariikhi ah, isla markaana ay sugeysay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, maadaama la dhameystirayo dastuurka dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waa maalin waqti badan ay sugeysay Ummadda Soomaaliyeed dastuurka Baarlamaanadii lasoo dhaafay oo dhan laga sugaayay nasiib noqon waysay inay suurtogasho ayaa maanta galeynaa furitaankiisa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhammaan xildhibaanada Soomaaliyeed, isaga oo ka codsaday inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama ay u taallo shaqo adag, isla-markaana la guda galay doodda ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan wada ogaano oo aan ku talagalno maanta laga bilaabo inaan galeyno arrin ka duwan tii hore waqtiga waa in aad loo ilaaliyo oo subixii 9:00 subaxnimo sida noogu qoran xeerka inaan nimaano” ayuu mar kale yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maanta aysan jirin dood toos ah, basle la dhageysanayo warbixinta guddiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka oo soo bandhigaya warbixin ku aadan qodobada miiska saaran ee wax laga beddelayo.

“Guddiga ayaa warbixin na siinaayo, iyaga ayaan ka dhageysaneynaa faahfaahin ayay bixin doonaan, kadib waxaa wax laga weydiin doonaa mabaadii’da guud” ayuu sii raaciyay.

TACSI: INAALILAAHI WA INAA ILLAYHI RAAJICUUN MAXAMED JAAMAC CASHUUR

Maxamed Jamaac Cashuur Garaad

إنا لله وإنا إليه راجعون Ilaahay how naxariisto waxaa saaka magaalada Garoowe ku geeryooday Marxuum Maxamed Jamaac Cashuur Garaad.

Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegay marxuum Maxamed Jamaac Cashuur Garaad.

Waxaan marxuumka illaahay uga baryeyaa inuu u naxariisto, dadkii iyo qaraabadiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN

Osman Ibrahim Warsame

IMAARAADKA OO XAQIIJISAY SARAAKIISHII LAGAGA DILAY XERADA GEN. GOORDAN

uae flag

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiysay in saddex sarkaal looga dilay weerarkii uu askari tababar ku jiray ka fuliyey xerada Jeneral Goordon ee magaalada Muqdisho, habenekii Sabtida.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaal afraad oo u dhashay dalka Baxreyn uu ka mid yahay xubnaha la dilay, ayada oo sidoo kalena laba kale ay dhaawacmeen.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen 3 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, iyo dhaawaca 2 kale oo ka dhashay fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxay ku guda jireen gudashada waajibaadkooda shaqo ee tababarrida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee qaab-dhismeedka iskaashiga milateri ee labada dal.”

Wasaaradda gaasshaandhigga ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto baaritaanka ficilkan aadka u xun.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.

BAARLAMAANKA DFS OO ANSIXIYEY IN SOOMAALIYA KU BIIRTO EAC

baarlamaanka somalia 2024

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Soomaaliya ku biirto Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka nooqotay Ururkan sanadkii hore ka dib markii dowladda Soomaaliya daddaal badan ku bixisay.

NIN SOOMAALI AH OO LOO MAGACAABAY MADAXA SIRDOONKA ITOOBIYA

Ridwan Xuseen sirdoon ethiopia

 Ambassador Ridwan Xuseen oo hore u ahaa la taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.

Danjire Ridwaan ayaa noqday madaxa hay’adda sirdoonka dalka, isagoo bedelaya Temeseng Tiruneh oo loo magacaabay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Danjire Ridwan uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.

Waa kuma Ridwan?

Ridwaan Xuseen waxaa uu dashay 22 Sebtembar 1971, waxa uuna ka soo jeeda Koonfurta Itoobiya halkaas oo ay dagaan qowmiyadda Silte ee isagu ka dhashay.

Ridwan waxa uu shahaadada heerka koobada ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa sanadkii 1995 tii, isaga oo bartay cilmiga Biology- ka.

Shahaadada heerka labaad ayuu ka qaatay Jaamacadda Pacific University 2006, isaga oo bartay hogaaminta ururada.

Waxaa uu noqday macalin wax ka dhiga dugsiyo sare ee dalka itobiya. isaga oo macalin ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga Sare ee Jinka ee Koonfurta Omo Zone iyo Dugsiga Sare ee Awolia ee Addis Ababa.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2004 ilaa 2008 waxa uu ahaa madaxa xafiiska waxbarashada gobolka Shucuubta Koonfureed, balse wuxuu wixii intaas ka dambeeyay bilaabay in uu ka shaqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya.

Danjire Ridwaan Xuseen ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka soo shaqeeyay xilal kala duwan oo uu kasoo qabtay dowladdda Itoobiya iyo xisbiga talada haya ee Itoobiya.

Dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee Tigrayga ka dib, markii xariirka Itoobiya iyo Ereteriya dib loo soo celiyay muddo labaatan sannadood ah kadib , waxaa danjire Ridwaan in muddo ah ku sugnaa Asmara isaga oo ahaa ergayga gaarka ah ee Itoobiya iyo safiirka u fadhiya dalkaas.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday safiirka Itoobiya ee Ireland ka hor inta uusan noqon safiirka Eritrea ee dalkiisa.

Waxaa uu qabtay xilal kale oo ay ka mid yihiin wasiirkii isgaarsiinta, wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xilal kale oo dowladeed.

Waxaa uu ku matalay ddowladda Itoobiya wada hadalo kala duwan oo Itoobiya ay la gashay kooxaha kasoo horjeeda .

Wareeg labaad ee wada-xaajoodka Ciidanka Xoraynta Oromada iyo dowladda ay ku yeesheen dalka Tanzania waxaa uu ahaa masulkii matlayay dowladda Itoobiya.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Ridwan Xuseen, oo ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ahaa madaxa wada-xaajoodka ugu weyn ee dawladda federaalka Itoobiya ee heshiiskii lagu soo afjarayo dagaalka gobolka Tigray.

Heshiiska oo ay wada gareen kooxda Tigray iyo Xukuumada Adis Abab ayaa ka dhacay Koonfur Afrika iyo Kenya.

Muxuu ka yiri heshiiska Soomaliland iyo Itoobiya?

Markii Dowladda Itoobiya iyo Jamuuriyada iskeeda ugu dhawaaqaday madax banaanida ee Somaliland ay heshiiska is-afgaradka ah ku gaareen magaalada Adis Abab, Danjire Ridwaan waxaa uu ahaa shaqsigii inta badan arrinta kaga hadlayay warbaahinta.

Bartiisa X (Twitter) ayuu dhawaabn ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn ee Itoobiya ay dhawaan dhisatay wabiga Niil.

Ridwan Xuseen wuxuu bartiisa X ku qoray: “ka go’naanshaha Itoobiya ee nabadda iyo amaanka Soomaaliya waxaa lagu muujiyey dhiigga iyo dhididka wiilasheena iyo gabdhaheenna qiimaha leh. Itoobiya iyo Soomaaliya deris soohdin wadaaga kaliya ma aha, laakin waa dalal isku bah ah oo wadaaga luuqad, dhaqan iyo dad. Xiriirka isku keen haya waa mid xoog leh.

“Himiladeennu waa mid isku xiran oo aan la kala saari karin. Heshiiska is afgarad ee Somaliland aan la yeelanay waa mid iskaashi iyo bahwadaag, kaasoo Itoobiya marin u siinaya badda marka xagga ganacsiga laga hadlayo. Ma aha in aan dhul ku darsanayno ama in loo qaato madaxbanaanida dhuleed ee waddan”.

Qoraalka iyo hadalo kale oo uu la wadaagay warbaahinta dalkiisa ayaa ahaa kuwa uu ku matalayay dawladda Itoobiya.

Isha: BBC

SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO SAXIIXAY HESHIIS DIFAAC OO CUSUB

wasiirada difaaca turkey iyo soomaaliya

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Heeshiiskan ayaa taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) oo booqasho ku tegay Istanbul, kaas oo la kulmay dhiggiisa Turkiga.

“Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo haatan ah mid xoogan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale heshiiskan ayaa yimid xilli muhiim ah oo ay ciidamada Soomaaliyeed ay dagaal adag kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineyso ciidamada Xoogga dalka, si ay guul uga soo hooyaan halganka adag ee ay ugu jiraan xoreynta dalka oo dhan.

ABIY AXMED OO KU ADKEYSANAYA DAMACIISA GURACAN EE BADDA SOOMAALIYA

abiy axmed2

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shalay hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal ay la galaan Soomaaliya sababo la xiriira baadi-goobka ay Ethiopia ugu jirto bad, ayaa geesta kale wuxuu weli ku dhagan yahay damiciisa gurracan ee helitaanka dhul badeed.

Abiy Axmed oo la hadlayey sharci-dejiyayaasha dalkiisa ayaa yiri hadal u dhignaa “Waan wadaagi doonnaa kheyraadkeena, xitaa mustaqbalka, laakiin rajadeenu waxay tahay in aan ka filayo inay sidoo kale aqbalaan codsiyadeena.”

Hadalkaan ayaa muujinaya in xukuumadda Abiy ay weli ku adkeysaneyso damacaasi, xilli ay 1-dii Janaayo ee sanadkaan heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dukumentiyada heshiiskaas ayaan weli la shaacin balse Somaliland ayaa dhankeeda waxay sheegtay in Ethiopia ay ogolaatay inay aqoonsato madax-banaanideeda, ayada oo ku beddelanaysa dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiskaas ayaa ka caraysiiyey dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adkeysata in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale jeediyey “inuu diyaar u yahay dagaal ay la galaan Itoobiya” si looga hortago inay halkaas deked ka dhisto.

“Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumanaan Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya. Waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababta oo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo, mana dooneyno in aan dagaalanno,” ayuu yiri Abiy Axmed.

ABWAAN ABEES OO MAXKAMADA HARGEYSA KU XUKUNTAY 18 BILOOD

abwaan craxmaan abees

Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray ayaa maanta waxay Maxkamadda Degmada Hargeysa ku riday xukun lama filaan ah oo gaaraya sanad iyo lix bilood.

Xukunkan ayaa ah mid deg-deg ah oo aan la filayn xilligaan, maadaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato muddo, islamarkaana baaristu ay dheeraato.

Xariga Abwaan Abees ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadal-hayn xooggan ka abuuray baraha bulshada, kadib markii uu warbaahinta kasoo muuqday aabihii oo ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq.

Aabaha dhalay Abees ayaa markaas meesha ka saaray in xukuumaddu ay xarigiisa ka dambeyso, isagoo sheegay inuu isagu dalbaday in wiilkiisa la soo xiro si loo dhaqan-celiyo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay xiratay xukuumadda Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Hooyada dhashay abwaanka oo iyadna warbaahinta kasoo muuqatay ayaa beenisay eedaha uu aabihii abwaanka u jeediyay.

Waxay sheegtay in xukuumadda ay ka dambayso xariga wiilkeeda, laakiin aabihii ay usoo dhex-martay oo la rabo in la bahdilo abwaanka, oo mucaarad ku ah xukuumadda Muuse Biixi, si weyna u dhaliila.

Abees oo muddo dheer mucaarad ku ahaa xukuumadda Biixi, ayaa 2-dii bishaan soo bandhigay buug uu qoray oo la yiraahdo Mayal, kaasi oo uu ku dhaliilayo xukuumadda Somaliland iyo madaxweynaha uu waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY