Haweeney loo caleemo saaray in ay noqoto ugaaska beel

ugaasad sameey axmed haaruun

Haweeney ku nool Garisa, Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa loo caleemo saaray in ay noqoto ugaaska beel ka mid ah beelaha halkaas dega.

Sameey Axmed Haaruun oo hadashay markii la caleema saaray kaddib waxa ay sheegtay inay haweenka reerkeeda si cadaalad ah ugu shaqeyn doonto, sidoo kalena ay caawin doonto raggii u yimaada.

Waa dhaqan ku cusub bulshada Soomaalida in haweeney ugaasnimo loo caleemo saaro. Xilka ugasnimada waxaa dhaqan ahaan Soomaalida u qabta rag.

Samey Axmed Haaruun oo BBC-da la hadashay ayaa ka warbixisay waxa ay ku dooratay xilkaan.

“Ugaasnimadayda waxay ku bilaabatay, rabitaankayga oo ahaa inaan beeshayda mideeyo, howshaan waxaan ka shaqaynaynay muddo saddex sano ah,” ayey tiri.

“Wadatashi badan ka dib waxaan istusnay in nabadgelyada iyo xalkaba uu gacanta ugu jiro dumarka oo ah hooyooyiinka dhalay ilmaha. Waa inaan walaalnimadii iyo wanaagii ka dhaxeeyey dadka la muujiyo.”

Ugaasad Samey ayaa sheegtay in howshaan ay kaalin mug leh ka gaysteen dumarka “oo lahaa fikradda iyo qaban qaabada”.

“Waxaa ra’yiga iska lahaa oo arrinkan bilaabay 20 dumar ah, waxaan wacyigelin ka dhex abuurnay bulshada. Hadda waxaan gaaraynaa illaa 500 oo xubnood. Kulamo aan yeelannay kaddib waxa ay go’aansadeen in ay isiiyaan fursad aan ugaasad uga noqdo,” Ayey Sameey u sheegtay BBC Somali.

Haddaba sidey Sameey kula shaqayntooda ugaaska beesha ay ka soo jeeda?

Xilkan cusub ee loo dhiibay Sameey lama soo wada dhoweyn. Waxaa jiro qaar ka mid ah oday dhaqameedyada isla beeshaan oo ka soo horjeeda caleemasaarkeeda.

“Dhaqan aanan lahayn ayaa lugaha noola geliyey, mana aqbaleyno arrinkan. Waxaan leennahay dhaqan soo jireen ah,” Ayuu tiri Jibril Kadiye oo isku reer ay yihiin Ugaasad Sameey.

Balse Waxay Sameey qabtaa in ay ragga kala shaqeyndoonto arrimaha bulshada, gaar ahaan wixii quseeya dumarka.

Sameey waxay tiri: “Wax dhibaato ah oo aan ka tabanayno ma jiraan ugaaska, waxaana nahay dad qaraaba ah. Marka ay dumarka dhibaato wajahaan way iikeeni karaan raggana ugaaska ayey u gayn karaan”.

“Ragga wax wey ka qaban waayeen arrimaha haweenka. Waxaan aniga ugaasad u ahay haweenka waxaan diyaar u ahay in aan si cadaalad ah dadka ugu shaqeeyo, aana u gargaaro kuwa tabaaleysan.”

Sameey ayaa haweenka u dirtay fariin waxa ayna tiri ” Midooba oo ka wada shaqeeya hormarka, raggana garabsiiya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here