Sudan: Saraakiil, askar lagu eedeeyey in ay rayid laayeen

banaanbax sudan

Xeer ilaaliyaha guud ee Sudan ayaa eedo dambiyo aadamenimada laga galay ah ku soo oogay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada gurmadka degdegga ah oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen xooggii lagu kala dareeriyey dadkii ka hor mudaharaadayey taliska guud ee ciidanka.

Gudi baadheysay dhacdadaas ayaa sheegtay in ugu yaraan sideed sarkaal ku eedaysan yihiin dambiyo laga galay aadamenimada oo ay ku lug lahaayeen dil wadareed la sheegay markii dadkii bannaan baxayey xooga lagu kala dareerinayey horaantii bishii June.

Sida uu sheegay ururka dhakhaatiirta Sudan oo u janjeedha dhanka mucaaradku wadarta guud ee dadkii lagu dilay mudaharaadkaasi waxay gaadhay 130 qof.

Gudoomiyaha gudida baadhaysay arintaas, Cabdiraxmaan Saciid, ayaa ka sheegay shir jaraa’id in sarkaal darajadiisu tahay janan iyo mid kale oo kornayl ahi ay hogaaminayeen hawl galkii dadka lagu kala dareerinayey.

Waxaanu farta ku fiiqay in labadaa sarkaal amarkii la siiyey ee ay is diidsiiyeen ahaa in ay hawl ka fuliyaan goob la yidhaa “Kolombiya” laakiin aan loo dirin goobtii dadka mudaharaadayaa fadhiyeen.

Waxa kale oo uu sheegay in baadhitaankooda lagu ogaaday in todoba iyo sideetan qof la dilay, halka dhaawacuna yahay boqol iyo sideed iyo lixdan kale, waxaanu intaa ku daray in askar ka tirsan ciidamada rabshadaha ka hortagaa ay rasaas dhibica kaga dhigeen iyaga oon u kala aabo yeelayn dadkii mudaharaadayey.

Sida uu dhigayo sharciga milatariga Sudan, waxa suurto gal ah in ciddii lagu eedeeyo dembiyo laga galay aadamenimadu ay mutaystaan ciqaabta dilka ah.

Gudidan natiijada baadhitaankii ay wadday soo bandhigtay waxa magacaabay xeer ilaaliyaha guud oo u xil saaray in ay baadho dhacdadii dadka badani ku dhinteen ee dadka ka hor mudaharaadayey taliska guud ee ciidanka lagu kala dareeriyey.

Gudidu intii ay baadhitaanka wadday waxay sida oo kale su’aalo weydiisay dad goob joog ahaa iyo saraakiil milatari, boolis iyo askartii ka qayb gashay kala didintii dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here