Safiirka Somalia ee Qatar oo war cusub ka soo saaray xaaladda caafimaad ee duqa Muqdisho

injineer yariisow

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa  Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Amb. Taano oo wareysi siiyey Universal TV, ayaa sheegay in haatan ay soo hagaageyso xaaladda guddoomiyaha, islamarkaana ay ku filan tahay dowladda Qatar.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in lagu guuleystay in laga soo saaro saddex firir oo Caloosha ka galay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan dhaawacyada kale ay soo fiicnaaneyso, xaaladdooda caafimaad.

“Dowladda Qatar waxay sameysay dedaal kii ugu weynaa, waanan ugu mahad celineynaa, laga billaabo jawaabtii deg-degga ahayd ee ay bixisay, in 24 Saac wax ka yar ay noo soo dirtay Diyaarad iyo Dhaqaatiir 19 ka kooban, dhaawaciiyoo dhanna ay qaadday, iyo dhaawacyo ay kusoo dartay Dhaqaatiirtu dhaawacyo hore oo isugu jira kuwo laga keenay Boosaaso, Kismaayo iyo KM4, marka waa ugu mahad celineynaa in ay noqdeen Dowladdii ugu horreeysay ee Jawaab deg-deg ah bixisay”ayuu yiri Safiirku.

Dhanka kale Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu geeriyooday nin ka mid ahaa dadkii qaraxa ku dhaawacmay ee la geeyey dalka Qatar.

Waxa uu carabka ku dhuftay inay xaaladdiisu aad u liidato, balse weli ay la tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.

Dadka dhaawacyada ah ee la gaarsiiyey Qatar oo gaaraya 12 Qof ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla gudaha dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here