Home Blog Page 641

Mareykanka oo ballanqaaday inuu xoojinayo taageerada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab u sameysay dowladda Soomaaliya, kadib qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo ka hadlay weerarkaasi ayaa marka hore Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen, isagoona ku dhaawaca ah u rajeeyey caaafimaad deg deg ah.

Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisu cambaareyneyso weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid baahalnimo ah.

Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Soomaaliya, islamarkaana uu ka gacan siinayo baabi’inta Argagixisada.

“Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri Yamamoto.

Ugu dambeyn waxa uu amaan iyo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii gobolka Banaadir.

Weerarkan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 Qof oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal heer gobol.

Madaxweyne ku meel gaadh ah oo loo dhaariyey Tunisia

maxamed al naasir tunisia

Gudida sare ee doorashooyinka Tunisia ayaa ku dhawaaqday in dalka laga qaban doono doorasho madaxtooyooyo 15 Sebtember ee sannadkan.

Waxa sidoo kale xilka madaxtinimada dalka si ku meel gaadh ah loogu dhaariyey gudoomiyaha baarlamanka, Maxamed Al-Naasir, geeridii Madaxweyne Baaji Qaa’id Al-Sibsi ka dib.

Sida uu dastuurka dalku digayo gudoomiyaha baarlamanka ayaa si ku meel gaadh ah xilka u haynaya muddo 45 ilaa 90 maalmood ah inta lagu qaban qaabinayo doorsho madaxweyne.

Maxamed Al-Nasir ayaa qudhiisa da’diisu tahay 85 jir oo aan wax badan ka yarayn madaxweynaha geeriyooday.

Xukuumaddu waxay shaacisay baroor diiq todoba maalmood ah iyo in calanka dalka hoos loo dhigi doono.

Waxaanay intaa ku dartay in maalinta Sabtida ah aas qaran lagu sagootiyi doono madaxweynaha geeriyooday.

Al-Sibsi oo ahaa madaxweynaha ugu da’da weyn dunida ee xil haya ayaa Arabacadii la dhigay isbitaal, maalmihii ka dambeeyeyna xukuumaddu wax war ah kamay soo saarin xaaladiis iyo xanuunka hayey toona.

Tunisia ayaa noqday dalka keliya ee ka soo doogay kacdoontii gu’gii Carabta oo aan dagaal iyo fawdo ka dhicin.

Al-Sibsi ayaa door wayn ka ciyaaray heshiis awood qaybsi ah oo dhex maray xisbigiisa Nidaa Tuunis iyo xisbiga Islaamiga ah ee Annahda. Waxaanay arintaasi sahashay in dalku xasilo oo aan dawladdu dumin.

Wuxu ahaa nin loo arkayey inuu ilaalinayo mabaadiida cilmaaniga ah ee bulshada Tunisa.

Dadka ka soo horjeedaa se waxay u arkayeen inuu ka mid ahaa rajiimkii hore ee dadka miidhay ee Bin Cali oo uu xilal ka soo qabtay.

Waxaanay u haysteen in uu doonayey in ay soo laba kaclayso “dawladdii xididaysatay” isla markaana wiiqayey himiladii kacaanka.

150 qof ku dhimatay Doon ku degtay xeebaha Liibiya

doon degtay 3

Dad gaaraya 150 qof ayaa ku qaraqmay xeebaha dalka Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.

UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in tiro kale oo dhan 150 ay soo badbaadiyeen Kaluumaysato reer Liibiya ah, islamarkana ay ciidamada ilaalaha xeebaha Liibiya ay ku soo celiyeen gudaha dalkaasi.

Ma cadda ilaa iyo iminka in muhaajiriintan ay hal doon ama labo doon ay saarnaayeen.

Muhaajiriintan ayaa ka tagay magaalada Al Khoms, oo 120 kiilo mitir dhanka bari kaga beegan caasimadda Tripoli.

Ku dhawaad 164 qof ayaa ku dhimatay afartii bilood ee sanadkan ugu horreysay wadada isku xirta Liibiya iyo Yurub ee ay muhaajiriinta adeegsadaan.

Qaramada Midoobay ayaa marar badan ku cel-celisay in dadka laga soo badbaadiyo badda Mediterranean-ka aan dib loogu celin Liibiya oo ay ka jiraan dagaalo iyo muhaajiriinta oo halkaasi kala kulma xaalada bina’aadanimada ka baxsan.

Ugu yaraan 65 muhaajiriin ah ayaa bishii May ee sanadkan dhimatay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia.

16 qof oo ka badbaaday ayaa la geeyay xeebaha Tunisian

Kumannaan muhaajiriin ah ayaa isku daya sanad walba in ay ka talaabaan badda Mediterranean-ka si ay Yurub u gaaraan, islamarkana marinkoodu waa Liibiya.

Balse tan iyo bartamihii 2017 waxaa aad hoos ugu dhacay tirada muhaajiriinta.

Diyaarad ciidamada Qatar oo dhaawicii gudoomiye Yariisow dibada u qaaday

qatar airforce mugadisho

Dhaawaca Guddoomiyaha gobolka banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa goor-dhaw laga duuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyadoo loo qaaday dalka dibaddiisa.

Diyaarad kuwa ciidamada ah oo ay leedahay dowladda Qatar ayaa dhaawaca Duqa Muqdisho iyo xubnaha kale ka qaadday garoonka Muqdisho, balse lama oga in lagu daweyn doono dalka Qatar iyo dalal kale loo sii qaadi doono.

Sidoo kale, Dhaawacyada ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Saynab Xaabsay, waxaana la sheegay in dhakhaatiir fara badan ay la socdeen diyaaradda, si ay kaalmo caafimaad ugu fidiyaan Guddoomiye Yariisow haddii ay lasoo darsaan xaalado dhanka caafimaadka ah inta lagu sii jiro duullimaadka.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan oo markii la qaadayay dhaawaca Yariisow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Duqa Muqdisho lagu sameeyay laba qalliin oo kala duwan intii uu ku jiray isbitaalka Digfeer ayna xaaladdiisu soo hagaagayso.

Dhanka kale, Xaaladda Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa inta badan laga dayrinayaa iyadoo ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaybta sare ee jirka, waxaana tan iyo xalay dhaawiciisa lagula tacaalayay isbitaalka Digfeer ee Xamar.

Ma jiraan warar rasmi ah oo laga heli karo xaaladda caafimaad ee Yariisow, waxaana uu ka mid ahaa dhaawacyadii shalay soo gaaray xubno fara badan oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa la sheegay inay fulisay haweeney indhool ah, balse warkaan ayaan si dhab ah loo hubin, waxaana socda baaritaanno ku aaddan sidii loo ogaan lahaa sida uu qaraxaan u dhacay.

Ugu dambeyn, Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo laga hadlyay shirka amniga caasimadda, waxaana weerarkan sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta DF.

MADAXWEYNE DENI OO GUDDOOMIYE KU MEEL GAAR AH U MAGACAABAY DEGMADA TALEEX

taleex2

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmada taariikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa Iimaan Cali Shire u magacaabay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee degmada Taleex sida ku qoran Dikreeto ka soo baxday xafiiska Deni oo ku taariikhaysan 24-Luuliyo-2019.

Hoos ka akhriso dikreetada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Daawo Madaxweyne Muuse oo tabliiq Siyaasadeed ka jeediyey xaflad ganacsi oo uu soo abaabulay Dahabshiil

madaxweyne muuse biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tabliiq Siyaasadeed ka jeediyey xaflad ganacsi uu soo abaabulay Dahabshiil.

Tabliiqii Jaamacadaha iyo meelo badan oo kale waxaa horey u boobay Madaxweynihii hore ee Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh, halka Madaxweynaha Somalilandna uu xooga saaray carwooyinka ganacsiga, isagoo hadalkan kii ka horeeyey ka jeediyey Carwaddii Buugaagta.

QM: Waan ka xun tahay qaraxii shalay, waxaan garab taaganahay shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed

james swan

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa war ka soo saaray qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay gelinkii dambe ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

War ka soo baxay xafiiska UNSOM  ayaa lagu sheegay in QM ay aad ugu xun tahay weerarkaasi, islamarkaana Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale James Swan ayaa Tacsi u diray Ehellada mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxaasi.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa xilliga uu dhacayay qaraxa daqiiqado ka hor ka baxay xarunta dowladda hoose ee Xamar, isagoona kulan gaar ah hoolka uu ka dhacay kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.

Al-Shabaab oo dusha u ridatay weerarkan waxa ay shaacisay in bartilmaameedku uu ahaa James Swan, sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka.

Madaxweynihii dalka Tunisia oo geeriyooday

mweyne tunisia m beji caid essebsi

 War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda calmaaniga ah ee Wadanka Tuunis ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.

Wararka ka imaanaya dalka Tuunis ayaa xaqiijinaya in Isbitaal Melleteri uu ku dhintay Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa 92 sana jir muddo shan sanadood ah soo maamulayay wadankan dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Tuunis ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu udhintay cudur maalmihii lasoo dhaafay lagala tacaalayay.

Essebsi ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay Tunisia kaddib kacdoonadii ka dhacay dalalka carabta.

DF oo war kasoo saartay qaraxa xarunta Gobolka Banaadir iyo guddoomiye 3-aad oo geeriyootay

astaanta soomaaliya

Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow Warbaahinta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen Khasaaraha ka dhashay qaraxii halkaas ka dhacay galabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay howlan tahay badbaadinta dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime, inkasta oo ay Caasimada Online xaqiijisay dhimashada 7 qof, waxaana hadda la xaqiijiyey dhimashada guddoomiyaha Shangaani, oo markii hore aan la werin.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada:

1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 – Guddoomiyihii degmada Shangaani Sahra Markeyzi
4 – Agaasimaha Nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane
5 – Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.
5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye
6 – Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Ijineer Shuuriye.

Wasiirka waxa uu sheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falka dhacay islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxi Xarunta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta ku dhimatay

xarunta gobolka banaadir

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada:

1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 – Agaasimaha nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane
4 – Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.
5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye

Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka.

Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo.

1 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo xaaladdiisa ay halis tahay.
2 – Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame.
3 – Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.
4 – Agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose, Askar iyo dad Shacab ah oo u shaqa doontay xarunta, wallow aan tirakoobka rasmiga ah ee dadkaas wax noqday wali la soo saarin.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamuud C/llaahi Tuulax, ayaa sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo uu sababay qaraxa, haatanna ay ku howlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dhibanayaasha.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arrinsanayay ammaanka Caasimadda.

Weerarka waxa uu dhacay wax yar uun ka dib, markii uu goobta ka tagey Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, isagoo fariistay hoolka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiintan dhimashada iyo dhaawaca noqotay.

Xaaladda amniga ee Gobolka waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada booliiska, waxaa kale iyaguna ku sugan xarunta ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Guddoomiyaha Gobolka.

Ma cadda ilaa hadda sida qofka ismiidaamiyey ay ugu suurtogashay inuu ka gudbo goobaha kontoroolka ee lagu baaro.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY