DF oo war kasoo saartay qaraxa xarunta Gobolka Banaadir iyo guddoomiye 3-aad oo geeriyootay

astaanta soomaaliya

Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow Warbaahinta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen Khasaaraha ka dhashay qaraxii halkaas ka dhacay galabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay howlan tahay badbaadinta dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime, inkasta oo ay Caasimada Online xaqiijisay dhimashada 7 qof, waxaana hadda la xaqiijiyey dhimashada guddoomiyaha Shangaani, oo markii hore aan la werin.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada:

1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 – Guddoomiyihii degmada Shangaani Sahra Markeyzi
4 – Agaasimaha Nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane
5 – Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.
5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye
6 – Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Ijineer Shuuriye.

Wasiirka waxa uu sheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falka dhacay islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here