Safiirka Somalia ee Qatar oo war cusub ka soo saaray xaaladda caafimaad ee duqa Muqdisho
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Amb. Taano oo wareysi siiyey Universal TV, ayaa sheegay in haatan ay soo hagaageyso xaaladda guddoomiyaha, islamarkaana ay ku filan tahay dowladda Qatar.
Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in lagu guuleystay in laga soo saaro saddex firir oo Caloosha ka galay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan dhaawacyada kale ay soo fiicnaaneyso, xaaladdooda caafimaad.
“Dowladda Qatar waxay sameysay dedaal kii ugu weynaa, waanan ugu mahad celineynaa, laga billaabo jawaabtii deg-degga ahayd ee ay bixisay, in 24 Saac wax ka yar ay noo soo dirtay Diyaarad iyo Dhaqaatiir 19 ka kooban, dhaawaciiyoo dhanna ay qaadday, iyo dhaawacyo ay kusoo dartay Dhaqaatiirtu dhaawacyo hore oo isugu jira kuwo laga keenay Boosaaso, Kismaayo iyo KM4, marka waa ugu mahad celineynaa in ay noqdeen Dowladdii ugu horreeysay ee Jawaab deg-deg ah bixisay”ayuu yiri Safiirku.
Dhanka kale Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu geeriyooday nin ka mid ahaa dadkii qaraxa ku dhaawacmay ee la geeyey dalka Qatar.
Waxa uu carabka ku dhuftay inay xaaladdiisu aad u liidato, balse weli ay la tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.
Dadka dhaawacyada ah ee la gaarsiiyey Qatar oo gaaraya 12 Qof ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla gudaha dalkaasi.
Sudan: Saraakiil, askar lagu eedeeyey in ay rayid laayeen
Xeer ilaaliyaha guud ee Sudan ayaa eedo dambiyo aadamenimada laga galay ah ku soo oogay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada gurmadka degdegga ah oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen xooggii lagu kala dareeriyey dadkii ka hor mudaharaadayey taliska guud ee ciidanka.
Gudi baadheysay dhacdadaas ayaa sheegtay in ugu yaraan sideed sarkaal ku eedaysan yihiin dambiyo laga galay aadamenimada oo ay ku lug lahaayeen dil wadareed la sheegay markii dadkii bannaan baxayey xooga lagu kala dareerinayey horaantii bishii June.
Sida uu sheegay ururka dhakhaatiirta Sudan oo u janjeedha dhanka mucaaradku wadarta guud ee dadkii lagu dilay mudaharaadkaasi waxay gaadhay 130 qof.
Gudoomiyaha gudida baadhaysay arintaas, Cabdiraxmaan Saciid, ayaa ka sheegay shir jaraa’id in sarkaal darajadiisu tahay janan iyo mid kale oo kornayl ahi ay hogaaminayeen hawl galkii dadka lagu kala dareerinayey.
Waxaanu farta ku fiiqay in labadaa sarkaal amarkii la siiyey ee ay is diidsiiyeen ahaa in ay hawl ka fuliyaan goob la yidhaa “Kolombiya” laakiin aan loo dirin goobtii dadka mudaharaadayaa fadhiyeen.
Waxa kale oo uu sheegay in baadhitaankooda lagu ogaaday in todoba iyo sideetan qof la dilay, halka dhaawacuna yahay boqol iyo sideed iyo lixdan kale, waxaanu intaa ku daray in askar ka tirsan ciidamada rabshadaha ka hortagaa ay rasaas dhibica kaga dhigeen iyaga oon u kala aabo yeelayn dadkii mudaharaadayey.
Sida uu dhigayo sharciga milatariga Sudan, waxa suurto gal ah in ciddii lagu eedeeyo dembiyo laga galay aadamenimadu ay mutaystaan ciqaabta dilka ah.
Gudidan natiijada baadhitaankii ay wadday soo bandhigtay waxa magacaabay xeer ilaaliyaha guud oo u xil saaray in ay baadho dhacdadii dadka badani ku dhinteen ee dadka ka hor mudaharaadayey taliska guud ee ciidanka lagu kala dareeriyey.
Gudidu intii ay baadhitaanka wadday waxay sida oo kale su’aalo weydiisay dad goob joog ahaa iyo saraakiil milatari, boolis iyo askartii ka qayb gashay kala didintii dadkaas.
Daawo Jamhadda Caarre oo sheegatay guulo iyo degaano ay la wareegeen
Jamhadda uu hogaamiyo General Siciid Cawil Jaamac Caarre ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal dhexmaray iyaga iyo Ciidamadda Somaliland.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Eng.Sakariye Nuur Saajin Cabdulaahi iyo hogaanka wacyigalinta Alfanaan Cabdiraxmaan Waqle ayaa Fiidiyow ay soo dhigeen baraha Bulshada ku sheegay inay la wareegeen dhamaan degaamada xeebta u sii jeeda ee Maydh, kadib markii Ciidankii badda ee halkaas ku sugnaa isu dhiibay, hub iyo saanad bada kala wareegeen.
Afhayeenku wuxuu sheegay khasaaraha ay Ciidamada Somaliland gaarsiiyeen iyo dhinacoodaba.
Muuqaalka ka Daawo page-ka Facebook.com/xaysimo
SOMALILAND SHACABKII WANAAGSANAA EE HOGAAMINTA WAAYEY
Waxaan muran ku jirin in shacabka Somaliland uu yahay shacab aad u wanaagsan, marka la barbar dhigo falalkii foosha xumaa ee Soomaalida kale ku kaceen waqtigii burburka, dadaaladoodii isku tashiga ahaa ee ay ku kaceen sida dib u heshiisiintii, adkaynta nabadgelyada, maamul sameysiga, gooni-isutaaga iwm, nasiibdarrose laga soo bilaabo geeridii Aas-aasihii Somaliland MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL, waxaa ku habsatay hogaamiye xubo.
DAAHIR RAYAALE:
Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu ahaa nin waxaanu filayn dumaalay, dumaashana dhibteedu waa SIDAAS NALOOMA QABI JIRIN, sidaasdarteed wuxuu waqtigiisa ku dhameystay sidii loo lahaa sidaas Cigaal wax uma maamuli jirin, dhaxalkii iyo horumarkii odayga ee socday buu sii daba joogay, ma jirin feker cusub oo uu la yimid, waxaa kor u kacday qabyaaladdi kadib markii uu garanwaayey mar labaad hays sharaxin oo shacabka wax xun haku khasbin, gebagebadiina wuxuu ku guuldaraystay inuu Xisbigiisii UDUB badbaadiyo oo u dooro hagaamiye ku haboon. Amaanta Daahir Rayaale waa qof wax dhaama waayey.
AXMED SIILAANYO:
Mugdi badan oo baadhis u baahan baa ku xeeran xukunkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, labo buug oo dad xogogaal ahi qoreen waxay dureen xusuustii, inkastoo hogaamintii laga filayey uu ka baaqsaday, haddana waxaa jira qodobo dhowr ah oo aan la dafiri karin, sida wadahalkii Somalia iyo Somaliland oo sidii labo dawladood laysku hor fadhiisiyey, qodobadii xirfadeysnaa ee xukuumaddii Xasan Sheekh laga saxeexay, heshiisyadii ganacsi ee Imaaraatka oo loo baahnaa in xukuumaddii ka dambeysay si farsameysan uga faaiideyso siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba iyo doorashaddii Madaxtinimadda ee sida nabadgelyada ah uga dhacday Xuduuda barri ee Somaliland, degaamadaas oo maanta shaki weyni ku jiro inay ka qabsoomi doonto.
MUUSE BIIXI CABDI:
Mudadii uu Madaxweyne Muuse Biixi taladda hayey ma jirto guul iyo waxqabad la taaban karo oo Somaliland u soo hoyday, balse waxaa jira guuldarooyin iyo fashilaado saameeyey Arimaha Dibadda, Arimaha Gudaha iyo midnimadda shacabka, doraad wuxuu shacabka Somaliland meel fagaare ah uga balanqaaday inaan Sanaag xabad dambe ka dhici doonin oo nabadgelyo lagu dhameynayo, labo maalmood kadib waan aragna isku dhacyada.
Lagama yaabo arin ka khaldantay inuu saxo Waayo? fekerka iyo xukunka uu Madaxweyne Muuse adeegsanayaa maaha kii Somaliland dhaqankeeda iyo wadatashigeeda ku dhisnaa ee waa ku dayasho laga soo minguuriyey Madaxweynihii hore ee Kilinka 5aad ee Itoobiya Cabdi Iley jeelka ku jira, waa hogaamin dadkeeda la col ah, cadowgana u jilicsan, hogaamintaasna Somaliland ma anfacayso.
Madaxweynuhu maanta wuxuu sheegay in arinta waqti la siinayo oo markii ay bislaato ay iska soo dhici doonto, sida midhuhu markay bislaadaan iskaga soo dhacaan, waxaa ka khaldan maxaa loo doortay haddii waxwalba markay bislaadaan la eego, in waxwalba sabab leeyihiin ayaa meesha ka saaray, waa nidaamkii colaaddi Dhumay ka dhacay iyo tan weli ka taagan Gobolka Sanaag.
Waxaa xusid mudan dad badan oo xukuumadda Muuse Biixi qiil uga dhiga in Xukuumaddii ka horeysay ee Siilaanyo ay wax badan sii qaribtay gaar ahaan dhaqaalaha, waxaa isweydiin mudan Xukuumadii Siilaanyo Kastamyaddii iyo xafiisyadii miyey raratay, waxay ahayd nidaam dawliya oo sanadna dhaqaalihiisu isbixiyo sanadna deyn gala, waana arin caalamka oo dhan ka dhacda, sidii baa baabuurta 6 biloodkii laaga qaadaa, maxay la tagtay? HALKAN KA AKHRISO QAAR KA MID AH GUULDAROOYINKA IYO FASHILKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI
Guud ahaan Reer Somaliland hogaamiye la`aantu waxay ka lumisay 20 sano ku dhowaad, haddii si fiican looga faiideyn lahaana aan maanta Soomaaliya si fudud ku soo gaadheen, wixii hore waxaa ka sii xun in aanay weli muuqan rajo hogaamiye oo waqtiga adag ee soo fool leh qaabili kara, iyadoo 3-da Xisbi ay noqden meherado dadka gaar ah iyo ilo qabyaalada soo saara, dhan loo cararaan aanay jirin.
Daawo Madaxweyne Muuse oo ka hadlay isku dhaca Jamhada Kornayl Caarree iyo Ciidamada Somaliland
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay isku dhaca maanta dhexmaray Jamhada Kornayl Caarree iyo Ciidamada Somaliland.
DAAWO:
Daawo Xoghaye Ramaax: Madaxweyne Xabadi xal maaha arinta Caarre
Daawo Xoghaye Ramaax Arimaha Gudaha Xisbiga UCID ayaa ka hadlay dagaal maanta Jamhadda Caarre iyo Ciidamadda Somaliland ku dhexmaray Buuraleyda Gobolka Sanaag.
Xoghayaha ayaa hadalkiisa ku soo koobay “Madaxweyne Xabadi xal maaha arinta”
DAAWO:
Jamhadda Caarre iyo Ciidamadda Somaliland oo ku dagaalamaya Buuraha Ceerigaabo
Warar hordhac oo aanu ka helayno dad ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya inay burburtay waanwaantii u socotay Jamhadda Caarre iyo Xukuumadda Somaliland.
Wararku waxay sheegayaan in Jamhadda Caarre ay xalay si lama filaan ah ugu ku galeen degaamo dhufaysyo dabiiciya oo adag leh, kuwaas oo ay ciidamadu ka hortaagnaayeen.
Xubno wargalka ah ayaa shabakadda xaysimo.com u xaqiijiyey in Col. Caarre iyo qayb ka mid ah ciidamadiisii ay iminka ku sugan yihiin Maydh, halka intii kalena ay meesha duska la yiraahdo isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland oo saaka aroortii ka daba tagey, waxaana labada dhinac ay isdhaafsanayaan rasaas goos goos ah oo ka dhacaysa xubka kala duwan.
Waxaa la sheegayaa in dhaawacii ugu horeeyey uu soo gaadhay Isbitaalka Ceerigaabo.
Doraad ayey ahayd markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu meel fagaare ah ka balanqaaday inaan Gobolka Sanaag xabad dambe ka dhici doonin oo arinta nabagelyo lagu dhameyn doono.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Trump u ogolaatay in darbiga Mexico loo maalgaliyo
Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu $2.5 bilyan oo doolar ka isticmaalo sanduuqa Pentagon-ka si uu u dhiso qeyb ka mid ah darbiga ee dhinaca koonfureed ee xadka.
Maxkamadda ayaa waxa ay go’aankaasi ku meel marisay shan cod halka afarna ay diideen, waxaana ay sidaa maxkamaddu ku hor istaagtay xukun uu riday xaakimka federaalka ee California kaas oo madaxweynaha ka hor istaagay inuu wax kharash ah ku bixiyo dhismaha darbiga.
Darbiga oo kala qeybinaya Mareykanka iyo Mexico, ayaa ahaa ballaanqaadkii ugu waynaa ee ololaha Trump ee doorashadii 2016.
Arrintaasi waxaa aad uga soo horjeestay Dimuqraadiyiinta.
Go’aanka ay Maxkamadda ugu sarreysa gaartay ayaa waxa uu ka dhigan yahay in lacagta loo isticmaali doono mashaariicda darbiga looga dhisayo gobollada California, Arizona iyo New Mexico.
Maxkamad ku taal California ayaa waxa ay ku doodday in Kongareesku uusan bixin ogolaanshaha kharashka loo isticmaali doono dhismaha darbiga.
Farriin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Mr Trump waxa uu xukunka ku tilmaamay “guul weyn”.
Bartamahii bishan July ayey aheyd markii hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac ka muujisay shuruucda cusub ee socdaalka Mareykanka ee ah in dadka magangalya -doonka ah ee Koonfurta Ameerika loo diido in ay soo galaan dalkaasi.
Hay’adda Qaramada midoobey ee qaxootiga ayaa sheegtay in shuruucda cusub ee Mareykanka ay yihiin kuwa aad u adag slamarkana halis galinaya qoysaska nugul.
In dadka Mareykanka ka soo galaya dhanka xuduuda Konfureed islamarkana soo maray dal kale loo diido magangalyo ayay ku tilmaamay UNHCR mid waji gabax ku ah Mareykanka.
Hay’adda Qaxootiga aduunka aya rumaysan in xukuumadda Washinton ay ku tumanayso sharuucda caalamiga ah ee ay horey u saxiixday.
Qaar badan oo ka mid ah dadka Mareykanka imaanaya ayay hay’adu sheegtay in ay ka soo carareen cadaadis iyo rabshado islamarkana dadkaasi aysan xerooyiinka ay ku sii hakanayaan aan la siin wax dhowrid iyo ilaalin ah.
Hay’adda qaxotiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ay la socoto in nidaamka magangalyada ee mareykanka imika uu yahay mid murugsan islamarkana ay hay’ada diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato xalka arrintan.
UNHCR ayaa intaa ku dartay in nidaamyadan ay xaddidayaan xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda islamarkana uusan xalku ku jirin.
Balse hadalada ka soo yeeraya madaxwayne Trump ayaa ah kuwa muujinaya in Mareykanku uusan diyaar u ahayn in uu soo dhaweeyo dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangalya doonka.
Qaxootiga ka soo galay xadka dhanka Mexico ayaa waxaa ay la kulmaan cadaadis iyo dhibaatooyiin badan.
Sucuudiga oo fiiseyaashii u diiday xujaydii reer Koongo
Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Sucuudigu ayaa lagu sheegay in aan la siin doonin dal ku gal xujayda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ka tegi lahayd.
Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankaa lagu saleeyey go’aankii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku sheegtay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Koongo yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta.
“Waxa la joojiyey fiiseyaashii ay dalka ku soo geli lahaayeen dadka ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, si loo ilaaliyo fayo qabka xujaajta” ayey tidhi wasaaraddu.
Imam Djuma Twaha oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Muslimiinta dalkaas ayaa BBC-da u sheegay in markii hore Sucuudigu u qoondeeyey Muslimiinta dalkaas 410 qof in ay sannadkan tagaan Makka si ay u gutaan xajka.
“Waxa jira dad sannado badan isku diyaarinayey in ay tagaan xajka oo xataa qaarkood ay ku qaadatay toban sannadoo si ay u dhitaystaan kharashka xajka ay ku tagayaan oo ah 4250 doolar” ayuu yidhi.
Hay’adda WHO ayaa 17 bishan Juulaay ku dhawaaqday in Ebola yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta waxaanay ku tirtirsiday dalalka in ay xadidaan isku socodka ganacsiga iyo dadka tagaya dalkaas.
Ku dhawaaqidda arrintani ayaa timid ka dib kulan ka dhacay magaalada Geneva ee xarunta ururka markaasi oo ay khubarada ay qiimayn ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka oo meeelo cusub ku sii fiday .
Goobaha cusub ee cudurka lagu arkay waxaa ka mid ah magaalada Goma, oo ay ku nool yihiin dad ka badan 1 milyan oo qof islamarkana ku taalla xuduudda Ruwanda.
Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa waxaa haystay cadaadi loogu baaqayay inay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad oo caalami ah oo degdeg ah.
Kiis cudurka ka mid ah oo laga helay magaalada Goma iyo haweenay u gudubtay dhanka xadka Uganda oo cudurka laga helay ayaa soo dadajisay in xaaladan lagu dhawaaqo
Ku dhawaaqida xaaladan caafimaad ee degdega ah ayaa waxay micnaheedu tahay in sare loo qaadi doono baaritaanada xudduudaha iyo garoomada ,balse WHO waxay sheegtay in xuduudaha aan la xiri doonin.
Ku dhawaaqida xaalad degdeg ah oo caafimaad ayaa waxa ay albaabada u furaysaa in lacago badan oo cudurka lagula dagaalamo la helo.
Ilaa iyo hada dalalka deeq bixiyayaasha ayaa si gaabis ah u bixinayay deeqaha ay siiyaan Congo marka loo barbar dhigo deeqihii ay siiyeen dalalka galbeedka Afrika markii uu cudurka ka dilaacay 5 sano ka hor.
Balse qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa ka walaacsan in lacago la helo iyo xaalad degdeg ah midna aysan gacan ka gacan ka gaysan Karin la dagaalanka cudurka.
Cudurka Ebola ayaa ku sii fidayay qaybo ka mid ah Congo oo ay colaado ka taagan yihiin,waxaana la weeraray lana dilay shaqaalaha caafimaadka islamarkana dadka deegaanka waxaay shaki ka qabaan hay’adaha gargaarka ee ajnabiga ah.
Tan iyo intii uu cudurka Ebola ka dilaacay Congo waxaa ku dhintay dad badan.